Baydhabo-{WMN}- Hoos ka dhageyso Warka Duhurnnimo ee Idaacada Warsan oo aqrinayo Yusuf Sheekh aadan (Qalinle)
ATEERA
Diyaaradaha dalka Turkiga oo sheegay in uu duqeyn kudilay dagaalyahano Kurdiyiin ah

Baydhabo-{WMN}-Wasaaradda difaaca ee dalka Turkiga ayaa sheegtay inay duqayn dhinaca cirka ah ku dileen illaa 23 dagaalyahan oo ka tirsan kooxaha Kurdiyiinta, ka dib markii ay hawlgal dhinaca cirka ah ka fuliyeen gudaha dalka Ciraaq
Wasaaradda ayaa sheegtay in hawlgalkani uu ka dhacay gobolka Asos ee ku yaalla dhinaca Woqooyi ee dalka Ciraaq, kaas oo xuduudda dalka Turkiga u jira illaa 140 KM. Gobolkan waxaa maamula, dawlad goboleedka Kurdistan
Hulusi Akar, Wasiirka difaaca ee Turkiga ayaa sheegay in weeraradan dhinaca cirka ah in lala bartilmaameedsaday illaa 16 goobood oo ku yaalla gobolka Asos ee dalka Ciraaq.
Turkiga ayaa duqaymo ka fulinayey dhinaca woqooyi ee dalka Ciraaq tan iyo sannadkii 2019, iyaga oo sheegayey inay bartilmaameedsanayaan kooxda PKK, si ay uga hortagaan weeraro ay kooxdaasi ka fuliso gudaha dalka Turkiga.
Kooxda PKK ayaa weeraro kala duwan ku haysay dalka Turkiga, tan iyo sannadkii 1984-kii, waxaana rabshadahaas ku dhintaan tobanaan kun oo qof. Turkiga, Maraykanka iyo Midawga Yurub ayaa ururkan u aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso
Hogaamiyihii Afgembiga Kula Wareegay Burkina Faso Oo Taageerayaashooda Baaq U Diray

Baydhabo-{WMN}-Horggaamiyaha horkacayeyy inqilaabka militari ee ka dhacay dalka Burkina Faso ayaa shacabka ka codsaday in ay joojiyaan dibbadbaxyada ay ka hordigayaan safaraadda Faransiiska
Gelinkii hore ee shalay ayaa ciidamada Ammaanka waxay qiiqa dadka kaga ilmeysiiya u adeegsadeen dad ku bannaanbaxayey duleedka safaaradda Faransiiska
Dadkan dhigayey dibadbaxyada ayaa ah taageeyaraasha Captain Ibrahim Traore oo maalinimadii Jimcaha ku dhaawaaqay in uu yahay hoggaamiyaha cusub ee dalkaa , kaddib inqilaabkii labaad ee dalkaas ka dhacay sanadkan gudihiisa
Dowlada Federaalka Somalia oo shaacisay in la dilay ninkii bedeli lahaa hogaamiyaha Al-Shabaab

Baydhabo-{WMN}-Dowlada Somalia ayaa shaacisay caawa in Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibadooda caalamiga ah lagu dilay hogaamiye sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.
Hawlgalkan ayaa ka dhacay degaanka Xaramka ee Gobalka Jubbada Dhexe 01-10-2022 sida lagu qoraal caawa ka soo baxay wasaarada warfaafinta Somalia
“Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Nadiir ayaa ahaa Madaxa Dacwada ee Kooxda waana mid ka mid ah kuwa ugu sharta badan Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.
Horay wuxuu u soo noqday Madaxa Shuurada iyo Maaliyadda, wuxuu ka mid ahaa aasaaseyaasha kooxda, waana shakhsiga ay argagixisada u diyaariyeen in uu badalo Horjoogaha bukaanka ah ee Khawaarijta Shabaab ee dhiigga Islaamka baneystey, Axmed Diiriye” ayaa sidoo kale lagu yiri War saxaafadeedka.
Hogaamiyahan oo madixiisa ay saarnayd lacag ayaa ka mid ahaa kuwa ay sida wayn u doon-doonaysay Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah, waxaana ugu dambeyn soo helay sirdoonka qaranka ee Somalia, NISA sida lagu sheegay War saxaafadeedka
Tirada dhimashada duufaanta ku dhufatay Gobolo ka mid ah Mareykanka oo gaartay 51 qof

