Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka ee jaamacadda Umadda soomaaliyeed.
Munaasabadda ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, maamulka jaamacadda, aqoonyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in horumarka Soomaaliya uu si weyn ugu xiran yahay tayeynta waxbarashada, kobcinta aqoonta iyo maalgelinta dhallinyarada.
Waxa uu xusay in jaamacaduhu ay door muhiim ah ka qaataan diyaarinta jiil aqoon, xirfad iyo karti u leh hoggaaminta dalka iyo ka qaybqaadashada horumarkiisa.
Intii ay socotay munaasabadda, Madaxweynaha ayaa daah-furay Hindisaha ABUUR halkaas uu ku dhagax dhigay qeebo cusub jaamacadda hirgelineyso, oo lagu taageerayo hal-abuurka, curinta iyo kobcinta xirfadaha ganacsi ee ardayda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray dhismayaal cusub oo ay ka mid yihiin kuwa kulliyadaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Xarunta Guddiga Caafimaadka Arrimaha Carabta iyo Xarunta Gurmadka Degdegga ah iyo Daryeelka Xaaladaha Halis ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhagax-dhigay dhismayaasha Guriga Martida ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Dhismaha Hal-abuurka iyo Cilmi-baarista.
Mashaariicdan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada sare, tababarrada caafimaadka iyo cilmi-baarista gudaha Soomaaliya.






