Halka Hoose Kadhageyso Warka Habeen Ee Idaacada Warsanradio 16-10-2016
ATEERA
Buurdhuxule(WRB)-Wararka ka imaanaya deegaanka Buurdhuxule Gobolka Bakool ayaa sheegaya in gaari ay saarnaayeen labo xubnood oo ka tirsan Al Shabaab iyo saddex ruux oo shacab ah inay miino kula qaraxday halkaasi.
Gaariga ayaa lagu soo waramaya in uu ka baxay Deegaanka Buudhuxule ee Gobolka Bakool islamarkaana uu kusii jeeday deegaanka Garasweyne oo isla Gobolkaasi Bakool ka tirsan.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Waajid Cadow C/raxmaan oo la hadlay Idaacada Warsan Ee Magalada Baydhabo ayaa sheegay in Gaariga Al-Shabaab ay xoog ku ka xaysteen , islamarkaana ay doonaayeen in ay ku tagaan deegaanka Garas weyne ee gobolka Bakool.
W/Q/Wariye:Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)
WAR DEG:DEG: AH Qarax Qasaaro Geystey Ayaa Waxaa Uu Kasdhacey Degmada Buur Hakaba Ee Gobolka Baay
Buur-hakaba(WRB)Wararka Naga Soo Gaaraya Degmada Buur Hakaba Ee Gobolka Baay Ayaa Waxaa Ay Shegeyaan In Halkaasi Uu Kadhacey Qarax Uu Geestey Qasaaro Iskugu Jiraan Dhimasho Iyo Dhaawac Kaasi Oo Uu Kadhacey Saldhig Ciidamadu Ay Ku Leeyihiin Degmada Buur Hakaba
Wararka Qaarna Waxaa Ay Shegayaan In Qaraxaasi Uu Wax Kasoo Gaarey Gudoomiyaha Degmada Buur Hakaba Maxamed Cabdi Maxamed Kaasi Oo Loola Cararey Isbitaal Ay Leyihiin Ciidamada Midowga Afrika Ee Amisoon.
DAAWO SAWIRO+DHAGEYSO:MISHURTY ARLAADI OO DEEQ GAR GAAR AH GAARSIISEY XARUNTA DHIMIRKA EE MAGALADA BAYDHABO
Baydhabo(WRB)Waxaa laga dayrinayaa xaalada xaruunta dhimirka ee magaalada baydhabo,ayadoo xaruuntaasi lagu dabiibayo bukaano badan oo maskaxd loogu jiro kuwaasoo laga kala keeney gobolada bay bakool iyo gedo.
Aadan c/raxmaan maxamed waa madaxa xaruunta dhimirka ee magaalada baydhabo ee xaruunta gobolka bay waxaa uu kahadlayaa xaalada xaruuta dhimirka ee magaalda baydhabo asagoona umahad celiyey urur dhalinyaro gabdha ah oo lagu magacaabo MISHURTY ARLAADI ugu mahad celiyey deeq raashiin oo ay gaar siiyeen xaruunta.
Sidookale jamiila xaaji maxamed oo kamid ahayd gabdhihii isbahaystey ee manta deeqda gaarsiiyey xaruunta dhimirka ee magaalada baydhabo ayaa goobta kahadashay ayadoona ugu baaqday umada islaamka ee uu eebe wax siiyey iney wax ku taraan walaalahooda dhiban ee kujira xaruunta dhimirka.
W/Q/Wariye:Aadan Xasan Cusmaan (Aadan Geesey)













Golaha wasiirrada maamul goboleedka Koofur galbeedka Soomaaliya, ayaa Maanta ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin arrimaha ammaanka gaar ahaa xaaladda Gobolka Sh/hoose oo ay colaado kasoo cusboonaadeen iyo sidii loo qaboojin lahaa.
Golaha wasiirrada ayaa u mahad celiyay Ciidamada K/Galbeed, kuwa xoogga Dalka Soomaaliya iyo Amisom, waxanay ugu mahad celiyeen doorkii ay ka qaateen xakamaynta ammaanka degaannada Lambar Konton, Ceel wareegoow, Buufoow, Qoryooleey iyo Marka kuwaasoo kaalin mug leh ka qaatay la dagaallanka Al-Shabaab.
Shirka ayaa sidoo kale waxaa looga dooday sidii looga hortagi lahaa damaca Ururka Al-Shabaab ee ah inay carqaladeeyaan doorashooyinka dadban ee dhawaan la filayo inay Dalka ka dhacaan.
Golaha wasiirrada ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa ugu dambayn baaq u diray Dowladda federaalka iyo Hay’adaha Sama falka, si ay gurmad Bini’aaddannimo ugu fidiyaan Dadka kasoo qaxay abaaraha ka taagan Qoryooleey iyo nawaaxigeeda,kuwaasoo ku dhibaataysan goobo ka mid ah Gobolka Sh/hoose.
Gaalkacyo-(WRB)- Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug maanta waxaa markale ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Dagaalkan u dhaxeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa wuxuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.
Dadka deegaanka ayaa Idaacaddawarsan u sheegay in ay arkayeen dad dhaawacyo ah oo la geynayay Isbitaalada.
