Baydhabo Somaliya{WMN}-Warkeena Fiidnimo ee Idaacada Warsan waxaa soo saaray Bilaal Hilaal Waxaana soo Jeedin doona Maxamed Nuur Maxamed C/lahi .
Ateera
DHAGEYSO: DIGNIIN LAGA SOO SAAREY IN XOOLO AAN SOO MARIN WAAXDA CAAFIMADKA WASAARADA XANAANADA XOOLAHA KGS LAGU QALI KARIN BAYDHABO .
Shirkan jaraa,id maanta si wada jir ah ugu qabteen Magaalada Baydhabo Wasiirka Wasaarada Xanaanadda Xoolaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed iyo gudoomiye ku xigeenka Degmada Baydhabo Aadan Carab ayaa kaga Hadley amar Wasaarada soo rugtey oo ku aadan xoolaha la qalayo maalamaha ciidul Adxaa ee nagu soo aadan.
Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha Koonfur Galbeed Mukhtaar Maxamed Guuleed oo ugu horeyn shirka ka Hadley ayaa waxaa uu sheegey in Magaalada Baydhabo lagu qali karin neef baaritaanka caafimaad ee Wasaarada soo marin si buu yiri caafimaadka dadka looga taxadiro.
Gudoomiye ku xigeenka Degmada Baydhabo Aadan Carab oo qeyb ka ahaa shirka jaraa,id ayaa waxaa uu sheegey in ka maamul degma ahaan amarka wasaarada kazoo baxay inuu sidii loogu talagaley u fulo ay ka shaqeynayaan.
Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Koonfur Galbeed Mukhtaar Maxamed Guuleed ayaa sheegey in talaabo sharciga waafaqsan ay ka qadayaan cidii u hogaansami weysey amarkan Wasaarada soo saartey ee ah in qaliin lagu sameyn karin Neef qeybta barista Wasaarada soo marin.
Horey ayaa wasaarada waxay usoo saartey amar ah in kawaanada Baydhabo lagu qali karin neef baaritaan caafimaad soo marin,taas oo horey uga dhaqan galey gudaha Magaalada Baydhabo.
DHAGEYSO: TABABAR KU AADAN DOORKA WARBAAHINTA AY KA CIYAARI KARTO IN HAWEENKA QEYB KA NOQDAAN SIYAASADA DALKA OO BAYDHABO KA FURMEY .
Inkabadan shan iyo afartan weriye ayaa maanta tobabar ugu fulmay magaalada baydhabo tababarkaan oo ay soo qabanqaabiyeen hayada CRD,wasarada Haweenka, wasaarada warfaafinta iyo Ururka suxufiyiinta koonfurgalbeed ayaa waxa uu ku saabsanaa Doorka ay warbaahintu ay ka qaadan karto dhiirigelinta Haweenka.
Tababarkaan oo intuu socdo lagu baridoono sida haweenka loogu dhiirigelinkaro waxbarashada,kamidnoqoshada hogaanka iyo horumarka noloshooda.
Ugu horayn isku dubaha gobolka baay ee wasaarada haweenka koonfur galbeed ayaa ka hadashay iyadoona tilmaamtay doorka wasaarada haweenkAa ay ku leedaha tababarkan
Furitaanka siminaarka ayaa waxaa kaqayb galay wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka koonfur galbeed Xasan Cabdi Maxamed .
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay deegaanka Yaaq Baraawe ee Gobolka Baay kusoo bandhigeen laba rag ah oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,kuwaaso isku soo dhiibey Ciidamada Dowladda & kuwa Maamulka koonfur Galbeed.
Goobta Raggan lagu soo bandhigayay waxa ku sugnaa Gudoomiyaha Maamulka degmada Diinsoor,saraakiil ka kala tirsan Ciidamada Dowladda & kuwa maamulka koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale,Waxana ragga la soo bandhigay ay wateen Hub ay kala yimadeen Dhanka iyo Alshabaab .
Mas’uuliyiinta Maamulka koonfur Galbeed oo Warbaahinta la hadlay Waxaa ay sheegeen in ragan Ay Ka howl galayeen deegaanka Buulo fulaay .
Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay hadalkooda intaasi ku dareen in raggasi iyo hubka ay wataan ku wareejin doonaan Wasaaradda Amniga maamulka koonfur Galbeed, iyaga oo ugu baaqay xubnaha kale ee weli ka barbar dagaalama Al-Shabaab inay Ciidamada isku soo dhiibaan.
Si kastaba soo bandhigida xubnaha ka tirsanaa Al-Shabaab ee Gobolka Baay ay kusoo bandhigeen saraakiisha Ciidamada Maamulka koonfur Galbeed weli dhankooda kama hadlin Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.
Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, ayaa si Rasmi ah usoo Xirey Bandhigga Baydhowa, kaasi oo socodey Mudo seddax maalin ah, iyadoona Halkaasi lagu soo Bandhiggey, Dhaqanka, Farshaxanka, Waxsoosaarka, Buugaag,
Kusimaha ayaa Ugu horeen umahadceliyay Guddigii Ka soo shaqeyay in Barnaamijkan hirgalo, oo Baydhabo lagu soo bandhiggo waxsoosaarka Dalka, Dhaqanka, Waxana guddiga Udhiibey Fariin ah Jiritaanka Koonfur Galbeed oo uu sheegey in Faritaasi ‘Aad gaarsiisaan meel waliba aad Bandhig Ku qabataan Oo Maanta aadan Fileynin in Barnaamijkan sidan quruxda Badan idin ku qabsoomi laheen Hadii ay san Jirin Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya,
Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ,oo Hadalkiisa sii wata ayaa Waxaa uu Ballan qaadey in Horumarka ay hiigsaneyaan Shacabka Reer Koonfur Galbeed Soomaaliya ay gaarsiin doonan.
Waxana Bulshada Kula Dar daaramey sidii Loogu Faa’ideysan Lahaa Khayraadka Ku duugan Deeganada koonfur Galbeed Soomaaliya , oo aan leenahay , Bad ,Beer iyo Xoolo,
Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ,Waxaa Ugu Dambeyn Bulshada Koonfur galbeed Soomaaliya Ku Booriyay in ay ka shaqeyaan waddaniyadda , Wadajirka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha KGS oo ka Qeyb Galay Dah-furka Bandhiga Baydhowa oo Soconayo Mudo Seddax Maalin ah.
Waxaa Loogu Magacdarey Bandhigan Baydhowa Wuxu lahaa Maamuus Sare, Waxaa ka soo qeyb galay Wafuud Sare oo Qaarkood Baydhowa Imaan Bandhigan Dartiis u Yimid, Kuwaasoo Magac iyo Maamuus Ku leh Dalkeena Soomaaliya.
Baydhabo ah Caasimada KMG ah ee KGS ayaa Marti galisey Dhacdadan oo lagu Soo Bandhigaayey sida Alaabaha Hindaha iyo Dhaqanka, Dalagyada kala Duwan eek a soo baxa Beeraha KGS, Wax Soo saarka Dheefta Xoolaha, Agabka laga Isticmaalo Miyiga KG, Ciyaar Dhaqameedka iyo Buugaag kuwasi oo Dhamaantood ka turjumaya Bandhiga Byadhabo.
Abuukar Sheekh Axmed Albadri Waa Qoraa iyo Tawabare Saxaafadeed waxaana uu ka mid ahaa Gudiga Qabanqabada Bandhigan Mar uu ka Hadley Furitaanka Bandhiga ayaa Ereyadan ku cabirey Bandhiga Baydhabo Muhimada uu Leeyhay.
“Barnaamijkan Ujeedkiisa Waa In aan Damaashadno Dhaqankii umada Soomaaliyeed la Soo celiyo Waxsoosaarkooda ay Bartaan, Maadaama Koonfur Galbeed ay tahay Meesha Soomaaliya Ugu Dadka Badan Aad Baa ugu Mahadsantihiin Ka Soo Qeybgalkiina”
Mas’uuliyiinta Maamulka Heer Gobol iyo Heer Degmo oo Bandhiga ka soo qeyb galay ayaa Sheegey in Bandhigani yahay Mid Taariikhi ah oo ka turjumaya Hore ukaca Baydhabo.
