Madaxtooyada Galmudug ayaa xalay waxaa kulan albaabadu u xiranyahay ku yeeshay Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Madaxweyneyaasha Puntland Saciid Cabdullahi Deni iyo kan Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Kulankaan ayaa la tilmaamay in diirradda lagu saaray sidii loo dhameyn lahaa mad madowga u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland, kaasi oo in muddo ah taagnaa.
Madaxda maamuladan ayaa dhowr jeer ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu ka shaqeynayo burburinta dowladdnimada iyo maamulada dalka ka jira, islamarkaana goor waliba uu ku mashquulo faragelin joogto ah oo lagu hayo maamulada ka aragti duwan.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in madaxda ay isla meel dhigeen xal ka gaaridda khilaafaadka jira, hayeeshee taa badalkeedane mowqif mid ah laga qaato doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii uu tagay magaalada Dhuusamareeb waxaa uu waday kulamo gooni gooni ah oo uu la qaadanayo madaxda maamul goboleedyada iyo qeybaha kale ee bulshada, kuwaasi oo go-gol xaar u ah shirka la filayo inuu ka qabsoomo magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
Ujeedka shirka wejigiisa labaad ayaa ah in aragti mid ah laga qaato doorashada guud ee dalka amniga, dhaqaalaha iyo xal ka gaaridda khilaafka jira.