Baydhabo-{WMN}- Hoos ka dhageyso Barnaamijka Dacdooyinka Caalamka oo aqrinayo Wariye; C/raxman Axmed Maxamed (Oday) iyo Wariye Qasim Maxamed Axmed
BANDHIGA AQOONTA
Kusimaha Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, madax ka socotay Mashruuca GEEL iyo qubaro dhanka beeraha ah ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Buugaag ka hadlaya hagaha Tacabka iyo dhoofka Mooska Soomaaliya iyo Fursadaha maalgashi ee beeraha, waxaana buugaagtan diyaarintooda iska kaashaday Wasaarada Beeraha Soomaaliya iyo Mashruuca GEEL
Madaxa mashruuca GEEL Maxamed Cabdi Nuur ayaa ka hadlay dadaalada lasoo geliyay buugaga lasoo bandhigay ee ka hadlaya maalgashiga Beeraha Soomaaliya.
“Labadan buug ugu yaraan Mashruuca Geel iyo Wasaaradda Beeraha waxa ay ka wada shaqeynayeen muddo sanad ah, waana wax lagu farxo in teamka Wasaaradda ay hogaaminayeen diyaarinta buugaagta, waana buugaag wax badan ka tari doono hannaanka loo marayo maalgashiga” ayuu yiri Maxamed Cabdi Nuur.
Ku-simaha Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay inay ku howlanyihiin sidii Mooska Soomaaliya uu u heli lahaa maalgashi iyo suuqyo caalami ah, si loo dhiiri geliyo beeraleyda Soomaaliyeed.
“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay munaasabadan qiimaha leh oo lagu daah furayo buugaagtan, labadan buug oo aad iyo aad muhiim ah, midna uu ka hadlayo maalgeshiga beeraha, midna uu ka hadlayo hagidda iyo tilmaamidda horumarinta mooska, aad iyo aad baan uga wada mahadcelineynaa dadkii ka soo shaqeeyay” ayuu yiri Wasiir Ciid.
Ugu dambeyn Ku-simaha Wasiirka Beeraha ayaa daahfuray Systamka M-Tacab oo ay xog ku wadaagi doonaan ganacsatada beeraha ee ku kala sugan gobolada dalka.
Dhageyso:-Bandhiga Maanta Waxaa Marti ku ahaa Culamaaudiinka Ree Baydhabo oo ay ka mid ahaa yeen sh. xasan gaab sh.aadan shekh sayid iyo cabdi Fataax sh. xasan
Bandhiga Maanta Waxaa Marti ku ahaa Culamaaudiinka Ree Baydhabo oo ay ka mid ahaa yeen sh. xasan gaab sh.aadan shekh sayid iyo cabdi Fataax sh. xasan
cula maa udiinta oo gaarsiiyay isbitaalka 25 box oo valeebo ah 1000
xabo kaanoole ah ooaares 1000 iyo weliba kolooriin dhoorkiilo ah
kadib ayeey waxay imaa deen idaacada warsan dad weeynaha ayay
kalahadleen idaacada mashaaiikh da oo kala ah sheekh xasan gaab iyo
sheekh aadan shekh sayid macalin cabdi fataax iyo waliba macalin cali
cabdinuur.
wac telkaasi waa gurmadka abaaro ah Cabdi Fatax +252617999977
RIIX HALKAAN SI AAD DAAWO MUQAALKA SIDA AY U SOCOTO BIYA DHAAMISTA
Aqriso:Sheekada Adigaa Is yeeley
Baydhabo(WRB)Waa sheeko ka hadlaysa wiil in badan waano iyo wacdi wax ku qaadan waayay, kadib mar danbe ogaaday in markii la waaninayay u ekayd in uu wax ku qaato,laakiin caqli xumo iyo garaad yari uu la jaal ahaa seejisay wixii fursad ahaa ee xiligaa haddii uu wax ku qaadan lahaa , manta uusan urugo iyo ciil dib ugu gocdeen wixii uu isaga is yeelay ee manta uu ogaady waqti xeero fandhaal kala dhaceen.
Cali, “asalaama calaykum, Aadan?”
Aadan “wacalaykuma salaam, Cali?”
“Aadanoow walaal waad murugsantahay,wajigaaga waxaa iiga muuqda murugo iyo tiiraanyo,ee maxaa ku helay ee aad la murugoonaysaa ,wax ii sheeg haddii ay suurtagal tahay in aan wax kaala qabto ,kolay talo ahaataba?”