“Runtii Waxaa lasoo Bandhigey Dhaqankeena Waxsoosaarka Beeraha, Buugaata Waxyaabaha halkan lagu soo bandhigey Maanta lama Soo koobi karo” ayuu Yiri Gudoomiyaha Gobolka Bay Cali Wardhere
“Waxay Noo tahay Farxad in Baydhowa lagu Soo Bandhiga waxyaanaha Deegaanada KGS ay can ku yihiin”ayuu Yiri Gudoomiye Ku xigeenka Degmada Baydhowa Aadan Carab.
Fowsiya Maxamed Sheekh Wasirada Tamar iyo Kheyraadka Biyaha DFS iyo Yuusuf Garaad oo ahaa Wasiirkii Hore ee Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya oo ku Casuubnaa Bandhiga ayaa hadalo Goobta.
“Maanta Shaqada ay Qabteen Qabanqabayasha Bandhiga Baydhowa Ma ahan Shaqo la soo koobi karo waa shaqo aan ku faani karno Quruxda naga muuqda Waa U jeediin Madaxweynaha Dharka uu ku labisanyahay,
Madaxweyne waxaa kaa Codsanayaa in aad dharkan Dhaqanka ah aad ku Faanto oo Shirarka Caalamiga ah ugu Qeyb gasho adiga oo Wata Labiska Hidaha iyo Dhaqanka” ayey Tiri Fowsiya Maxamed Sheekh.
Gudoomiyaha Baarlamaanka KGS Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo Hadalka Qaatey ayaa ku tilmaamey Dhacdadan Mid Taariikh ah Misna Ugub ah Dhiira Galineysa Nabad iyo Dowladnimada KGS.
“Koonfur Galbeed Waxyaabaha Dhaqanka u ah ma ahan wax halkan lagu soo koobi karo waxaa Deegaanada Seddaxda Gobolka ee Bay Bakool iyo Shabeelada, waxaan rajeynaa in Bandhigan lagaarsiin doono Guud ahaan KG” sidaasi waxaa Yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka KGS.
Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen Madaxweynaha KGS oo Furey Bandhiga Baydhowa ayaa isagoo kulabisan Dharka Hidaha iyo Dhaqanka Soo Joogsadey Maslaxa kadibna Jeediyey khudbada.
“Qof kasta oo Soomaaliya ah oo ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul wasaaraha ayaa aad ugu farxey waxyaabaha manta Baydhowa ka dhacay, waana la’idin soo Hambalyeeyey Qabanqaabayasha Barnaamijkan waad Mahadsantihiin” ayuu Yiri Madaxweynaha KGS.
Baydhowa waxaa uhaatey Maalmo Seddax ah ku socon Doonaa Bandhig Noociisa lagu qaban,kaasoo inta uu Socdo ay ka qeyb qaadandoonaa Bulshada KGS iyadoona uu Garab Socondoona Isu Imaad Bandhig.
Boqol iyo labaatan arday oo dhamaystay caafimaadka iyo luuqadaha oo shahaadooyin uu gudoonsiiyay Iskuulka Al-azhar eek u yaala Baydhabo.
Ardey tiradooda gaarayso 125 oo isugu jira Wiilal iyo Ggabdho oo muddo sanad ahna wax ka baranayey Iskuulka Al-azhar Academics ayaa munaasabad lagu gudoonsiinaayey shaadooyin waxaa lagu qabtay Hotelka Bakiin ee magaalada Baydhabo .
Munaasabadda oo ahayed mid si heersare ah loo soo agaasimey xiiso iyo xamaasadna laheyd waxaa ka soo qeyb galey bahda waxbarashada, Abwaano iyo marti sharaf kale oo intii ay socotey Munaasabadda ka jeediyey khudbooyin u badnaa dhiiri galin ku aadan aqoonta muhiimada ay u leedahay dhalinyarada iyo sida ay u bedesho nolosha iyo wacyiga qofka .
Cabduqaadir Shariif waa maamulaha Al Azhar Academics furitaankii munaasabadda mar uu khudbad u jeedinayey ardada qalin jabinaysa waxaa uu ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee Iskuulku soo maray markii la furay ilaa iyo iminka, “Iskuulka waxaa la furay bishii May sanadkii 2017dii, tan iyo xiligaasi waxaa ka qalin jabisay laba dufcadood. Mar 65 arday oo ahayd sanadkii hore haddana waxaa qalin jabinaysa 125 arday oo dhamaystay maadooyinka caafimaadka iyo luuqadda Ingiriiska”. Sidaas waxaa yiri Cabduqaadir Shariif oo ah maamulaha Iskuulka Al-azhar Academics.
