Shirkadda googele gaar ahaan qeebteeda Google Play store ayaa u oggolaanaya isticmaaleyaasha Android inay tijaabiyaan barnaamijyo iyo adeegyo cusub ka hor inta aan si rasmi ah loo soo bandhigin, si horumariyayaashu uga helaan jawaab-celin ku saabsan waxqabadka iyo khibradda isticmaalaha.
Barnaamijyada “Early Access” waa apps aan weli si rasmi ah loo daabicin, halka Beta ay yihiin noocyo cusub oo apps hore loo daabacay ah, kuwaas oo laga yaabo inay wataan astaamo tijaabo ah.
Google ayaa sheegtay in apps-ka Early Access iyo Beta ay mararka qaar noqon karaan kuwo aan degganayn, isla markaana ay dhici karto in app-ku xirmo ama qaar ka mid ah adeegyada aysan si sax ah u shaqayn.
Isticmaalayaasha doonaya inay tijaabiyaan apps-ka cusub waxay Google Play ka raadin karaan qaybaha loogu talagalay apps-ka horumarinta ku jira ama ciyaaraha aan weli si rasmi ah loo sii dayn.
Sidoo kale, haddii app hore loogu rakibay qalabka, isticmaaluhu wuxuu hubin karaa haddii uu leeyahay ikhtiyaarka Beta oo uu ku biiri karo.
Isticmaalayaasha ka qaybqaata barnaamijyada tijaabada waxay sidoo kale horumariyaha u diri karaan qiimeyn iyo faallooyin gaar ah, kuwaas oo ka caawinaya horumarinta app-ka ka hor ama inta lagu guda jiro sii-deyntiisa.
Google Play waxay sidoo kale sheegtay in xog gaar ah oo ku saabsan isticmaalka app-ka, sida macluumaadka qalabka iyo dhacdooyinka ka dhaca app-ka, lala wadaagi karo horumariyaha si loogu caawiyo hagaajinta adeegga.
Barnaamijyada Early Access iyo Beta waxay siinayaan isticmaalayaasha Android fursad ay ku tijaabiyaan teknoolojiyad cusub ka hor inta aan loo soo bandhigin dhammaan dadka isticmaala, iyadoo horumariyayaashuna helayaan jawaab-celin muhiim ah.

