Gabar yar oo lagu magacaabo Ikhlaas, taas oo tan iyo Arbacadii laga waayay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, ayaa galinkii dambe ee maanta meydkeeda laga helay xaafadda Xaqsoor.
Sida ay sheegeen dad ku dhow qoyska, Ikhlaas ayaa maalmo ka maqneyd ehelkeeda, kuwaas oo tan iyo markii la waayay waday dadaallo lagu raadinayay.
Meydka gabadha ayaa la sheegay in laga helay xaalad naxdin leh, iyadoo qoorteeda lagu arkay xarig.
Qoyska iyo dadka deegaanka ayaa arrintan walaac weyn ka muujiyay, hase yeeshee illaa hadda lama oga cidda ka dambeysa geerida gabadha ama sida ay dhacdadani u dhacday.
Ikhlaas ayaa la sheegay inay ahayd agoon
Mas’uuliyiinta amniga ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan, mana cadda in baaritaan rasmi ah la bilaabay iyo in kale.
Dhacdadan ayaa walaac ku abuurtay dadka deegaanka, iyadoo ehelada gabadha ay dalbanayaan in si dhab ah loo baaro geerideeda, lana ogaado cidda ka dambeysa.
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.