Qaar ka mid ah ardada Iskuulka ayaa munaasabadda ku soo bandhigay maadooyinkii ay barteen, kuwaasoo ay ka muuqatay wajiyadooda farxad iyo nashaad tiiyoo ay u dheerayd fahmo iyo farxad ka tarjumaysa in ay sanadkii la soo dhaafay dadaalkoodii iyo waqtigoodii ay ku bixiyeen Iskuulka iyo ku taxnaantiis uusan noqonin mid lumay balse uu miro dhalay.
Dufcadan ka qalin jabisay Iskuulka ee gaaraysa 125 arday ayaa noqoneysa Kuwii Labaad oo ka qalan badalanaysa Iskuulka Al azhar tan iyo markii la furey bishii May Sanadkii 2017 oo isku jirka ardada labadii sano wax ku baratay Iskuulka ay tahay 190 Ardey oo maadooyinkii ay barteen kari kara in ay sii gudbiyaan kuna shaqaystaan.
Kulan Si wada jir ah ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah musharixiinta madaxtinimo ee Maamul Goboleedka Jubaland oo Ka Dhacay Magaalada Kismaayo oo Xarun Ku meel Gaar u ah maamulkaasi waxaa ay kaga soo hor jeesteen Gudiga Doorashada Madaxweyne ee Jubbaland iyagoo ku eedeeyey gudigan in Shaqsi Gaar ah uu wato.
Musharixiinta Ayaa Yiri guddigan doorashada Ma Ahan Kuwo dhex dhexaad ah,isla markaana Madaxweynaha Jubbaland ee hadda Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) uu Kaliya Maamusho siduu rabana Ka yeelanayo ,Axmed Madoobena uu Afduubtey doorashada Jubbaland,
Afhayeenkii hore ee maamulka jubbaland ahna musharax madaxweyne C/naasir Seeraar ayaa waxa uu sheegay in habraacyadii doorashada iyo nidaamka sugidda amniga ay u afduuban tahay madaxweyne Axmed Madoobe
Gudiga Doorashadana in shaqsi gaar ah uusan lahaan Karin sida ay hada wax kuwadaana ay tahay mid keeni karto Cawaaqib xumo ka dhalata Doorashada Jubbaland .
Dhanka kale Musharax M/weyne Maxamed Yuusuf Aw-Daahir Marsheeye ayaa dhankisa waxaa uu timaamey in Dhamaan Musharaxinta Jubbaland ay Ka mideysan yihiin Go’aanka ay ka qaateen gudiga doorashada ayna aqbali doonin wax alaala wixii ay soo Saaraan Gudigan doorasho ee magacaaban .
Wuxuuna ku baaqey in la sameeyo gudi doorasho xalaal ah oo umada reer jubbaland Dowlada Dhexe ee fadaraalka iyo dhamaan beesha caalamka ay aqoonsan yihiin.
Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayey aheyd markii Gudiga Doorashada jubbaland ay soo saareen Shuruudaha laga rabo Musharixita u taagan Kursiga Madaxtinimo ee Jubbaland iyo Waqtiga ay dhaceyso Doorashada Jubbaland .
Qaraxyo maataano ah ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana Qaraxyaddaan ay kala dambeeyeen Daqiiqo kooban.
Qaraxa Koowaad ayaa ka dhacay Isgoyska Sayidka goob ay ku sugan yihiin Ciidanka Ilaaladda Madaxtooyadda Soomaaliya, islamarkaana laga ilaaliyo Golaha Shacabka, waxaana Qaraxaasi loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.
Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa ah meel inta badan Mashquul ah oo ay isticmaalaan Mas’uuliyadda dowladda Soomaaliya, waxaana sidoo kale halkaasi ku yaalla Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo Xarunta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.
Qaraxa Labaad ayaa ka dhacay agagaarka KM4 , waxaana loo adeegsaday gaari noociisa yahay Toyota NOHA oo qalin ah, ciidamada amniga ayaa ku guleeystay in ay gacanta ku soo dhigaan wadihii gaarigaas wax qasaarana ma uusan geysan qaraxaas.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in 9 ruux ay ku dhinteen Qaraxyadda sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ku dhaawaad 25 ruux.