Madaxtooyada Galmudug ayaa xalay waxaa kulan albaabadu u xiranyahay ku yeeshay Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Madaxweyneyaasha Puntland Saciid Cabdullahi Deni iyo kan Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Kulankaan ayaa la tilmaamay in diirradda lagu saaray sidii loo dhameyn lahaa mad madowga u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland, kaasi oo in muddo ah taagnaa.
Madaxda maamuladan ayaa dhowr jeer ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu ka shaqeynayo burburinta dowladdnimada iyo maamulada dalka ka jira, islamarkaana goor waliba uu ku mashquulo faragelin joogto ah oo lagu hayo maamulada ka aragti duwan.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in madaxda ay isla meel dhigeen xal ka gaaridda khilaafaadka jira, hayeeshee taa badalkeedane mowqif mid ah laga qaato doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii uu tagay magaalada Dhuusamareeb waxaa uu waday kulamo gooni gooni ah oo uu la qaadanayo madaxda maamul goboleedyada iyo qeybaha kale ee bulshada, kuwaasi oo go-gol xaar u ah shirka la filayo inuu ka qabsoomo magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
Ujeedka shirka wejigiisa labaad ayaa ah in aragti mid ah laga qaato doorashada guud ee dalka amniga, dhaqaalaha iyo xal ka gaaridda khilaafka jira.
Admin
Some 500 worshippers are set to attend Muslim prayers at UNESCO World Heritage site
Turkish President Recep Tayyip Erdogan paid a surprise visit to Hagia Sophia just days before the first Muslim prayers will be held at the Istanbul landmark since it was reconverted to a mosque last week.
In a quick visit billed as an inspection, Erdogan took stock of the conversion work, the president’s office said on Sunday, providing images showing scaffolding inside the building.
The Diyanet, the country’s religious authority, said Christian icons would be curtained off and unlit “through appropriate means during prayer times”.
Authorities said last week the mosaics would be concealed with either curtains or lasers when the first prayers are held.
In an interview with broadcaster NTV, presidential spokesman Ibrahim Kalin said on Sunday some mosaics of Mary and Gabriel that are positioned in the direction of Qiblah, where Muslims face during prayer, would be covered with curtains.
| Turkey reconverts Istanbul’s Hagia Sophia museum into a mosque |
He said other mosaics of Jesus and other Christian figures did not pose an obstacle for Muslim prayers because they are not located in the direction of Qiblah. But he did not say whether they would remain uncovered at all times.
Outside prayers, Hagia Sophia will be open to all visitors and tourists and all mosaics will be uncovered, authorities have said.
It was unclear whether Erdogan planned to be among some 500 worshippers set to attend Friday prayers.
Turkey’s top court paved the way for the conversion in a decision to revoke the edifice’s museum status conferred nearly a century ago.

Erdogan had long called for Hagia Sophia to be reconverted into a mosque [Turkish presidency/AFP]
The sixth-century building had been open to all visitors, regardless of their faith, since its inauguration as a museum in 1935.
Earlier this week, the Diyanet said the building would continue to be open to all visitors outside the hours given over to prayer.
The UNESCO World Heritage site was built as a cathedral during the Byzantine empire but converted into a mosque after the Ottoman conquest of Constantinople in 1453.
It was designated a museum in a key reform of the post-Ottoman authorities under the modern republic’s founder Mustafa Kemal Ataturk.
Erdogan said last year it had been a “very big mistake” to convert the Hagia Sophia into a museum.
The reconversion sparked anger among Christians and tensions between historic foes and uneasy NATO allies Turkey and Greece.
INSIDE STORYHagia Sophia: A matter of sovereignty or a narrow-minded act?
SOURCE: AFP NEWS AGENCY
Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo wejiga 2aad ee shirka, kaasoo ay ku madlan yihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa haataan ku sugan Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.
Ajandaha shirka ayaa ah in la iska wareysto xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, si dhinacyada ay mowqif mideysan uga qaataan nooca doorasho, ee ay tahay in dalka ka dhacdo.
Waxaa aad u yar rajada laga qabo in shirka uu ka qaybgalo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), inkastoo ay Villa Somalia dadaal ugu jirto, sidii uu shirka uga soo qaybgeli lahaa.
Shirkan ayaa noqon doono mid aad loogu kala feker duwan yahay, maadaama Madaxweyne Farmaajo uu dadaal ugu jiro, sidii ay doorashada dalka u noqon laheyd mid qof iyo cod ah, halka Madaxda Dowlad Goboleedyada ay iyaguna u ololeynayan in doorashadu noqoto mid dad-ban.
