
Wararka ka imanaya Iran ayaa sheegaya in drone-yo nooca Hermes 900 ah ay ku guuldareysteen hawlgallo ay ka wadeen gudaha dalkaas. Saraakiisha Iran ayaa sheegay in nidaamyadooda difaaca hawada ay soo rideen qaar ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, isla markaana la burburiyay.
Hermes 900 waa drone milatari oo loo adeegsado howlaha sirdoonka, dabagalka iyo weerarrada bartilmaameedka ah. Warbaahinta Iran ayaa baahisay Sawiro iyo muuqaalo muujinaya burburka mid ka mid ah diyaaradahaasi, inkastoo dhinaca kale aan weli si rasmi ah uga hadlin khasaaraha la sheegay.
Xaaladdan ayaa imaneysa iyadoo ay sare u kaceen xiisadaha amni ee gobolka, isla markaana ay sii kordhayaan isku dhacyada la xiriira hawlgallada cirka.

































