Baydhowy-{WMN}-Hoos Ka dhageyso warka Subaxnnimo ee Idaacada Warsan oo soo jeedinaayo Wariye Bilaal Hilaal Sheekh Shuceb
ATEERA

Baydhowy-{WMN}-Wasaaradda caafimaadka ee Uganda ayaa sheegtay in saddex bukaan oo kale oo Ebola ah ay dhinteen taas oo tirada guud ka dhigaysa afar ruux, tan iyo markii lagu dhawaaqay in uu cudurka dillaacay horraantii toddobaadkan.
Kow iyo toban kiis ayaa la xaqiijiyay in ay qabaan xanuunka gudaha Uganda.
Todobo kale oo dhimasho ah ayaa la baarayaa si loo ogaado in ay xiriir la leeyihiin cudurka ka dillaacay Mubende ee galbeedka caasimadda Kampala.
intii u dhaxaysay 2018 iyo 2020 Cudurkan EBOLA dalka dariska la ah Uganda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxaa uu ku dilay 2,000.
Maxey ka wada Hadleen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobey?

Baydhowy-{WMN}-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Xogahayaha Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa kala hadlay gargaarka degdegga ah ee abaaraha iyo mashaariicda hormarineed ee laga fulinayo dalka.
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xasilloonida dalka, waxa uuna la wadaagay Xoghayaha Qaramada Mideoobey, halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada.
Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres ayaa soo dhaweeyey aragtida Madaxweynaha ee la xiriirta dib u qaabeynta mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, waxa uuna tilmaamay in talooyinka iyo soo-jeedinta Madaxweynaha ay ku saleynayaan qorshahooda, sidoo kalena ay dardar gelinayaan doorka Beesha Caalamka ee gurmadka abaaraha.
António Guterres ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay horumarinta hannaanka dhaqaalaha, deyn cafinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xal u helidda duruufaha soo laalaabtay oo ay ka mid tahay abaaraha iyo fataahadaha.
Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobey taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku adkeeyey in ay sii waddan garab istaaggooda ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed.
DHAMMAAD
Sawiro;-Madaxweyne Deni oo xilka ka qaaday Wasiir aad ugu dhawaa iyo Juxa oo Wasiir loo magacaabay

Baydhowy-{WMN}-Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 61 ee 23-da Sibteembar 2022 kuna saabsan magacaabid Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dawladda Puntland (PISA).
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dib u habaynta hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dowlada Puntland (PISA).
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa S/guuto Jamaal Carab Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dawladda Puntland (PISA).
2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay
Sawiro;-Dowladda oo soo bandhigtay Meydadka Xubnihii Al Shabaab ee lagu dilay Sinadhaqa

Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa kumaandooska oo garab ka helayay ciidamada Galmudug, ayaa deegaanka Sinadhaqa ee dhaca duleedka magaalada Dhuusomareeb ku dilay xubno katirsan Al Shabaab.
Dowladda Soomaaliya war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in deegaanka Sinadhaqa ciidamada huwanta ah ku dileen 15-dagaalyahan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab ,kuwaa oo la sheegay in ay isku dayeen in ay weeraraan ciidanka dowladda ee halkaasi joogay.
Saraakiil katirsan ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa deegaanka Sinadhaqa kusoo bandhigay meydadka qaar kamid ah xubnihii Al Shabaab looga dilay dagaalkii ay la galeen ciidanka dowladda.
Sawiro;-Madaxweynaha Galmudug Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya

Baydhowy-{WMN}-Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Taliyaha Ciidamada Xoogga Odowaa Yuusuf, Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur, Xildhibaano Federaalka ah, Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo maamulka caasimadda Dhuusamareeb ayaa galabta gaaray furimaha Sinadhaqo, Gusar, Dhaban-Dhulkuheys iyo Labidulle oo ay ku suganyihiin ciidamada dowladda.
Masuuliyiintan ayaa dhiirrigelin iyo in loo diyaar garoobo dagaal saf ah ugu tagay ciidanka, waxeyna tani kusoo aadeyso xilli gobolada Mudug iyo Galguduud ay ka socdaan diyaar garowgii ugu dambeeyay ee lagu xoreynaayo deegaanada ka maqan maamulka Galmudug.

Baydhowy-{WMN} Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa bedeshay safiirkeedii u joogay dalka Soomaaliya gaar ahaan ka howlgallayay magaalada muqdisho ee Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi safiir cusub u soo magacawday Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in Ahmad Juma Al Rumaithi uu la wareegayo xilka Wakiilka ugu sareeya Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, isagoo bedelaya Maxamed Axmed Al-Othman.
Magacaabistan ayaa qeyb ka ah isku shaandheyn ballaaran oo diblumaasiyadeed oo ka dhacaysa wadamada saaxiibada la ah Imaaraadka, taasoo Imaaraadku sheegtay inay lagama maarmaan tahay in wax laga qabto caqabadaha cusub ee imaaraadka wajahayo.
Dowladda Imaaraadka carabta ayaa horay u bedeshay safiiradii u joogay dalalka India, Germany, Bangladesh, Finland, Nepal, Poland, Costa Rica, Ireland, Georgia, Jordan, iyo Yemen.
Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta waxaa ka dhexeeyay xiriir diblomaasiyadeed oo dheer. Sidaas oo ay tahay, waxa uu xiroorkoodu xumaaday, markii uu Imaaraadku saxeexay sannadkii 2016-kii heshiis lagu horumarinayo, laguna hawlgelinayo Dekedda Berbera ee Somaliland, taas oo sababtay in sannadkii 2018-kii lagu qabtay diyaarad Imaaraadku Muqdisho ku lahayd oo ku dhow 10 Milyan oo Doollar.