Aadan “iga daa walaal caliyoow, murugtayda ma ahan mid haddii aan kuu sheego iminka aad wax igala qaban karto , aniga in ay igu kali ahaato wax dhaama malaha, ee waxba ha’is shiddaynin ee orodoo is ka bax .?”
Cali “heedhe Aadanoow sided iila hadlaysaa ma anigaad manta wax iga qarsanaysaa, oo arin adiga ku murjinaysa I leedahay aniga haygu kali ahhato.
Sideey wax kaa yihiin ,miyeynaan labadeena ahayn saaxiibo dhib iyo dheef wadaagaa,oo wixii midkeen ku soo kordha isu sheega dabadeedna wada xaliya.?”
Aadan “Caliyoow sidaas maaha qaabkaad u fahamtay hadalkayga, ruuxna ma mooga in aan nahay saaxiibo isku dhaarta oo nafta ay u dhaxayso. Balse aan kuugu celiyee hadalkayga , arintan I murjinaysa ma’ahan mid aad adiga wax igala qaban karto waayo waa mid igu kali ah oo aad adigaba qayb ka ahayd dadkii igu waaninanayay in aan daayo inta aysan ila tagin xili aan waxba laga qaban Karin oo ay talo fara ka bixin.?”
Cali “Aadanoow,hadalka ha’ii dulmarine si toos ah diirka uga qaad. “ileen waa tii la yiriye.” “run iyo ilkaba waa la caddeeyaa.”
Aadan “arintan I murjisay in aad ogaato ayay kaaga dhegtay si aad aad wax iigala qabato, anna waxay iiga dhegtay in ay igu kali ahaato si aanad ugalin mushkilad kugu keenta murugadayda oo kale, ee Caliyoow ila daa tayda si aan kaligeey ugu gudbo iyadoo cidna waano iyo talo igu siin xalka arintan I murjisay.”
Cali “Aadanoow soomaalidu waxay tiraahdaa.” “war le helaaba talo la hel” ee adoo taan maanka galinaya armay roontahay in aad ila wadaagto arinkan si aan ugu yaraan fikrad ama tallo kuu siiyo, ileen talo adaa ku nool ee iyada kuguma noola ayaa la yiriye.”
Aadan “Caliyoow walaal waxaad ma moogtahay “tiiraanyo cudur iyo nimey towsi haysaa ileen taah ma daayo” anna arinkaygu waa “I taageer Allahayoow arintayda kala taal adaa toosin karaya”. Ee sidaas haynoo ahaato, nabadeey.”
Cali : “waayahay. Aniga waan kuu daayay taada ee ann aragno halkeey ku gayso waxaad kaligaa isku koobtay iyo arinkaad xalkiisa kaligaa go’aansatay in aad hesho.
Cali “wallee waa yaab, waxaa horay loo yiri “waxaad qarsato wey ku qarsadaan” saaxiibkeey Aadan arinkan uu iga qarsanayo ee uu diiday in uu ii sheego walee maalin buu ii sheegi doonaa, waase goor danbe ee aan aniga waxba ka qabankarin, bal aan arko halka uu dhaanka ku furo .”
Aadan wuxuu saaxiibkiis ka qarinayay qaan la go’day kadib markii uu bartay balwadda gaar ahaa Jaad iyo Sigaar taasoo saaxiibkiis uusan ku ogayn intii ay wada dhiganayeen dugsiga sare . cali iyo aadan waxay is moogaayeen muddo toban sano ah. Cali wuxuu jiray dalka dibadiisa ee uu waxbarasho lacag la’aan ah ka helay markii iskuulkii ay wad dhiganayee isaga iyo saaxiibkiis uu ka galay kaalinta koowaad. Waxay kuwada xiriiri jireen muddadii ay kala maqnaayeen khadka teleefoonka iyo baraha bulshada oo aan lagu ogaan Karin waxa ku soo kordhay qofka inta ay kala maqanyihiin. Balse waxaa dhici jirtay in cali mararka qaar uu soo Waco saaxiibkiisa in uu ka maqanyahay xaafadda in ay u sheegi jirtay Aadan walaashiis. Taasi waxay cali ku beertay shaki ah in saaxiibkiis aadan uu bartay balwad . cali isagoo shakigaa qaba ayuu dhowr jeer saxiibkiis ka waaniyay in uu san u talaabin isakana jiri khatarta balwadda si aysan ugu dhicin mustaqbal xumo iyo dib u dhac nololeed.