Inta la ogyahay Dagaalkan maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhimatay inka badan 15 Qof halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Saakadii hore ayaa waxaa Magaalada Gaalkacyo xaafado ka tirsan laga dareemayay Rasaas goos goos ah oo labada dhinac ay isweedaarsanayeen, Rasaastaas ayaana markii dambe isku bedeshay Dagaal culus oo labada dhinac ay isweedaarsadeen Hub culus.
Dadkii deganaa Magaalada ayaa isaga barakacay kol hore, waxaana sidoo kale la sheegayaa in maanta ay jireen dadkale oo maanta ka barakacay xaafadaha ay Dagaalada ka dhaceen.
Galmudug and Puntland forces Thursday morning exchanged artillery fire in the contested town of Galkaayo further escalating tension as more residents flee the area a day after the Federal Government said it would deploy the National Army.
Idale News correspondent in the area said forces from both sides clashed and with heavy combat deploying in the town but the number of casualties remains unknown.
An eye witness told Idale News shelling started when Puntland forces with bulldozers attempted to trench more defence lines.
Federal Government Minister of Information Abdi Hayer Mareye called on the military Wednesday to deploy in the region to avert a full scale clash.
“On behalf of the Prime Minister, I would like to ask Somali military commanders to send all the ready military units to Galkaayo to prevent more clashes,” said the minister.
The two states have perennially clashed leading to deaths, displacement of populations and destruction of property. At least 40 people were killed last year in a deadly clash between the two regions whose enmity renewed in 2014 following the formation of Galmudug state.
Perspective into Puntland-Galmudug differences
In the mid 90s when Somalia was deeply into a vicious civil war, two major warlords who had served in the national army, General Farah Aideed and Col Abdullahi Yusuf signed a pact which would lead to a cessation of hostilities between Galmudug and Puntland for more than ten years.
In the treaty, Aideed’s forces which had control over Galmudug and the larger south-central Somalia would pull out 30 kilometres away from Galkaayo while Yusuf’s forces in the Puntland side would do the same.
Civilians from both sides would easily operate in the buffer-zone with the absence of any military formations or weaponry.
But tension built again after another warlord Ali Abdi Qeybdiid declared Galmudug a new state 2006, a development which did not receive the blessings of the national government. A former ally to Aideed, Qeybdiid failed to adhere to the earlier pact while Puntland also lacked strong leadership to enforce the treaty.
However the official formation of the new Galmudug state as part of the federalization process in 2014 brought to bear the differences between the two regions. Galmudug was formed out of one a half regions; that is Galgadud and half of Mudug whose northern part form Puntland.
In effect therefore the southern part of Galkaayo is in Galmudug while to the north is Puntland. But Puntland vehemently stood its ground during and after the state formation process arguing the whole of Mudug should fall under its jurisdiction.
Jowhar-(WRB)- Waxaa goor dhow Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu doortay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Maamulka Hirshabeelle.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa u tartamayay Cabdi Xuseen Geedi iyo Ismaaciil Maxamed Nuur, waxaana ugu dambeyn ku guuleystay Cabdi Xuseen Geedi oo helay 72 cod, halka Ismaaciil Maxamed Nuur uu helay 15 cod.
Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle ayaa u kala codeeyay labada Musharax, waxaana ugu dambeyn ku guulesyatay Cabdi Xuseen Geedi oo helay 15 cod.
Gudoomiye ku xiogeenka koowaad cusub ee Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa loo dhaariyay xilkan, waxaana uu sheegay in uu si wanaagsan u gudan doono shaqadiisa.
Muqdisho-(WRB)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee baarlamanka maamulka cusub ee HirShabeelle oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar oo ah xarunta maamulkaasi.
“Doorashada guddoonka baarlamanka ee maamulka cusub ee HirShabeelle waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatey shacabka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee maamulkan dhistay. Waxay tani qeyb ka tahay dhameystirka maamulka ay yeelanayaan labadan gobol”, ayuu yiri Madaxweynaha.
Waxaa uu xusay in nidaamka baahinta xukunka ee dalka ka socda uu yahay mid adeegyada kala duwan ee bulshada u dhoweynaya shacabka.
“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay idin la qeybsaneysaa farxadda horumarka la taaban karo ee laga gaaray dhameystirka dhismaha maamulka HirShabeelle. Waxaan idin caddeynayaa in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay idin garab taagan tahay. Dhismaha maamulkan waxaa uu idin sahli doonaa inaad heshaan dhammaan xuquuqaha ay leeyihiin maamullada kale ee dalka ka jira”.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqey maamulkan cusub ee HirShabeelle inuu kaalinta kaga aaddan ka qaato hannaanka doorashada 2016-ka ee dalka ka socda.
Jowhar-(WRB)- Waxaa goor dhow Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa u tartamayay Abuukar Xasan Maqani iyo Sheekh Cusmaan Barre, waxaana ugu dambeyn ku guuleystay Sheekh Cusmaan Barre oo helay 61 cod, halka Abuukar Xasan Maqani uu helay 28 cod.
Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle ayaa u kala codeeyay labada Musharax, waxaana ugu dambeyn ku guulesyatay Sheekh Cusmaan Barre oo keensaday 61 cod.
Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa waxaa loo dhaariyay xilkan, waxaana uu sheegay in uu si wanaagsan u gudan doono shaqadiisa.








