Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir maxamed Nuur, ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda, Jacob M. Oboth.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga baarlamaanada Soomaaliya iyo Uganda, is-dhaafsiga khibradaha, horumarinta hay’adaha sharci-dejinta iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dhinac.
Sidoo kale, labada guddoomiye ayaa ka wada hadlay arrimaha nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo doorka baarlamaannada ee taageeridda iskaashiga iyo isdhexgalka dalalka Bariga Afrika.
Kulankan ayaa ka mid ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka hay’adaha sharci-dejinta Soomaaliya iyo dalalka gobolka, gaar ahaan dhinacyada khibrad-wadaagga iyo horumarinta hay’adaha baarlamaanka.
