Baydhabo-{WMN}-Hoos ka dhagyeso Warka Subaxnnimo ee Idaacada Warsan oo aqrinayo Bilaal Hilaal Sheekh Shuceeb
ATEERA
Madxaweynha dooran ee kenya William Ruto oo maanta loo caleemasaarayo xilka madaxweyninimo ee Dalka kenya

Baydhabo-{WMN}-Madaxweynha dooran ee kenya William Ruto oo ku guuleystay Doorashadii Kenya ka dhacday 9kii August 2022 ayaa maanta loo caleema-saarayaa in uu noqdo Madaxweynaha 5aad ee dalkaas soo maray isaga oo si rasmi ah xilka ugala wareegaya madaxweynha xilka ka dagay Uhuru Kenyatta
Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto ayaa ballanqaaday in uu ka shaqeynayo wax ka qabashada cabashooyinka Shacabka iyo duruufaha nolosha ku xeeran ee ka jira Dalkaas sida uu ku sheegay fariin uu la wadaagay dadkiisa.
Waxaa kale oo sheegay in uu xoogga saarayo sugidda amniga & la dagaalanka Al-Shabaab maadaama Ciidan ka socda dalkaas oo ogolaanshiyo ka heysta Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay & Midowga Afrika ay joogaan Soomaaliya.
Madaxtooyada Kenya ayaa martiqaad u sameysay Madaxda Waddamada deriska la ah waddankaas oo uu kamid yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, caleema-saarka kaddib waxaa lagu wadaa in ay wadahadal xoojinta xiriir wanaaga dowladaha deriska la ah kenya

Baydhabo-{WMN}-Aqalka Cad ee mareykanka looga arrimiyo dalka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan hadal kasoo yeeray ciidamada ku sugan waqooyiga gobolka Tigray ee dalka Itoobiya oo sheegay inay aqbali doonaan geeddi-socod nabadeed oo uu hoggaamiyo Midowga Afrika.
“Waxaa la joogaa waqtigii labada dhinac ay joojin lahaayeen dagaalka oo ay u soo jeesan lahaayeen wadahadal, si ay u xalliyaan khilaafkooda,” ayay tiri afhayeenka Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre oo suxufiyiinta kula hadashay diyaaradda Air Force One.
Waxay sheegtay in Itoobiya ay tahay inay “ka faa’iidaysato xilligan si ay nabadda fursad u siiso” iyo sidoo kale in “Eritrea iyo kuwa kaleba inay tahay inay ka fogaadaan colaadda Itoobiya.”
Xoogagga TPLF ee dalka Itoobiya, oo dagaal kula jira dowladda dhexe muddo ku dhow laba sano, ayaa Axaddii sheegay inay diyaar u yihiin xabbad-joojin ayna aqbali doonaan geeddi-socod nabadeed oo Midowga Afrika uu hoggaaminayo.
“Waxaan diyaar u nahay inaan si degdeg ah oo wadajir ah u joojino dagaalka,” ayay ciidamada Tigreegu ku sheegeen warsaxaafadeedkoodaa.

Baydhabo-{WMN}-Iran ayaa muujisay inay diyaar u tahay inay la shaqayso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan korjoogtaynta arrimaha Nukliyeerka ee loosoo gaabiyo IAEA, iyada oo sheegtay inuu dalkeeda saaran yahay waajibaadyo laga rabo, si taas la mid ahna ay u leeyihiin xuquuq.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha debedda ee Iran oo lagu magcaabo Naasir Kanaani ayaa u sheegay warbaahinta in Iran ay ka rajaynayso guddida sare ee maamula hay’adda IAEA inay muujiyaan ficilo wax ku ool ah.
Kulanka guddida ayaa bilawday Isniintii iyaga oo ka wada hadlaya qodobo kala duwan oo ku saabsan hawlaha nukliyeerka ee caalamka oo ay ku jiraan barnaamijka nukliyeerka ee Iran.
IAEA ayaa Iran hordhigtay inay jawaabo lagu kalsoonaan karo ay ka bixiso, walxo muujinaya Uranium la bacrimiyey oo laga helay illaa saddex goobood oo aan la shaacin oo ku yaalla dalka Iran.
Iran ayaa doonaysa in la soo gebagebeeyo baadhitaanta, taas oo qayb ka ah in la soo nooleeyo heshiiskii caalamiga ahaa ee lala galay Iran sannadkii 2015 oo dalkaas ka khafiifinayey cunaqabataynada saaran, si dhankoodana ay u xaddidaan horumarinta barnaamijka nukliyeerka, hase ahaatee heshiiskaas ayaa hore u guuldaraystay ka dib markii uu ka baxay dalka Maraykanku sannadkii 2018.