Waa sidii uu filayaye waa danbe oo cali lagala wareegay aqalkii ay reekiisu deganaayeen ayaa isagoo mudloosan oo luudaya wadada isaga hor yimaaden saaxiibkiis cali oo u sii socda jaamacad uu bare ka ahaa. Indhaha isagoo raba aragtidii hore in ka dadbado ayaa cali saan ku boobay saaxiibkiis Aadan .
Cali “war saaxiibkeey Aadan ahaa, ii waran ma nabad qabtaa hooyo iyo reeka kawaran”.
Aadan “Caliyoow adduun labaa dulaysay.” “wax kugu soo socdo oo aan laguu sheegayn, iyo wax ku soo dhaafay oo aan dib laguugu celinayn”. Aniguna tabtii ayaan ahay ee saaxiib wakaa warkayga. Reerna war uma hayo. Wakaa halkay duni I dhigtay.”
Cali “Aadanoow maxaad I tiri reer war uma hayo, ismoogeen maxaa reeka adiga idinkala dhantaalay oo aad u kala irdhoowdeen. Bal ii waran adoo si fiican warka iigu sheegaya”.
Aadan “wagii isugu kayn dambaysay soo ma ogayn in ay I haysay murugo, markii aad I weydisay aan kugu iri ,waa arin ii gaar eh ee haygu kali ahaato”.
Cali “haa”
Aadan “Caliyoow gadaashaa waxaan bartay balwad , sidii aan ugu qayilayay amah wey ila go’day waxaana laygu yeeshay dayn badan oo aan bixin waayay. Markii danbe waxaan iibiyay gurigii ay reerku deganaayeen , waxaan soo fariisiyay reekii meel maran anigana sidaas ayaan deyro kaga noqday reekii ,wad aragtaa manta in aan kaligeey cilodladaa sheekaysanaya oo hadba mar goconayo waano iyo talo wixii walaal isiin jirayy ,ee aniga dheg jalaq u siin waayay ,ee waad aragtaa tan iga raacday”.
Cali “Aadanoow,” “Adaa isyeelay ,shalay hadaad ii sheegi lahayd talo ayaan ku siin lahaa maantase waa meel maran far ku taag. Jaw saaxiib. “ADIGAA IS YEELAY”.
W/Q/Wariye:Muqtaar Sheekh Aadan (Dalmar)
DHAGEYSO+DAAWA SAWIRO:Ardey maanta Ka Qalan jabisey Jaamacada Koonfurta Soomaaliya
Baydhabo(WRB)Wasiiro ka tirsan xukuumada soomaaliya,siyaasiyiin xorey xilal kala duwan uga soo qabtey xukuumadihii KMG ahaa ee dalka soo marey,Agaasimayaal,Madaxda waxbarashada,waalidiin iyo ardey ayaa kasoo qeyb galey munaasabad loo qabtey 93 ardey oo ka qalab jabiyey jaamacada koonfurta oo kutaala magaalada baydhabo ee gobalka bay.
Madaxa jaamacada koonfurta soomaaliya maxamed cali kalaay ayaa marka hore goobta ka sheegay muhiimada munaasabada.
Wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta injineer saalax sheikh cusmaan,wasiirkii hore ee gaashandhiga xukuumadii KMG aheyd cxakiin maxamuud fiqi ayaa u hambaliyey aradada qalan jabisey,waxaana ay ku dheeraden ka hadalka muhiimada wax barashada ay u leedahay dhalinyarada.
W/Q/Wariye:siidcali Muuse Maxamed (Ateera)
Dalkii La Oran Jirey Soomaaliya Waxaa Uu Ka Koobnaa 18 Gobol Waxaa Uu Lahaa Hal Madaxweyne, Hal Golle sharci Dejin Iyo Hal Ciidan oo qura Maanta Warka Halkaa Waa Uu Ka Sii Weyn Yahay
18-kii Gobol Ee Dalka Waxaa Maamula Toddobo Madaxweyne, Golleyaal Sharci dejin Iyo Ciidamo Kala duwan Oo Magacyo Fara Badan Leh Umada Waa Umadii Soomaaliyeed
Gobolladii Ayaa Loo Kala Qeybsadey Ismaamul Gobolleedyo Oo Salka Ku haya Qabaa’il Iyo Deegaan Kala gurasho , Ummadii Wax Ku Kala Qeybsan Jirtey Magaca Soomaalinimada Ayaa hadda Ku Kala Baxa Maamul Goboleedyo Asal Ahaan Marka Loo Eego Qabiil Salka Ku haya.
