
Baydhabo — Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa wada qorshe la doonayo in lagu xoojiyo amniga degmooyinka maamulkaasi, kaddib markii ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ay la wareegeen gacan-ku-haynta degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.
Qorshahan ayaa la sheegay inuu diiradda saarayo dib-u-habaynta ciidamada amniga, xoojinta fariisimaha muhiimka ah iyo joogteynta taageerada la siiyo ciidamada ka hawlgala degmooyinka ay xaaladdooda amni jilicsan tahay.
Tallaabooyinkan ayaa imanaya xilli uu sii ballaaranayo loollanka siyaasadeed iyo kan ciidan ee u dhexeeya dhinacyada isku haya hoggaanka Koonfur Galbeed.
Qansaxdheere oo gashay marxalad cusub
Ciidamada birmadka DGKS oo si buuxda ciidamada Ethoopiya ukala wareegay amaanka guud degmada qansax dheere ayaa Khamiistii si buuxda ah ula wareegay gacan-ku-haynta degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, sida ay sheegayaan xogaha laga helayo deegaanka.
La wareegitaanka degmada ayaa dhacay kaddib markii ciidamada halkaasi ku sugnaa ay heleen xog ku saabsan ciidamada ethopiyaanka u raqaansadeen dhanka wadankooda oo ku soo wajahnaa magaalada adisababa.