Baydhabo-{WMN}-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qeybgalayo munaadabadda dhaarta iyo caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.
Madaxweynaha waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.
Isla caawa ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay khadka telefonka ku wadahadleen Madaxweynaha cusub ee la doortay William Ruto, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyadoo uu jiri doono kulan gaar ah oo labada Madaxweyne dhexmari doona
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Kenya soo dhaweynta diirran, isagoo adkeeyey muhiimadda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Labada dal ee dariska ah.

Baydhabo-{WMN}- Waxaa Maalintii labaad galay Shirka Madasha wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Xamse & Madaxweynayaasha maamul goboledka dalka oo ka socda muqdisho
Shirka oo shalay ka furmay Madaxtooyada ayaa Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho ka maqan uu uga qeyb galayaa Aalada {ZOOMKA}, waxaana siweyn looga hadlay arrimo ay kamid yihiin, Amniga dalka & dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee socda iyo xal u helida Abaarta.
Maanta ayaa markale Madaxda ka wada hadli doonaan arrimaha Amniga & Abaaraha, waxaana wararka qaar aan heleyno ay sheegayaan in Madaxda ay ka wada hadlayaan khilaafka arrimaha Maaliyadda maadaama shirkii Wasiirada Maaliyadda ee ka dhacay Muqdisho uu fashil ku dhamaaday.
Maanta ayaa qorshuhu yahay in shirka la soo geba-gabeeyo, in kastoo waqti dheeraad ah ay Madaxdu ku darsan karaan, waxaana la filayaa inay kasoo saaraan Warmurtiyeed ay uga hadlayaan waxyaabihii ay Shirka uga hadleen iyo heshiiska ay gaareen.

Baydhabo-{WMN}- Naxashka Boqorad Elizabeth II ayaa la gaarsiiyey Edinburg ka dib safar lix saacadood qaatay oo ka soo billowday Balmoral.
Dad baroordiiqaya ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaaladaasi markii gawaarida naxashka Boqoradda siday soo gaareen Aberdeenshire una socdeen Palace of Holyroodhouse, halkaas oo naxashkeeda la dhigi doono hal habeen.
Naxashkeeda ayaa la dhigi doonaa kaniisadda St Giles’ Cathedral ee Edinburg ku taallo ka hor inta aan Isninti loo qaadin magaalada London uu aaskeeda ka dhacayo oo ku beegan 19-ka bisha September.
Dad aad u badan ayaa sidoo kale isugu soo baxay waddooyinka magaaladaasi si ay u maqlaan Boqor Charles III oo lagaga dhawaaqay UK oo dhan.
Wuxuuna naxashka Boqoradda Isniinta u safri doonaa Scotland, waxaana ku biiri doona xubno ka tirsan qoyska boqortooyada oo naxashka u raacaya ilaa iyo kaniisadda cathedral oo ku taalla Scotland.

Baydhabo-{WMN}- Ciidanka Millateriga Soomaaliya ayaa la wareegay degaanno hor leh oo ka kala tirsan Gobolada Shabeellaha dhexe iyo Gobolka Hiiraan,
Ciidanka Millateriga Soomaaliya oo kaashanaya kooxda Macawislayda ay la wareegeen degmada fiidow, oo dhacda Xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee Dowlad Gobolkeedka Hir-Shabelle.
Ciidanka Millateriga ayaa la sheegay in howgal Qorsheysan ay ku qaadeen degmadaasi iyo degaanno kale oo hoos yimaada, waxaana ka mid ah degaanada kale ee Ciidanku qabsadeen Degaanka Xararlugoole, kaasi oo ka mid ah degaanada Hoos yimaada Degmada Fiidow
.
Saraakiisha horkacaysa dagaalka ayaa sheegay in Xalay saq-barkii ay qaadeen howlgal Culus oo ay doonayeen inay ku qabsadaan degmadaasi, waxaana intaas ay ku dareen in ay gacanbta ku hayaan degaanadii ay xalay weerarka ku ekeeyeen.
Mid ka mid ah Saraakiisha horkacaysa dagaalkaasi ayaa Sheegay inay Saakay Ciidamada Dowladda Gudaha u galeen Fiidow iyo Xararlugoole kadib Markii Xalay Ciidamadu hareeraha ay ka dageen, degaakaasi.
Sidoo kale Sarkaalkaasi ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa inta ku daray in Howlgalku ahaa mid qorsheysan oo ay doonayeen inay kula wareeegaan degmada iyo degaanno kale oo hoos yimaada, waxaana goobaha ay qabsadeen uu ku tilmaamay kuwo muhiim u ah Howgalada ay ka wadaan Gobolkaasi.