Somaliland, Puntaland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug Iyo Khaatuma State, Ayaa Loo Kala Bixiyey Gobolladii Dalka Waxaa kala Xukuma Madaxweynayaal Baarlamaano Waxayna Leeyihiin Ciidamo Kala Duwan Oo Magacyo Loo Kala Bixiyey, dadku waa walaalo laakiin waxaa lagu yidhi mid walowba ka kale ayaa kugu cadow ah.
Marka La Iskugu Yimaado Shirarka Wada Tashi Ee Ka Dhaca Magaalada Muqdisho Hogaamiye Kasta Waxaa Uu Ka Doodaa Danihiisa Gaarka Ah Mana Jirto Cid si Guud Uga Hadleysa Danaha Guud Ee Ummada
Dowlado Kala duwan Oo Caalamka Ah Oo Arrintaasi ka Faa’ideysanaya Kuna Soo Gabanaya Taageerida dadka Soomaaliyeed Iyo dib U Soo Celinta Amnigii Iyo Kala Danbeyntii Dalka ka Jirtey Ayaa Waxaa Kala Taageereen maamuladii Jirey, mid walba dhinacooda ayay ula faqaan kuna qanciyaan inuu Somaliya Maamulkiisu ugu sareeyo ayna taageersanyihiin, laakiin qorshuhu sidaasi waa ka duwan yahay oo waxaa la kala dhex dhigay qori dab leh.
Dowlad Kasta Waxaa Ay Daneyneysaa Qeyraadka Dalka Waxaa Ayna Dadaal Ku Bixineysaa Dayactirka Iyo Dib U dhiska Xarumaha dowlada Iyo Meelaha Muhiimka Ah, hadda ma wado dan Soomaali ee waxay wataan dano gaar ahaaneed.
Sanad Walba Waxaa Tababar Loo Xiraa Loona Furaa Ciidamo Ka Tirsan Xooga Dalka soomaaliya Ilaa Iyo Haddana Ma Jirto Ciidamo Tayo Leh Oo Maanta Lagu Aamini Karo Amniga Iyo Deganaashaha Dalka, waxay la dagaalamaan Soomaali, waxaa qoriga loogu dhiibay Soomaali, midka soo tababaray ee soo hubeeyay Dhinacyada kalena Isagaa Taageera oo sidaasi si la mid ah u hubeeya.
Ku Dhawaad Lix (6) Dowladood Ayaa Ciidan Kooda Ku Sugan yihiin Soomaaliya Kuwaa Oo Qaarkood Dalalkooda Deganaasho Aanay ka Jirin Maanta Waxaa Ayna Joogitaanka Dalka Ay Ku Qaataan Lacago Badan Oo Muwaadinka Soomaaliyeed Xitaa Helin, Haddii askariga Soomaaliyeed la siinayo Mushaharkaasi iyo dhalinyarta Soomaalida waxay ilaashan lahaayeen Nabada iyo dhulkooda ee iyagu cadow iskamay dhigteen.
Kuwa Ina Hogaamiya Maalin Kama Aysan Hadlin Lacagahaasi Ay Qaataan Ciidanka Ku Mideysan Magaca AMISOM oo waxaad moodaa inay usoo heshiiyeen shacabka Muddo ka badan 25ka sano qaraxa, dil iyo rasaastu argagaxa ku reebtay Quluubtooda.
Ka Hadlida Sugiga Amniga iyo U mahadcelinta Ciidamada Shisheeya Ayaa Waxaa Ay Noqotey Mid Joogta ah taasina waxay cadeyn u tahay heshiiska ka dhaxeeya hogaamiyeyaasha Soomaalida iyo kuwa u soo shaqa tagay Somaliya.
Askariga Bilaa Mushaharka Ah Waddada la Taagan Qori Ay Ku Jiraan Wax Ka Yar 30 Xabo Oo Rasaas Ah Iskuna dhiga Gaariga Qaraxa Ah ayey Ka Qiimeeyaan kan Dalka danta Gaarka U Yimid Hogaamiyaasha Maanta Ina Xukuma, Waayo? Iyaga Somaliya waxba kama yaalaan oo shaqo ayay u yimaadeen.
