Afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay ayaa waxaa dalka laga diiwaangeliyay 36 xaaladood oo cusub, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Somaliya.
Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa sheegtay in xaaladahan cusub laga kala diiwaangeliyay Banaadir 12 xaaladood, Puntland 11, Somaliland 10 iyo Jubbaland 3.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa cadeysay in 31 ka mida bukaanada cusub ay lab yihiin, halka 5-ta kalana ay dhedig yihiin, waxayna tirada xanuunka laga helay ay gaartay 2,997 qof.
Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka waxay xaqiijisay in 41 bukaan ay ka bogsadeen xanuunsidaha COVID-19, ee uu keeno Coronavirus, waxayna wadarta guud ee ka bogsatay noqoneysaa 1,014 qof.
Ma jirto wax bukaan ah oo xanuunka COVID-19 ugu geeriyooday dalka, afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay, sida ay baahisay Wasaaradda Caafimaadka, inkastoo tirada guud ee dalka ugu dhimatay ay tahay 92 qof.
Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa maalin kasta soo saarto warbixin, ay uga hadleyso xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka ee dalka, marka laga reebo maalinta Jimcaha.
Admin
Joint Press Release: Amid increased violence on independent press, SJS and SOMA call for Press Freedom protection

MOGADISHU, Somalia 05 July, 2020 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and Somali Media Association (SOMA) jointly call for the protection of the safety of the journalists and freedom of the press amid an increased violence by state actors against independent media and journalists in Somalia and Somaliland
On Sunday 05 July, armed police attacked and blocked journalists from the independent media houses: Universal TV, Radio Kulmiye, Radio Risaala and Dalsan TV, as they were covering an opposition protest at Daljirka area in Mogadishu. The police confiscated equipment from Universal TV journalists and even threatened with shooting. The equipment was later returned, according to Universal TV’s editor.
On Saturday, police officer slapped journalist Fu’ad Mohamud Mohamed of Radio Risaala forcing him to stop filming on the scene of a car bombing in Hamar Jajab District in Mogadishu.
Last week, the Banadir Regional Court issued an ordered Goobjoog Media journalist, Abdiaziz Ahmed Gurbiye to appear before the Court on Tuesday next week. Gurbiye was arrested on 14 April and was released on bail after he wrote an article alleging that Somali president took a donated ventilator from Covid-19 hospital in Mogadishu. We call for Somali Attorney General and Somali President’s Office to drop their charges against Gurbiye.
Meanwhile SJS and SOMA are extremely concerned by the continued arbitrary detention of Radio Hiigsi’s editor, Mohamed Abduwahab Nuur (Abuuja) who remains imprisoned since March 7 without charges due to his article deemed critical to the security forces.
We jointly call the Somali Federal Government to allow Radio Gedo to resume its operations following its closure by officers from the National Intelligence and Security Agency (NISA) on 28 June and establish an independent and honest investigation into shooting against Radio Danan journalist, Abdifatah Abduqadir Sharif who was shot and injured by a police officer on 25 June.
We also jointly condemn the recent crackdown on the independent media in Somaliland and call for authorities in Somaliland to allow Universal TV and Star TV to resume their operations without any condition.
Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Awdiinle ee gobolka Bay.
Maamulka degaanka Awdiinle ayaa guulo ka sheegtay weerarkaas ay Al-Shabaab ku soo qaadeen, iyaga oo sheegay inay ka dileen dhowr dagaalyahan, kuwo kalena ay ka dhaawaceen.
Guddoomiyaha deegaanka Awdiinle ee gobolka Bay Ibraahim Maxamed Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen deegaanka, isla markaana ay ka dileen shan dagaalame ugu yaraan lix kalena ay dhaawacyo ku qaateen.
Sidoo kale guddoomiyaha Awdiinle waxa uu sheegay in magaalada xilliga lasoo weerarayey ay ku sugnaayeen ciidamo isugu jira kuwa xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Konnfur Galbeed oo sida uu sheegay ku guuleystay inay fashiliyaan weerarkaas ay Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka.
Dadka ku nool deegaanka Awdiinle ee weerarkaasi uu ka dhacay ayaa iyaguna warbaahinta u sheegay in maamulka iyo saraakiisha ciidamada ay gudaha magaalada kusoo bandhigeen meydadka xubnihii Al-Shabaab looga dilay weerarka ay ku soo qaadeen deegaanka.
