
Asmara, Eritrea — Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Osman Saleh, ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inuu Afrika ka wado waxa uu ku tilmaamay “boqortooyo dekedo” (port imperialism).
Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay Middle East Eye ayaa sheegay in Imaaraadku uu meelo badan oo gobolka ah ku leeyahay ama ku maalgeliyay xarumo iyo dekedo, isagoo su’aal geliyay ujeeddooyinka ka dambeeya joogitaankaas.
“UAE waxay xarumo dekadeed ku leedahay meelo badan oo gobolka ah, dalalka Afrika waa inay is weydiiyaan sababta,” ayuu yiri Osman Saleh. “Ma arrin dhaqaale oo keliya baa? Maya.”
Hadallada wasiirka Eritrea waxay kusoo beegmayaan xilli Imaaraadka Carabta uu muddooyinkii dambe kordhiyay xiriirrada dhaqaale iyo istiraatiijiyadeed ee uu la leeyahay dalal badan oo ku yaalla Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda.
Dekedaha ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa muhiimad gaar ah u leh ganacsiga caalamiga ah iyo amniga gobolka, maadaama ay ku dhow yihiin marinno muhiim ah oo isku xira Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya.
Eritrea waxay sidoo kale ku taallaa meel istiraatiiji ah oo ku dhow mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee ganacsiga caalamka, taasoo ka dhigaysa arrimaha dekedaha iyo amniga badda kuwo xasaasi ah.
Hadallada Osman Saleh ayaa muujinaya walaaca Asmara ka qabto ballaarinta saameynta Imaaraadka ee kaabayaasha dekedaha iyo arrimaha istiraatiijiga ah ee Afrika.
Imaaraadka Carabta ayaan welli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha wasiirka Eritrea.
