Muqdisho(WRB)Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in habeenkii Sabtida Magaaladaasi lagu dilay nin Nabadoon ahaa, markii ay weerareen laba nin oo sida la sheegay bistoolado ku hubeysnaa.
Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Afweyne Tiiteeye, ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo dilka ka dibna ay goobtaasi ka baxsadeen dembiilayaasha.
Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Saldhiga Booliska Degmada Yaaqshiid, ayaa daqiiqado ka dib gaaray goobtii lagu qaarajiyay marxuumka, walow aanay jirin cid la sheegay inay dilkiisa u soo qabteen.
Nabadoonka oo laga garanaayay Degmada Yaaqshiid, ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in loo dilay, isagoo ka qaybgalay shirar uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Maamulka Degmada Yaaqshiid.
Maxamed Yuusuf Nuur, Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Yaaqshiid, ayaa qoyska iyo ehelada Nabadoon Tiiteeye ugu laab qaboojiyay in lagu dabo jooggo dembiilayaasha.
Ragga dilka gaystay, ayaa waxaa si dhow loola xiriirinayaa mintidiinta Ururka Al Shabaab, kuwaa oo beegsada Odayaasha Dhaqanka ee u xagliya dhinaca Dowladda Dhexe Somaliya.
ATEERA
dhageyso:Gudoomiyaha Degmada Buur-HakabaMaxamed Cabdi Maxamed”Maamulka KGS Wax Ayuu Kaqaban Waayey Xaalada Degmadaaasi
Buur-hakaba(WRB)Shacabka Ku Nool Degmada Buur Hakaba Ee Gobolka Baay Ayaa Waxaa Qeylo Dhaan Ay Ka Muujiyeen Dhibaatooyinka Xiligaani Kataagan Degmadaasi
Degmada Buur Oo Qiyaasti Degmada Baydhabo Ay Ujirto 65 KM Kaga Beegan Dhanka Waqooyi Ayaa Mudooyinkaani Shacabka Degan Degmadaasi Buur Hakaba Iyo Deganada Kale Ee hoos Tagan Ayaa Waxaa Soo Wajahey Biyo Yari Kudhawaan Shanbilood Iyadoo Ay Jiraan In Biyo Yaridaasi Xaalado Kala Duwan Lakulmaan Dadka Iyo Xoolaha Ku Nool Degmadaasi Buur Hakaba.
Gudoomiyaha Degmada Buur Maxamed Cabdi Maxamed Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Dhibaatada Ugu Weyn Ee Heysata Degmada Buur Ay Tahay Biyo Yarida Xiligaani Soo Wajahdey Isagoo Sheegey In Warihii Ugu Weynaa Ee Degmadaasi Ay Gureen Biyahana Ay Ka Doontaa Meel Aad Uga Fug Degmada Buur Hadana Ay San Kaafi Karin Hasha Booyin Ee Gaarta Magaladaasi.
Dhanka Kale Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Dowlad Goboleedka Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya Qeyb Ay Tahay Biyo Yaridaasi Kajirta Degmada Buur Hakaba WUxuuna Si Aad Ah U Eedeeyey Wasaarada Maaliyada Koonfur Galbeed Somaliya.
Maamulka Iyo Shacabka Degmada Buur Hakaba Ee Gobolka Baay Ayaa In Badan Waxaa Ay Baaq Udireen Dowlada Faderaalka Somaliya Iyo Dowlad Goboleedka Maamulka Koonfur Galbeed Lakiin Ma Aysan Jirto Cid Kajabaab Bixisey Baqaas Kayimid Shacabka Xiligaani Ku Dhibaateysan Degmada Buur Hakaba Ee Gobolka Baay,
W/Q/Wariye:Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)
DAAWO SAWIRO: KHABIIR SARE OO U DHASHEY DALKA JARMALKA OO MAANTA LA KULMEY GOLLAHA WASIIRADA KGS
Baydhabo(WRB)- Khabiir Sare Oo U Dhashey Dalka Jarmalka oo qabilsan Arimaha Maamul Goboleedyada pDalka Soomaaliya Ee Dhanka Wasaaradaha ayaa Maanta waxa uu kulan la qaatey Gollaha Wasiirada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulanka ayaa Waxa Hogaaminayeey Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Sharif Xasan Sheikh Aadan.
Khabiirkan u dhashey dalka Jarmalka ayaa waxa uu sheegey in uu kulmo gooni gooni ah la qadan doono Wasaaradaha Koonfur Galbeed Soomaaliya isagoona sheegey in wax badan la qabtey.
