Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa gaaray caasimadda Hindiya ee New Delhi, halkaas oo uu uga qeybgalayo shir madaxeedka 18-aad ee BRICS, iyadoo dagaallada Bariga Dhexe iyo Ukraine, ganacsiga caalamiga ah iyo amniga tamarta ay ka mid yihiin arrimaha ugu waaweyn ee shirka.
Booqashada Xi ee Hindiya ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo 2019, waxaana si gaar ah isha loogu hayaa xiriirka labada dal oo soo hagaagaya kaddib xiisaddii iyo isku dhicii ciidamada Shiinaha iyo Hindiya ee xadka Himalaya sanadkii 2020.
Inkasta oo Beijing iyo New Delhi ay dib u bilaabeen duulimaadyo, fiisooyin iyo kulamo heer sare ah, haddana khilaafka dhuleed ee labada dal weli lama xallin, waxaana xadka dheer ee u dhexeeya labada dal weli ku sugan ciidamo badan.
Xi Jinping ayaa la filayaa inuu kulan fool-ka-fool ah la yeesho Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi, iyadoo labada dhinac ay doonayaan inay xoojiyaan xiriirka, inkastoo ay weli jiraan khilaafaad siyaasadeed, dhaqaale iyo amni.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sidoo kale gaaray New Delhi, iyagoo ka qeybgalaya shirka.
BRICS, oo la aas-aasay 2009, ayaa isu keena dalal waaweyn oo soo koraya, iyadoo ururku doonayo inuu kordhiyo saameyntiisa siyaasadeed iyo dhaqaale ee caalamka, xilli dunidu wajahdo dagaallo, xiisado ganacsi iyo caqabado dhinaca tamarta ah.
AJE & AFP