Way Adag Tahay In Dalkeena Uu Dib Ugu Soo Laabto Dowladnimadii Iyo Kala Danbeyntii Ka Jirtey 30 Sano Ka Hor Inta Haatan Kuwa Ina Hogaamiyaba Joogaan, Waayo? Daacad kama ah hogaaminta Ummada Soomaaliyeed.
Bal u fiirso maalinba qorshe ayaa Soomaaliya loosoo Sameeyaa marka uu kaasi dhamaado mid kale tusaale ahaan, Baladweyn dagaalo ayaa ka dhacay markii la joojin waayay, Biyo ayaa lagusoo furey si amarka dawladaha shisheeye u shaqeeyo, Bal eeg Baarlamaanka ayaa dood ka keenaya Hanaanka Xukuummada Qaraxbaa dhacay waxaa ku dhimanay kuwii ugu cadcadaa Xildhibaanada ee mawqifka kale aamin sanaa.
Somaliya Alloow Adaa U Maqan!
W/Q:- Wariye Mohamed Adam Wadani
Gmail:-MAMWadani@gmail.com
Tell:-+252615810884
Adress:- Baidoa -Somalia
1:waxaad sheegtaa Nebi maxamed magalada uu kudhashay?
J:waxa uu kudhashay magaalada maka
2:sheeg lamadegaanka ama saxaraha afrika dhuulka uu kufadhiyo squarmayl ahaan?
J:waxa uu gaarayaa :3.5000,000squarmayl.
3:waxaad sheegtaa magacii hore ee loo aqoon jiray magaalada madiina?
J:waxa loo aqoon jiray (yathrib)
4:waxaad sheegtaa bedka bada baasifiga squarmayl ahaan?
J:waxay gaaraysaa :64maylsqury
5:sheeg dhirirka webiga niil mayl ahaan?
J:dhirirkiisu waa:4160mayl
6:yaa qoray taariikhda hijiriyada?
J:waxa qoray cumar binu khadhaab(Rc)
7:goor may bilaabatay taariikhda hijiriya?
J:waxay bilaabatay markii uu nabiga uu uhijirooday magaalada madiina.
8:sheeg sanadkii uu madaxtinimada uu qabtay madaxweynihii hore ee dalka maser Jamaal cabdi naasir?
J:waxa uu qabtay sanadkii :1954kii.
9:waxaad sheegtaa magaca nebigeena hooyadiisa?
J;waa:Aaminatu bintu wahab.
10:sheeg intasano uu xilka uu haayey Jamaal cabdinaasir?
J:waa: 6sano
11:sheeg tirada caruurta uu dhalay nebi maxamed (c.s.w)?
J:waa :7caruur ah
12:waxaad sheegtaa sanadkii uu xilka qabtay madaxweynihii hore ee dalka gaana kawaana nakaruuma?
J:wuxuu qabtay sanadkii :1961kii.
13:waxaad sheegtaa inta god uu leeyahay Raha?
J: waxa uu leyahay : 3god
14:sheeg caruurta nebi muxamed(s.c.w) inta wiil ay ahaayeen iyo inta gabdho ay ahaayeen?
J:waxay ahaayeen :3wiil iyo 4gabdhood
15:waxaad sheegtaa magaca xaaskii ugu horeysay uu guursaday Rasuulka(s,c.w)?
J:waa:khdiija bintu khuweylad(r.c)
16:waxaad sheegtaa bad mareenkii ugu horeeyey ee maraakiibtiisa aykusoowareegtay caalamka?
J:waa : fardinan meglon
17:sheeg goortii ay bilaabatay taariikhda bicthada?
J:waxay bilaabatay markii uu nebiga loo magacabay nabinimada
18:sheeg sanadkii ay kubiirtay dowlada jarmalka ururka Neeto?
J;waxay kubiirtay sanadkii:1955kii.
19:waxaad sheegtaa inta sano udhaxaysey hijiriyada iyo bicthada?
J:waxa u dhaxaysay :13sano
20:waxaad sheegtaa inta god uu leeyahay shimbirka?
J:waxa uu leeyahay :4god
w/Q:Aadam Abdi Ishak(Gentleman)
waa qoraaga Buuga Bandhiga Aqoonta
Email.Aadamyare11@hotmail.com