Al-Shabaab ayaa mararka qaar weerarro toos ah ku qaada qaar ka mid ah deeganada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo meelo badan ay uga suganyihiin, hasa yeeshee inta badan waxay iska cabin xoog leh kala kulmaan ciidamada ammaanka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa kulan gaar ah la yeeshay Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran oo ay matalayeen Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihi hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa bilowday galabta, waxaana uu soo gaaray illaa caawa fiidkii, iyadoo laga wada lana iska xog wareystay xaalada siyaasadeed iyo marxaladaha uu dalku galayo.
War ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu faah faahiyay kulanka Hoggaanka Madasha iyo Guddoonka Golaha Shacabka oo ahaa kulan markii hore ay soo dalbadeen.
Guddoomiye Mursal iyo Muudey ayaa warbixin kala duwan oo xaalada dalka la wadaagay madaxda Madasha, gaar ahaan arrinta doorashada, waxaana la sheegay inay u sheegeen in la hakiyay hababkii doorashada ee Guddoomiyaha Guddiga doorashada Xaliima Yarey u soo bandhigtay Baarlamaanka dhamaadkii bishii hore.
Waxyaabaha sida gaarka ah looga hadlay waxaa kamid ahaa baahida loo qabo inay waqtigooda ku dhacaan doorashooyinka, ayna noqdaan doorashooyin laga wada tashaday loo dhan yahay, keeni kara nabad iyo horumar loogana gudbi karo xaaladda adag ee dalku uu ku jiro, isla markaana ay jirto mabaadii guud iyo dammaanad lagu xaqiijinayo arrintaas, in wada hadallada la sii wado si’ is faham buuxa looga gaaro arrimaha doorashooyinka, sidaas oo kale waxaa laga hadlay dhinacyada muhiimka u ah doorashooyinka in dadaal xooggan la geliyo sidii loogu qancin lahaa oo loogu waajihi lahaa doorashooyinka aragti mideysan oo dhalin karta kalsooni, sharciyad iyo taageerada shacabka.
Waxaan kaloo la isla gartay in wada hadallada la sii wado si ay u sahlanaato in isfaham buuxa laga gaaro arrimaha xasaasiga ah ee ku gadaaman doorashada Qaranka, ayna tahay in maanka lagu hayo dhinacyada muhiimka u ah hanaankaas oo ay tahay in dadaal xooggan lageliyo sidii loogu qancin lahaa, si loo helo aragti mideysan oo ay kadhalan karto kalsooni iyo in lagu wada qanco habka doorashooyinka oo loo marayo dariiqa saxda ah ee uu qabo dastuurka KMG ee Soomaaliya.
Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta xariga ka jaray xarumo dhowr ah oo ay ka mid tahay dhismaha cusub ee Wasaaradda Qorsheynta,maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo dib u dayactir balaaran lagu sameeyay.
Dhismahan cusub ee Wasaaradda Qorsheynta,maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayaa waxaa hirgeliyay Dowladda Qatar.
Sidoo kale, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa xarigga ka jaray xarunta qaran ee ka digista halis wadareedka.
Ra’isal Wasaare ku-xigeenka JFS ayaa sheegay in talaabada lagu howlgaliyay nidaamka bixiya digniinta halis-wadareedka ay tahay guul u soo hoyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed
Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay in hirgalinta xaruntan ay wax weyn ka tareyso yareynta saameynta musiibooyinka ku yeeshaan goballada iyo degmooyinka dalka.
“In aan manta yeelanno xarun sii odorosta saadaalna ka bixisa halisyada soo fool leh waxey ku tusineysaa soo kabashada qaranka, manta halkii aan xogta cimiladeenna ka sugi lahayn meelo kale waxaay Dowladda Soomaaliyeed awoodeysaa in ay xoojiso u diyaar garoowgeeda halisyada yimaadda taasoo yareyneyso saameynta taban ee musiibooyinka ku yeeshaan bulshooyinkeenna” ayuu yir Md Mahdi Maxmed Guuleed, Ra’isal Wasaare kuxigeenka JMFS.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa dadaal xooggan ku bixisay sidii loo hirgalin lahaa xaruntan si loo yareeyo musiibooyinka soo noq noqda ee dalka ka dhaca sida fatahaadaha abaaraha iyo dabeylaha.
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Md Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya diyaarisay hab-dhismeedka xarunta, shaqaalaha ka howl-gali lahaa iyo khubaro tababarro joogta ah siiya shaqaalaha xarunta.
Md Xamsa Saciid Xamsa waxa uu sheegay in xogta la xiriirta dhammaan halis-wadareedka oo ay horay u bixin jireen hey’ado iyo ururro aan dowli ahayn ay hadda wixi ka dambeeya laga heli doono xarunta qaran ee ka digista halis wadareedka.
“Diyaarinta iyo hirgalinta xarunta kaliya kuma saabsana adeeg cusub oo la helay, hase yeeshee waxey tallaabo loo qaaday xoojinta madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliy. Annaga oo adeegsaneyna xurntaan, waxaan awood u yeelan doonnaa in innaga gacanta ku heyno xogto cimilada iyo macluumaadka la xiriiro ee dalka.” Ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in Sameynta xaruntan ay ka mid tahay guulaha sii xoojinaya madax bannaanida Soomaaliya si la mid ah soo celinta maamulka hawada Soomaaliya oo muddo dheer ka dib ku soo noqotay gacanta Dowladda Soomaaliya.
Xarunta maanta la daahfuray ayaa ka shaqeyn doonta sadaasha iyo la socodka halis wadareedka oo ay horay u bixin jireen hey’ado raacsan Qaramada Midoobay.









Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligan kulan albaabada u xiran la leh Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/weli Ibraahim Muudey.
Kulankan oo ka socday Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ah mid looga hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaana kulankan uu yahay mid ka dambeeyay dalab ka yimid labada Guddoomiye.
Wararka ayaa sheegaya in labada Guddoomiye ay farriin ka sidaan Madaxweyne Farmaajo, waxaana kaloo jira warar sheegaya inay martiqaad kulan kawadaan Madaxweyne Farmaajo.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa loo arkayay muddooyinkii u dambeeyay inay u kala dabqaadeysay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashi hore, iyadoo labo jeer oo hore uu kulan dhex maray Hoggaanka Madasha iyo Guddoonka Golaha Shacabka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa cadaadis kala kulmaya Madasha Xisbiyada Mucaaradka oo ku saabsan doorashada, iyadoo Madaxweynuhu ku adkeysanayo doorashada hal qof iyo hal cod oo aan la isku raacsaneyn qaabka ay u dhaceyso shaki badan ka jiro.
Si kastaba ha ahaatee xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa u muuqata mid marxalad cusub oo xasaasi ah galeysa, iyadoo muddo xileedka Madaxda hadda talada heysa ay ka dhiman tahay hal sano.


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho,kadib safar toban maalmood qaatay oo uu ku tegey dalka Qadar.
Ra’isul Wasaare Kheyre waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya, Xildhibaano katirsan labada aqal iyo masuuliyiin kale.
Soo dhaweynta ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta ka duwaneyd kuwii hore, iyadoo intabadan Ra’isul wasaaraha marka uu dalka ku soo laabanayo soo dhaweyn jireen xubno yar oo wasiiro iyo shaqaalo katirsan xafiiskiisa.
Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaan waxa ay wararku sheegayeen in arrimo u gaar ah uu la xiriiray safarka uu ku tegey Qatar.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayeen in booqashadiisa ay la xiriirtay arrimo la xiriira mustaqbalkiisa siyaasadeed.



Maxkamadeynta Askari Qof Shacab ah u dilay laba Kun Shillin Soomaali ah oo bilaabatay
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta bilowday dhageysiga eed ka dhan ah Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Isgoyska Ceel-gaabta ee Muqdisho si bareer ugu dilay Nin Odey halkaas ku lahaa goob yar oo Ganacsi.
Nuur Daahir Geedi oo ah Askariga dilay Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Macalin ayaa qirtay inuu ka dambeeyay falkaas, isagoo u dilay muran ka dhashay laba kun oo shilin Somaali ah oo Odeyga kaga iibsan lahaa sigaar.
Xeer Ilaaliyada guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gen Cabdullaahi Buule Kameey ayaa Maxkamadda ka dalbaday in xukun dil toogasho ah lagu fuliyo Eedeysane Nuur Daahir, taasi oo noqoneysa qisaasta Marxuumka.
Diyaarad laga leeyahay Kenya oo shil ku gashay garoonka diyaaradaha Baardheere (Sawiro)
Diyaarad laga leeyahay wadanka Kenya ayaa maanta shil ku gashay garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Shilkaan ka dhacay deegaanka hoostaga maamulka Jubbaland ayaan la ogeyn waxa sababay, wuxuuna dhacay subaxnimadii hore.
Sida wararka lagu helayo diyaaradda nuuceedu waa Fokker 50 kuna diiwaan-gahan 5Y WFC oo ay iska leedahay shirkadda duulimaadyada Buff Air Service ee bixisa adeegyo badan oo isugu jira in la daabulo rakaabka, agabka kale iyo qalabkaba.
Maamulka gobolka Gedo oo la hadlay Caasimadda Online ayaa sheegay iney wali socdaan baaritaan la xiriira sababta shilka keentay, waxeyna sheegeen iney dib ka faah-faahin doonaan wax walba.
Sawirada laga helay diyaaradda shilka gashay waxaa ka muuqanaya dhaawacyo badan, balse ilaa iyo hadda lama sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay, dhawaan ayeyna aheyd markii diyaarad laga leeyahay Kenya ay soo rideen ciidamada Itoobiya ee aan ka mid aheyn AMISOM iyadoo ku sugan magaalada Berdaale.
Shirkadda Buff Air Service waxey ka hawlgashaa garoonka Wilson Airport ee ku yaalla magaalada Nairobi, balse inta badan waxey diyaaradaheeda aadaan gobolada kala duwan ee dalka Kenya.
DAAWO SAWIRADA:



Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaam kasoo Cagadhigatay diyaarad nooca xamuulka oo sida Deeq Daawo ah, taasi oo ka timid Midowga Yurub.
Deeqdaan Daawada ah ayaa ka kooban qeybo kala duwan, waxaana Garoonka diyaaradaha kula wareegay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.
Xubno ka tirsan ka socday Midowga Yurub ayaa sheegay in Deeqdan ay ku wareejiyeen Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka tahay gurmadka caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed ay ka heleyso caalamka.
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Daryeerka iyo Bulshada Xukuumadd ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay Deeqdan ay soo gaarsiiyeen, iyagoona sheegay in Midowga Yurub uu qeyb ka yahay dowladaha taageera Soomaaliya.









