Baydhabo — Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya (USS) ee magaalada Baydhabo ayaa si rasmi ah u shaacisay in la furay diiwaangelinta ardayda cusub ee sannad-dugsiyeedka 2026/2027.
Jaamacaddu waxay sheegtay in fursaddan ay si gaar ah ugu socoto ardayda dhammaysatay dugsiga sare ee doonaya inay sii wataan waxbarashada heerka jaamacadeed. Ogeysiiska jaamacadda ayaa lagu sheegay in albaabada waxbarashada ay u furan yihiin ardayda doonaysa inay bilowdo safarka tacliimeed sanad dugsiyeedka 2026/2027.
Habka gelitaanka jaamacadda
Sida ku cad nidaamka admissions-ka ee Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, ardayda doonaysa waxbarashada heerka koowaad waxaa laga doonayaa inay buuxiyaan shuruudaha gelitaanka, oo ay ku jiraan shahaadada dugsiga sare, foomka codsiga iyo natiijo lagu qanco oo laga helo imtixaanka gelitaanka jaamacadda.
Jaamacaddu waxay sidoo kale sheegtay in Xafiiska Admissions-ku uu yahay halka ardayda cusub laga siiyo talo iyo macluumaad ku saabsan barnaamijyada waxbarasho, laguna farsameeyo dukumentiyada codsiga iyo diiwaangelinta.
Barnaamijyada waxbarasho
USS waxay bixisaa barnaamijyo kala duwan oo heerka Bachelor-ka ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Public Administration, Political Science, International Relations, English Language & Literature, Law, Maay Language, Sociology & Social Work, Nursing, Public Health, Clinical Medicine, Midwifery, Nutrition and Dietetics, Business Administration, Information Technology, Economics iyo Education.
Jaamacaddu waxay xarunteedu ku taallaa Al-Amin College Street, Baydhabo, iyadoo dadka doonaya macluumaadka admissions-ka lagala xiriiri karo taleefanka +252-615551993 ama email-ka academic.studentaffairs@uss.edu.so / info@uss.edu.so, sida ku cad bogga xiriirka jaamacadda.
Fursad waxbarasho oo u furan dhalinyarada
Furitaanka diiwaangelinta sannad-dugsiyeedka 2026/2027 ayaa siinaya ardayda Baydhabo, Koonfur Galbeed iyo guud ahaan Soomaaliya fursad ay ku sii wataan waxbarashada sare iyagoo dooranaya takhasusyo kala duwan.
Ardayda danaynaysa waxaa lagula talinayaa inay si toos ah ula xiriiraan Xafiiska Admissions-ka Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya si ay u helaan shuruudaha iyo faahfaahinta ugu dambeysa ee codsiga.