Si Kastaba ha ahaatee, Wasaaradaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay ku kooban yihiin 29, iyadoona ay leeyihiin Ku Xigeeno tiro badan iyo 5 Wasiiro Dowle, Kuwaasoo intooda badan aysan Shaqeeynin wax naf leh Mudadii ay jireen,khabiirkan ayaa la sheegey inuu qiimeyn ku sameyn doono tayada iyo waxqabadkooda.
Ugu dambeyntii, Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa Waxay la daala dhaceysa Dhaqaallo Xumo, Amaanka Degaanadeeda iyo Raadinta Saamiga Dowlada Dhexe Ee Doorashada 2016, Iyadoona aan lahayn Hanaan Maaliyadeed Oo Toosan oo Shacabka iyo Beesha Calaamka ay ku kalsoonaan Karaan.
Halkan Ka Daawo Sawiro







US President Barack Obama has once again reinvigorated his call to US citizens welcome to the best macaamilan with the Muslim community living, and demonstrate dabacsanan and heart open.
According to the Washington Post newspaper blames the President promised to Muslims in the United States and other shesheeyaha to play myself not discriminate.
A statement from unsupported White said that the US President and his wife at the ceremony hambaleyeeyeen Muslim Eid Al-human trafficking, wuxaana woyane demonstrated that there Malaayhiin Muslim home life and lack of trust around the world.
Woyane also denounces the statements adverse to opposition party candidate Donald Trumpu the Muslims treated.
In August last year the Obama administration announced that it reached an agreement to open 10 thousand Qaxootgi Syrian, is expected to meet the President of the consultative meeting looga addressed the problem of refugees in the world at the next will take place in New York .
Four armed members of the Islamic State (ISIL) were sentenced on Saturday to ten years in prison on charges of collaboration with the group in the South West State.
The four convicts, Abdiaziz Hassan Mursal identified as the group’s commander in Bay and Bakool regions, Mahad Nur Siidow, the group’s bomb expert, Mohamed Sheikh Mohamed and Ali Mohamed Gabow who are said to be snipers were found guilty by a military court in South West state capital, Baidoa Saturday.
“The offenders have already admitted their links with the ISIS terror group, which is why they were sentenced to 10 years on terror charges,” said Captain Adan Abukar Mohamed, the chairman Somali military court in Baidoa.
Earlier last week, authorities of Souh West State arrested the four men in operation in the southwestern town of Baidoa
In December last year, handful Al-Shabaab defectors pledged allegiance to ISIS after they clashed with al-Shabaab fighters in a remote area in the autonomous region of Puntland.
Sheikh Abdulkadir Mumin, who once lived in London but left to join al-Shabaab in 2010 declared himself the ISIL leader.
In April this year, the ISIL surrogate claimed responsibility for an alleged attack on AMISOM convoy outside Mogadishu but Amisom refuted the claims noting the convoy had way passed the point of explosion before the incident occurred.
Earlier this month, the US Department of State added the commander of the Islamic State’s nascent force in Somalia, Mumin to its list of specially designated global terrorists (SDGT).
Dhageyso:Maxamanada Ciidamada Qalabka Sida ee soomaaliya ee Qeybteeda 6aad ayaa manta Xukun Xabsi Ciidan ah kuriday 4 dhalinyaro oo Sheegtay in ay katirsanyihiin Koxda Daacish
Baydhabo(WRB)Maxakamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ee qeybteeda 6 aad ayaa manta Min 10 sano oo xabsi ciidan ah kuriday 4 ruux oo oo Sheegtay in ay katirsanyihiin kooxda Khilaafada islaamka ee Daacish ee Fadigeedu yahay Buuraha galgala ee G/bari kuwaas oo Dhawaan ay gacanta Kusoodhigeen Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka KG
Afarta Dhaliyarada ah ee Maanta maxakamada Kuriday Xukunka ayaa waxaa aykalayihiin 1 Cacasiisb Xasan Mursal oo ah Madaxa Abniyaadka Kooxda daacish ee Degmada Baydhabo.2 Mahad Nuur Siidaw Sameyta qaraxyada macaamilka ah Cali Maxmed Gaabaw iyo Maxamed Sh mad edi oo iyaguna qaabilsinaa Dilalka Qorsheysan tuurida Banbaanooyinka Iyo Qarxinta Miinooyinka
Waaka Gudoomiyaha Maxakamada Sare Soomaalia ee Qeybateeda 6 aad Gaashaanle aadan Aabuukar maxamed oo Kudhawaaqaya Xukunka Maxakamada
Waxaa sidookale Maanta maxakamada Xabsiga Kasiideysay eedaysiniyaasha kala ah 1 Xuseen C/laahi Ibraahim 2 maxamed Xasan Maxamed ( WAYDHAAN ) 3Aamina Xasan Shure Maadaama sibuuxda looga Cadeynwaayey Danbigii lagu soo oogay
Dhageyso:Xildhibaano ka tirsan soomaaliya ayaa gaarey baydhabo dhanka kalane magaaladaas waxaa aad uga socota qaban qabada loogu jira soo doorashada xubanaha u tartamaya kursiga barlamaanka dowlada soo socota.