Ururada Bulshada Rayidka ayaa waxay beeniyeen war ka soo baxay Madaxtooyada Somaliya, oo ku aadanaa inay taageereen doorashada hal qof iyo hal cod.
Qoraal ka soo baxay Villa Somalia oo lagu faah faahinayay kulankii uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Magaalada Dhuusamareeb kula yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ayaa lagu sheegay inay taageereen doorashada dalka inay noqoto mid qof iyo cod ah.
Qoraal kale oo ay soo saareen Ururada Bulshada Rayidka ayaa lagu beeniyay inay taageereen doorasho nooc gooni ah, waxayna nasiib-darro ku tilmaameen warka ka soo baxay Villa Somalia.
“Bulshada rayidku waxay maanta la kulmeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxayna ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, waxayna la wadaageen aragtidooda. Nasiib-darro warsaxafadeed ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Bulshada Rayidku rabto nooc gooni (hal qof iyo hal cod) sidoo kale ‘qorshahaas ku garab taagan yihiin’ Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka.” Ayaa lagu yiri qoraalka Ururada Bulshada Rayidka.
Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inaanay shacabka Soomaaliyeed u baahnayn cid kala qaybisa, balse ay u baahan tahay cid ka shaqeysa horu socodkeeda.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa qoraal goor dhow soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu shacabka Soomaaliyeed uu ku booriyay inay ka shaqeeyaan midnimadooda.
Madaxweynaha ayaa qoraalka ku yiri “Anigoo ku hadlaya magaceyga iyo magaca Jubbaland, waxaan mar walba iyo meel walba shacabweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Jubbaland ku boorinayaa adkaynta midnimadooda iyo dhowrista karaamadooda.”
“Guud ahaan shacabka Soomaliyeed, gaar ahaan shacabka Jubbaland uma baahna maanta cid ku kala qaybisa fikiro madhaleysnimo oo fadqalado abuura, ee waxay u baahan yihiin cid ka caafimaad qabta dhammaan xanuunada dib u dhiga horu kaca umadeed. Waxaana ehel u ah cid kasta oo u horseedi karta midnimo waarta, oo ay kaga gudbaan wixii shalay iyo wax kasta oo maanta keeni kara kala qaybin iyo kala qobqobid wiiqda isku duubnidooda. sababto ah marwalba iyo meel kasta waxay wax ku yihiin sii adkaynta hanka iyo himiladda midnimadooda.”
Hadalka Axmed Madoobe ayaa ku soo aadaya, ka dib markii uu fashil ku soo dhammaaday kulan uu Magaalada Dhuusamareeb kula yeeshay Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gelinkii dambe ee Axadii indho-indhayn iyo jimicsiba u tagay Garoonka Kubadda Cagta ee Magaalada Dhuusamareeb.
Dhuusamareeb Stadium (Garoonka Magaalada Dhuusamareeb) ayaa heer geb-gabo maraaya dayactirkii lagu waday muddooyinkii ugu dambeysay, iyadoona dhawaan lagu wado in xariga laga jaro.
Ra’iisal Wasaaraha Somaliya iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa markii dambe leyli jimicsi kula qaatay Dhuusamareeb Stadium bahda cayaaraha ee magaaladaasi.
Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa tan iyo Talaadadii ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, si uu uga qaybgalo shirka maalmaha ina soo aadan lagu wado in uu uga furmo Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.







Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa caawa faah faahisay xaaladihii ugu dambeeyay ee xanuunka COVID-19, ee dalka laga diiwaangeliyay afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa Twitter-keeda ku sheegtay in dalka laga diiwaangeliyay 8 xaaladood oo cusub, kuwaa oo 7 ka mida laga xaqiijiyay Somaliland iyo Gobolka Banaadir oo midka kale laga diiwaangeliyay
Qoraalka ayaa lagu sheegay in 6 ka mida bukaanada cusub ay rag yihiin, halka 2-da kalana ay dumar yihiin. Tani ayaana ka dhigtay tirada guud ee dalka laga diiwaangeliyay 3,119 xaaladood.
Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa xaqiijisay in 5 bukaan ay xanuunka ka bogsadeen, taa oo ka dhigeysa tirada guud ee xanuunka ka bogsatay 1,457 qof.
Qoraalka waxaa ku cad inaanay jirin wax dhimasho ah oo dalka laga diiwaangeliyay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay, waana maalintii 8aad oo xiriir ah oo aan dalka laga soo warin xaalado dhimasho oo COVID-19 ku saabsan, inkastoo ay horey ugu geeriyoodeen 93 qof.
Tan iyo bishii June ayaa waxaa la dareemay hoos u dhac weyn oo ku yimid xaaladihii xanuunka COVID-19, ee dalka laga diiwaangelinayay.
Madaxeweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si kulul u cambaareeyay Masar iyo Imaaraadka Carabta oo labaduba taageeraya xoogagga ku sugan bariga Liibiya.
Waxay arrintani ka dambeysay markii uu madaxweynaha Masar Cabdifitaax el Sisi uu isbuucan la kulmay hoggaamiyayaasha qabaa’illada bariga Liibiya oo ka dalabday Qaahiro inay soo farageliso dagaalka.
Turkiga ayaa gargaar milatari ku caawiya dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya, halka Masar, Imaaraadka iyo Ruushkana ay taabacsan yihiin maamul kale oo saldhigoodu yahay bariga Liibiya oo uu horkacaya janaraal Xaftar.
” Tallaabooyinka ay Masar qaadeysa gaar ahaan inay la safatay dagaal ooge Xaftar waxay astaan u tahay in Masar ay ku lug leedahay arrimo bilaa sharci ah, ” ayuu yiri Erdogan.
El-Sisi ayaa bishii la soo dhaafay ku hanjabay inay suuragal tahay in ciidammada Masar ay gudaha u galaan Liibiya haddii dowladda Tripoli ee taageerada ka hesha Turkiga ay markale weerar ku soo qaadaan jiidda dagaalka ee dhinaca Sirte-Jufrah oo loo arka inay tahay marinka goobaha laga soo saara saliidda ee ay hadda gacanta ku hayaan ciidammada taabacsan Xaftar.
Liibiya waxaa halakeeyay colaad daba dheeraatay tan iyo sanaddii 2011 markaas oo hoggaamiyihii muddada dheer ka talinayay dalkaasi Mucamar Qadaafi xukunka looga tuuray howlgal ay ku luglahayd gaashaanbuurta NATO.
Maleeshiyaadka Jeneraal Haftar ayaa isku dayaya in ay la wareegaan gacan ku heynta caasimadda Tripoli.
Madaxweyne Erdogan waxaa kale oo uu sheegay in ujeedadad Turkiga aysan ahayn dagaal, balse ay tahay in uu taageero u muujiyo dowladda sharciga ku dhisan iyo sidii looga hortago lahaa mussiibo ban’aadam oo ka dhalata dagaalada dalkaas.
Wuxuuna Erdogan sheegay in Turkiga iyo Liibiya ay dib u billaabayaan sahminta iyo soo saaridda saliidda ee bariga badweynta Mediterranean.
“Taariikhda ayaa sheegi doonta cid kasta oo gacan ka geysatay in dalka Liibiya uu ku daato diig ee caawinayey xoogagga fallaagada Xaftar,” ayuu yiri Erdogan.
BBC
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN LAQAATAY URURRADA BULSHADA RAYIDKA, UGUNNA WARBIXIYEY HANNAANKA GEEDI SOCODKA SIYAASADDA DALKA
Muqdisho, Luuliyo 19, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa uga warbixiyey hannaanka geedi socodka siyaasadeed ee dalka, dadaallada xasilinta dowladnimada iyo sii-amba-qaadidda qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho daah-furan.
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Ururrada Bulshada Rayidka ah sida ay ugu hanweyn yihiin in ay soo bandhigaan aragtidooda ku wajahan hannaanka doorashooyinka dalka, ugana shaqeyn lahaayeen in la xaqiijiyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan hoggaaminta dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey hormuudka Ururrada Bulshada Rayidka ah dadaallada dowladda ee ku aaddan xaqiijinta xasilooni siyaasadeed, waxa uuna ku bogaadiyey sida ay ugu taagan yihiin muujinta aragtidooda ku aaddan dimuqraadiyadda iyo qabsoomidda doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoomta.
�Dhankooda, Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweynaha rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hana qaadda, waxa ayna muujiyeen in ay qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.









DHAMMAAD
Waxaa dib loo bilaabay dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Dhismaha wadadan ayaa istaagay kadib markii weeraro qaraxyo ah lala bartilmaameedsaday Ingineero ajaanib ahaa oo waday dhismaha wadadani.
Dabayaaqadii sanadkii hore ayay si toos ah u istaagtay dhismaha wadadani kadib markii qarax xooggan oo waxyeeleeyay dad u badan arday waxbarsho u socday dad kale oo shacab ahaa iyo Ingineero waday dhismaha wadadan.
Dhismaha wadada ayaa waaxaa iska kaashanayay Shirkado laga leeyahay Turkiga iyo Qadar balse cabsi xooggan oo soo wajahday awgeed ay hawshii dhismaha ka wadi waayeen.









