Sheekh Aadan Madoobe oo Baydhabo kula kulmay Madaxa WFP Soomaaliya
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magaalada Baydhabo ku qaabilay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, Mudane Hameed Nuru.
Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen arrimaha la xiriira xaaladda bani’aadannimo iyo gargaarka cuntada ee bulshada ku nool Koonfur Galbeed.
WFP ayaa ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya Soomaaliya, gaar ahaan taageerada dadka ay saameeyeen abaaraha, fatahaadaha, colaadaha iyo xaaladaha kale ee bani’aadannimo.
Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli Dowladda Koonfur Galbeed ay xoogga saarayso u diyaar-garowga saameynta la filayo ee El Niño, taas oo keeni karta roobab xooggan,
fatahaado iyo saameyn bani’aadannimo oo ka dhalata xaaladaha cimilada.Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qodobadii si gaar ah looga wada hadlay iyo natiijada kulanka ayaan weli si rasmi ah loo shaacin.