Baydhabo(WRB)Magaalada baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka koonfur galbeed waxaa kusoo qul qulaya xubnaha doonaya iney ka mid noqdaan barlamaanka dowlada soo socota ee dhowaan doorasheeda loo dareeri doono.
Xubno xildhibaanada barlamaanka wakhtigiisa dhamaanaya ee dowlada soomaaliya iyo kuwo siyaasada ku cusub oo kuriga xildhibaanada doonaya ayaa olalahooda ka socda magaalada,wadooyinka ayaa lagu arkayaa gadiid sawiro kala duwan lagu dhejiyay.
Maanta ugu danbeysay waxaa garoonka diyaaradaha kazoo degay xildhibaano ay ka midka ahaayeen gudoomiyihii hore ee barlamaanmkii KMG ahaa sheikh aadan madoobe,Wasiiradii caafimaadka xaawo maxamed xasan,sareedo maxamed cabdalla iyo xubno kale.
Wasiiradii hore ee caafimaadka xukuumada soomaaliya xaawo maxamed xasan oo hadal kooban u jeedisey bulsho soo dhaweysay ayaa u sheegtay iney doortaan shakhsiyaadka la imaan kara waxqabadka bulshada ay dooneyso.
Madaxtooyada maamulka looga arimiyo,xaafadaha qaar ee magaalada,wadooyinka iyo goobaha bulshada ay isugu imaaneyso ayaa noqdey kuwo laga hadal hayo arimaha olalaha doorasho ee baydhabo ka wadaan musharaxiinta.
W/Q/Wariye Muxidiin Xasan Maxamed (Xusni)
Xafiiska gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa sheegay in weerar xagga cirka ah oo ay qaadeen xulafada ka dagaallamaysa Suuriya lagu dilay nin lagu tilmaamay inuu ahaa hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda dawladda islaamiga, meel u dhow magaalada kooxdaas ay xoogga ku leeyihiin ee Raqqa.
Hadal uu soo saaray Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in lagu dilay nin magaciisa loo yaqaanno Dr Wa’il, ama Wa’il Caadil Xasan Salman Al-Fayad. Ninkaas ayaa la sheegay inuu ahaa wasiirka warfaafinta ee kooxda IS, oo uu muraaqabayn jiray soo saarista fiidiyowyada borobagaandada ah ee muujinaya jirdilka iyo dilalka.
Horraantii todobaadkan ayuu Pentagon-ka sheegay in ninkii dhinaca borobagaandada ugu sarreeyey dawladda islaamiga, Abu Maxamed Al-Cadnaani, lagu dilay weerar xagga cirka ah oo ka dhacay bishii hore waqooyiga Suuriya
ka dib kulan ay yeesheen Madax ka tirsan Midowga Afrika ayay ku balan qaadeen in ay bixin doonaan Mushaarka ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.
Waxa ay sheegeen in ay ciidanka AMISOM ay la kulmayaan dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin dhanka mushaarka.
Dhawaan warbixin cusub oo kusaabsaneyd ciidanka Midowga Afrika AMISOM ayaa lagu shaaciyay in aysan Mushaar qaadan ciidanka AMISOM Muddo dhowr bilood ah.
Guddiga xiriirka howlgallada Militari ee Ururka Midowga Afrika ayaa sidoo kale sheegay in ay laba jibaari doonaan dalalka Caalamka taageerada ay siiyaan ciidanka Midowga Afrika AMISOM.
Guddiga xiriirka howlgallada Militari ee Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in ay ka go’antahay in ay ciidamada AMISOM ay ka taageeraan dhinacyo badan si ay u xaqiijiyaan amniga doorashooyinka lagu wado in ay ka dhacaan Soomaaliya bilaha fooda nagu soo haya.
Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay rajeynaayaan in ciidanka AMISOM ay si weyn uga qeyb qaataan sugitaanka amniga goobaha ay ka dhacaayaan doorashooyinka Soomaaliya.
Soomaaliya waxaa jooga ciidamo aad u farabadan oo ka kala socda Qaar ka mid ah dalalka Afrika , kuwaa soo dagaal xooggan kula jira ururka Al-Shabaab.