Baydhowy-{WMN}-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amray abaabul militari oo cusub, isagoo maanta wacad ku maray inuu adeegsan doono wax kasta oo uu heli karo si uu u ilaaliyo dhulka Ruushka
Tallaabada uu Putin qaaday ayaa timid kadib markii gobollada Moscow ay haysato ee Ukraine ay ku dhowaaqeen afti ay ugu biirayaan Ruushka
Codbixintan oo Kyiv iyo Reer Galbeedka ay ugu yeereen been abuur ayaa heer cusub gaarsiinaysa dagaalka toddobada bil ka socda Ukraine, ayada oo Moscow siinaysa awood ay ugu eedeyso ciidamada Ukraine inay weerareen dhulka Ruushka
Afar gobol oo ka tirsan Ukraine oo ay haystaan Ruushka kuwaas oo kala ah: Donetsk iyo Luhansk oo ku yaalla bariga iyo Kherson iyo Zaporizhzhia oo dhaca koonfurta ah, ayaa sheegay Talaadadii inay afti dadweyne qaadi doonaan muddo shan maalmood ah oo ka billaabaneysa Jimcaha
Khudbad horey loo duubay oo uu maanta u jeediyey qaranka, ayuu Putin ku eedeeyey Reer Galbeedka inay isku dayayaan inay burburiyaan dalkiisa ayagoo taageeraya Kyiv, wuxuuna sheegay in Ruushka looga baahan yahay inay taageeraan kuwa ku sugan Ukraine ee doonaya inay go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda
Waxa uu sidoo kale ku dhowaaqay abaabul militari oo cusub, ayada oo wasiirka difaaca Sergei Shoigu uu talefishinka dowladda u sheegay in 300,000 oo askari oo ciidamada keydka ah loo yeerayo
“Marka madax-banaanida dhuleed ee dalkeena la halis geliyo, waxaan adeegsan doonnaa wax kasta oo aan heli karno oo aan ku ilaalineyno Ruushka iyo shacabkeena. Tani ma ahan cayaar,” ayuu yiri Putin
Tallaabada ay qaaday Moscow ayaa imaneysa ayada oo ciidamada Ruushka ee Ukraine ay wajahayaan caqabaddii ugu xooganeyd tan iyo markii uu dagaalka billowday ka dib markii ciidamada Ukraine ayaa dib u qabsadeen boqolaal magaalo iyo deegaano ay haysteen Ruushka dhowr bilood.
laamaha Amniga oo Muqdisho ku burburiyay wax yaabaha Maanka Dooriya iyo ragii la socday

Baydhowy-{WMN}-Howlgal saacado badan qaatay ayna hoggaaminayeeen Taliyaha qeybta Bari, Taliyaha Saldhiga Booliiska Yaqshiid iyo guddoomiyaha degmada Kaaraan ayaa waxaa ay ciidmada boolisku ka sameeyeen waqooyiga magaalada Muqdisho oo ay mudooyinkii dambe ka dhacayeen falal lidi ku ah amniga Caasimadda
Howlgalkaan ayaa waxa ay ciidamadu ka sameeyeen Aaga Isgoyska Fagax ee kala qeybiya degmooyinka Kaaraan iyo Yaqshiid waxa ayna ciidamadu kula dagaalamayeen Ciyaal weerada iyo dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya iyo kuwa ka ganacsada
Intii ay howlgalka ay ku guda jireen ciidamada ayaa waxa u bur buriyeen goobo lagu iibinayay waxyaabaha maanka dooriya ee ku yaalla isgoyska Fagax, waxaana ciidamadu ay gacanta ku dhigeen dad isticmaalayay iyo dadkii iibinayay, iyada oo Saraakiisha ciidamada ay sheegeen in howlgalkaan uu ahaa mid lagula dagaalamayay kooxaha ciyaal weerada ah, kooxaha hubeysan ee wadada falalka lidiga ku ah amniga iyo dadka ka ganacsada maandooriyaha.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimacaale oo tegay goobta uu howlgalku ka socday lana hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in howlgalkaan oo saacada badan qaatay ay ku guuleysteen inay burburiyaan sandaqado ama goobo lagu iibiyo calaqa waxa uuna digniin udiray dadka ka ganacsada maandooriyaha asigoona sheegay in marnaba la aqbali dooninin in muqdisho lagu dhex iibiyo mukhadaraaadka
Howlgalkaan ay ciidamadu ka sameeyeen degmooyinka dhaca Waqooyiga gobalka Banaadir ayaa waxa uu qeyb ka yahay howlgallada ciidamada booliisku ay ka wadaan degmooyinka kala duwan ee gobalka Banaadir oo ay kula dagaalamayaaan Ciyaal weerada iyo ka ganacsiga Maandooriyaha, iyadoona dhinaca kalena ay xusid mudan tahay inay jiraan falal amniga lidi ku ah ee ka dhaca degmooyinka qaar balse laamaha ammaanka ayaa sheegay inay soo afjari doonaan dadka wada khal khal gelinta Amniga.
