Baydhabo-{WMN}- Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Turkiga ayaa sheegay in maraakiib ay leeyihiin ciidamada ilaalada ee dalka Giriigu inay rasaas ku fureen Markab xamuul ah oo marayey biyaha caalamiga ah ee badda Aegean, arrintaas oo sare u sii qaadaysa xiisadda u dhexeysa labadan dal.
Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay rasaasta la sheegay in lagu riday markabkan oo marayey meel 11 nautical mile (13 mile) kaga beegan dhinaca Koonfur-Galbeed jasiiradda Bozcada ee dalka Turkiga, sida ay sheegeen masuuliyiinta dalka Turkigu. Masuuliyiinta ayaa intaas ku daray in markii uu dhacay weerarkaas gardarada ahi, oo ay ku lug lahaayeen laba Markab oo laga leeyhay dalka Giriigu, inay halkaas gaadheen laba Markab oo ah kuwa ilaalada xeebaha Turkiga, xilligaas oo maraakiibta Giriigu ay goobta ka tageen.
Telefoonada safaaradda Giriiga ee Ankara ayaan Axaddii laga jawaabin, mana cadda sababta dhalisay in la rasaaseeyo markabkaas.
Labadan dal ee deriska ah, waxaa ka dhex jira khilaafyo iyo is-faham waa, muddo tobanaan sano ah, waxaana muddooyinkan dambe soo ifbaxayey in khilaafka u dhexeeyaa uu cirka isku sii shareerayo, iyada oo labada dhinacba ay ku andacoonayaan in dhinaca kale u uku soo xadgudbay hawadooda.
Sawiro;- Howlgal Laga Sameeyey Inta U Dhaxeeysa Baydhabo Iyo Degmada Berdaale Ee Gobolka Baay

Baydhabo-{WMN}- Howlgalkan uu Horkacayey Gudoomiyaha Degmada Berdaale Ee Gobolka Baay Mudane Maxamed Isaaq Care Case Ciidamada Daraawiishta Koofur Galbeed Soomaliya ayaa Howlgal Ka Sameeyey gaar ahaan Ciidamada Ka Sugan Degmada Berdaale Waxayna ay Ka Sameeyeen Howlgalka Wadada Xiriirisa Baydhabo Iyo Berdaale Inta Uu dhaxeysaa.
Howlagakaasi Socday Ciidanka ayaa Waxa ay La Kulmeen Iska Hor Imaad Kaga Yimid Dhinaca Kooxda Al Shabaab Howlgalkaasi Oo U Jeedkiisu ahaa Sidii Kooxda Al Shabaab Looga Saari Lahaa Deegaanada ay Kaga Sugan Yihiin Koonfur Galbeed.
Gudoomiyaha Degmada Berdaale Oo Horkacayey Howlkaasi ayaa La Hadlay Warbaahinta Oo Sheegay In ayaa waxa uu Sheegay inay Sii Wadi Doonaan Howlgalada Ka Dhanka ah Kooxda Al Shabaab Isagoona Shacabka Ugu Baaqay In ay Ka Qeybqaataan Dagaalka Lagula Jiro Kooxda Al Shabaab .
Dhinaca Kale Gudoomiyaha Degmada Berdaale Ayaa Faray Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaliya In ay Sii Wadaan Howlgalada Ka Dhanka Ah Kooxda Al Shabaab.
Howlgalkan laga sameeyey wadada xiriirisa inta u dhaxeysa Baydhabo iyo degmada Berdlaale Ee Gobalka Baay ayaa waxaa uu ku Soo aadayaa xili Uu Shalay Deegaanka Ceeldheere Ee Hoosyimaada Degmada Berdaale Uu Qaxax Khasaaro Geystay Uu Ka Dhacay Oo Ay Ku Dhiteen 6 qof Halka 2 kalena Ay Ku Dhaawacmeen.











