Dowladda Pakistan ayaa sheegtay inay waddo diyaar-garow dalkeeda loogu celinayo meydadka saddex muwaadin oo Pakistani ah oo lagu dilay afduubkii markab shidaal oo muddo ka badan shan bilood ay haysteen kooxo burcad-badeed Soomaali ah.
Markabka MT Honour 25, oo uu ka babanayay calanka Palau, ayaa 21-kii April 2026 laga qafaashay xeebaha Puntland, iyadoo xilligaas ay saarnaayeen 17 shaqaale ah, oo ay ku jireen 10 muwaadin oo Pakistani ah.
Ciidamada amniga badda ee Puntland ayaa 29-kii September dib ula wareegay markabka, kaddib howlgal lagu soo afjaray afduubkii muddada dheer socday. Intii lagu jiray afduubka waxaa la dilay shan kamid ah shaqaalihii markabka, kuwaas oo saddex ka mid ah ay ahaayeen Pakistani.
Saddexda muwaadin ee Pakistani ah ee la xaqiijiyay in la dilay ayaa lagu kala magacaabay Rafi Ullah Khan, Syed Kashif Umer iyo Mahmood Ahmed Ansari.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa sheegay in meydadka saddexda qof ay gaareen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay hadda ka socoto diyaar-garowga loogu qaadayo Pakistan.
War kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in shaqaalaha Ethiopian Airlines ay dib u eegayaan diyaar-garowga lagama maarmaanka ah, kaddibna la ansixin doono in meydadka lagu soo raro diyaarad ku wajahan magaalada Karachi.
Dhanka kale, afar badmaax oo Pakistani ah oo kamid ahaa shaqaalihii markabka, kuwaas oo laga sii daayay afduubka, ayaa la filayaa inay Axadda maanta gaaraan Karachi, sida ay muujinayso xogta safarkooda
Saddex kale oo Pakistani ah oo badbaaday ayaa weli saaran markabka, iyaga iyo kabtanka markabka, iyadoo saraakiisha Pakistan ay sheegeen in dowladda ay la xiriirayso dalal kale si loo fududeeyo soo celintooda.
Afduubka markabka ayaa socday in ka badan shan bilood, waxaana intii uu gacanta ugu jiray kooxaha burcad-badeedda lagu dilay shan shaqaale, halka afar kalena ay dhaawacmeen
Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in qoys kasta oo kamid ah saddexda badmaax ee dhintay la siin doono 12.5 milyan oo rupees oo u dhiganta ku dhowaad $44,000, iyo guri. Waxa kale oo uu sheegay in carruurta ay heli doonaan waxbarasho iyo daryeel caafimaad oo bilaash ah.