Baydhabo-{WMN}-Wararka ka imanaya gobolka Florida ee dalka Maraykanka ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay duufaanta la magac baxday Ian inay sii kordheen, waxaana haatan ay tiradaasi maraysaa illaa 51 qof.
Shaqaalaha samatabixinta ayaa weli ku jira baadi goobka dadka ku hoos jira goobaha ay duufaantu burburisay, gaar ahaan meelaha ay duufaantu sida xun ugu dhufatay ee ku yaalla dhinaca Koonfur Galbeed ee gobolka Florida.
Duufaantan ayaa ah, mid ka mida duufaanadii ugu awoodda badnaa ee ku dhufta dalka Maraykanka, waxaana ay sababtay inay dhulka la sinto guryo badan oo ku yaalla xeebaha loo dalxiiska tago ee ku yaalla gobolka Florida.
Deanne Criswell oo ah madaxa hay’adda xaaladaha degdegdegga ah ee Maraykanka ayaa u sheegtay telefishanka CNN, gaar ahaan barnaamijka “State of the Union” in kooxaha samatabixintu inay haatan ku hawlan yihiin sidii ay u gaadhi lahaayeen guri walba oo ku yaalla meelaha ay duufaantu waxyeellaysay, si ay u hubiyaan bedqabka bulshada.
Duufaanta Ian oo ka timi dhinaca badda ayaa meelihii ay dhinaca berriga ka soo bilaabantay waxaa ugu horreeyey xeebaha ku yaalla dhinaca Koonfur-Galbeed ee gobolka Florida, iyo weliba xeebaha gacanka Mexico.
Hase ahaatee dhimashada ugu badan ayaa laga diiwaangeliyey degmada Lee, halkaas oo aan ku jirin meelihii markii hore la saadaalinayey inay duufaantu ku dhufato.
Criswell oo markale la hadashay Fox News Sunday ayaa sheegtay in casharka ugu weyn eel aga baranayo duufaanada ku soo noqnoqday dalka Maraykanku inay tahay, in shacabka Maraykanka ahi inay ogaadaan halisaha jira iyo meelaha ay tahay inay ku noolaadaan iyo sida ay muhiimka u tahay in dadku ay leeyihiin caymiska fatahaadaha, si aad u ilaalisaan hantida qoyskaaga.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu maalinimada Isniinta inuu safar ku soo maro gobolka Puerto Rico oo ay duufaantu hore ugu dhufatay bishii hore iyo gobolka Florida, si uu u soo qiimeeyo khasaaraha soo gaadhay labadan gobolGobolka North Carolina oo ay duufaantu gaadhay ayaa sidoo kale xaqiijiyey in duufaantu ay ku dishay gobolkiisa illaa 4 qof.

Baydhabo-{WMN}- Ugu yaraan 129 qof ayaa ku dhimatay isbuurasho ka dhacday garoon kubadda cagta ah oo ku yaalla dalka Indonesia, sida ay sheegeen saraakiisha. Waxay saraakiisha ku tilmaameen dhacdadan masiibadii ugu ba’neyd ee ka dhacdo garoon kubadda cagta ah caalamka
Isbuurashada ayaa dhacday markii ay booliska sunta dadka ka ilimeysiisa ay ku rideen dad dhigayay dibadbaxyo markii dambe isku baddalay rabshado.
Ku dhawaad 180 qof ayaa ku dhaawacmay isbuurashada kadib markii kooxda kubadda cagta Persebaya Surabaya ay ka adkaatay kooxda kale ee tartanka adag uu kala dhexeeyo ee Arema FC.
Wasiirka amniga ee dalka Indonesia ayaa sheegay in tirada dadka ciyaarta daawaneysay ay kor u dhaafeen 4,000 oo qof, tiradaas oo ka badneyd inta loogu talagalay garoonka.
Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa amar ku bixiyay in dhamaan ciyaaraha horyaalka Indonesia la joojiyo ilaa inta baaritaan looga sameynayo masiibadan.
Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinayay taageerayaasha oo ku kala orddaya gudaha garoonka kadib markii la yeeriyay seeriga.

Baydhabo-{WMN}-Wasiirka wasaaradda caafimaadka Uganda ayaa sheegay inuu geeriyooday dhaktar u dhashay dalka Tanzania oo wax ka baranayay dalkaasi, kaddib markii uu haleelay xannuunka Ebola.Dhaqtarkaas ayaa noqonaya shaqaalaha labaad ee caafimaad ee u dhinta cudurkaas oo dhawaan ka dilaacay Uganda.
Maalintii jimcada aheyd, Wsaaradda caafimaadka ayaa shaacisay in cudurka Ebola uu ku fiday gobolkii afaraad.
Tirada rasmiga ayaa muujineysa in kiisaska la xaqiijiyay ay yihiin 35 qof, halka 8 qofna ay dhinteen.
Cudurkan Ebola nooca Sudan strain ayaanan lahayn talaal.

