Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa kulan la yeeshay Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadannimada ee Golaha Shacabka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta sharciyada horyaalla guddiga iyo mudnaanta la siinayo diyaarinta iyo meelmarinta sharciyada lagu ilaalinayo xuquuqda haweenka, qoysaska iyo carruurta.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddiga ku boorriyay in la dedejiyo howlaha sharci-dejinta ee u yaalla, iyadoo fiiro gaar ah la siinayo sharciyada muhiimka u ah dhowrista xuquuqda aadanaha iyo ilaalinta dadka nugul.
Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadannimada ayaa ka mid ah guddiyada Golaha Shacabka ee ka shaqeeya arrimaha la xiriira ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo horumarinta sharciyada khuseeya haweenka, carruurta iyo qoysaska.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Golaha Shacabka ee lagu dardargelinayo howlaha sharci-dejinta iyo mudnaan-siinta sharciyada wax ka qabanaya baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.