Baydhabo-{WMN}-saacadihii lasoo dhaafay gudaha Magaalada Cape-town ee dalka Koonfur Afrika dilal loogu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida dalkaas ku leh goobaha Ganacsi, waxaana weerar ku qaaday dabley hubeysan oo burcad ah
Muwaadiniinta la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cabdikariin Cabdullaahi Maxamuud iyo Cabdullaahi Dheere, dilkooda ayaa si gaar ah uga dhacay laba dukaan oo isku dhow, ayna ku lahaayeen degaanka Guguletu ee Koonfur Afrika.
Dad kale Soomaali ah kana agdhawaa goobta lagu dilay laba Muwaadiniinta ayaa meydka ka qaaday halkaas, isla markaana sheegay in Marxuumiinta ay u dhinteen rasaas lagu weeraray, xilli ay guda jireen shaqooyinkooda caadiga ahaa.
Booliska Dalka Koonfur Afrika ayaa sida caadada u aheyd tegay halka ay dilalka ka dhaceen, waxaana ay sheegeen inay wadaan baaritaano lagu baadi gaabayo burcadii hubeysneyd oo baxsatay, waxaana howlagalada ay sameeyaan Booliska dalkaas ay yihiin kuwo aan wax natiijo ah kasoo bixin inta badan.
Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan falal Dil, Dhaawac iyo dhacba isugu jira kala kulma Muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo aanay jirin Safaarad ama Jaaliyad isku xiran oo tacadiyadan joogtada ah iyo sidii wax looga qaban lahaa kala xaajooda dowladda Koonfur Afrika
DFS Oo Ka Qeyb Galayasa Shir Looga Hadlayo Shidaalka Afrika oo ka dhacaya dalka Koonfur Afrika.

Baydhabo-{WMN}-Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Cabdirisaaq Cumar Maxamed Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur AfrikaWasiir Cabdirisaaq Cumar iyo xubno la socda ayaa Magaalada Johannesburg uga qeyb galaya Shirka todobaadka Shidaalka Africa oo maalinta berri oo Isniin ah lagu wado inuu ka furmo Magaalo xeebeedka Cape Town ee dalkaas.
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa kulamo duceedyo la qaadan doona qaar kamid ah Madax ka qeyb galeysa Shirka todobaadka Shidaalka Africa.
Dowladda Soomaaliya ayaa waday dhowrkii sano ee la soo dhaafay dadaal ku aadan sidii dalka looga soo saari lahaa Shidaal, waxaana jiray shirkado Caalami ah ah oo heshiisyo lala galay, si ay dalka sahmin shidaal uga sameeyaan

Baydhowy-{WMN}- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre oo maanta guddoomiyay shirka dib u habeynta dhaqaalaha ayaa si qota dheer uga hadlay muhiimadda uu hannaanka deyn cafintu u leeyahay horumarka dalka iyo gaaridda isku filnaashno dhaqaale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirrada ku boorriyay inay xoogga saaraan sidii dhammaan sharciyada hortebinta u leh deyn cafinta la dhammeystiro oo baarlamaanka la marsiiyo ugu dambeyn dhammaadka sanadkaan si shuruudaha xilligaan ku xiran ay Soomaaliya u buuxiso looguna gudbo shuruudaha xiga
Xamse Cabdi Barre waxuu caddeeyay in xoojinta isla xisaabtanka iyo hufnaanta ay qeyb weyn ka qaadanayaan qorshaha horumarinta dowladnimada ee xukuumaddu waddo, waxuuna dhammaan wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee uu khuseeyo barnaamijka deyn cafinta ay si dhaw isaga kaashadaan ka guul gaaridda dadaallada socda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale amray wasiirrada inay si xooggan ula dagaalaan musuqa si loogu guuleysto daahfurnaan iyo hufnaan horseedda in ay sare u kacdo heerka aaminaadda bulshada iyo dhammaan daneeyaasha arrimaha Soomaaliya.
Ka guul gaaridda barnaamijka deyn deyn cafinta dalka ayaa horseedaya in dhammaan hey’adaha maaliyadda adduunyadu ay aamintaan dalkeenna, la helo maal-gelin heer caalami ah, abuurmaan shaqooyin badan oo dhallinyarada fursad siinaya, si wax-soosaarka guduhu uu sare u koco, dhaqaalaha dalkuna uu kobco






