Madaxeyne Xasan Sheekh oo booqday Xerada Tababarka ku qaadaan Ciidanka Soomaaliyeed ee dalka Eritrea. was last modified: October 11th, 2024 by Warsan Radio
Category
WARARKA MAANTA
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay Safiirka dowladda Sweden
written by Warsan Radio

Shirkaan waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, sidii looga hortagi lahaa saameynta abaaraha la saadaalinaayo loona yareyn lahaa khasaaraha ka dhasha, sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta deeq-bixiyayaasha iyo hay’adda, adkeynta dadaallada diyaar-garowga iyo ka hortagga.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa si weyn dowladda Sweden uga mahadceliyay taageerada muddada dheer ah ay la garab taagantahay Soomaaliya, si gaar ah dhismaha Xarunta NEOC oo udub-dhexaad u ah arrimaha gargaarka degdega ah.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay Safiirka dowladda Sweden was last modified: October 9th, 2024 by Warsan Radio
𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛-𝐮-𝐞𝐞𝐠𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐃𝐚𝐦𝐚𝐥 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐠𝐞𝐛𝐚𝐠𝐚𝐛𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨.
written by Warsan Radio

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa si rasmi ah usoo xirey maanta kulan ku saabsanaa Dib-u-eegista howlaha mashruuca Damal Caafimaad oo muddo sedax cisho ah ka socdey Magaalada Muqdisho.
Kulanka intii uu socdey waxaa kasoo qeybgaley Wasiirada Caafimaadka Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Caafimaadka ee heer Dowlad Goboleed, Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir, Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka, Madaxda Mashruuca Damal Caafimaad iyo Tallaalka Covid-19, Madax kasocotey Bangiga Aduunka, Hey’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Arrimaha Caafimaadka iyo Marti Sharaf kale.
Kulanka dib-u-eegista ayaa diiradda lagu saaray mudadii uu socdo waxyaabihii u qabsoomay mashruuca, waxaana lagu qorsheeyey talaabooyinka la qaadi doono mudada soo socota, muhiimadda mashruuca Damal Caafimaad u leeyahay horumarinta qaybta Caafimaadka Soomaaliya iyo sidoo kale qiimeybta guulaha ilaa hadda laga gaaray mashruuca, loona qorsheeyey tallaabooyinka xiga ee lagu horumarinayo adeegyada Caafimaadka dalka.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Aden oo soo xirey kulanka ayaa sheegey in loo baahan yahay isxilqaannimo si loo xaqiijiyo guulaha laga gaari karo mashruuca iyo guud ahaan hanaanka Caafimaadka dalka, sidoo kalena in la ogaado muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqeynta si loo gaadho ujeeddooyinka Caafimaad ee dalka ayna tahay in la dardar geliyo dadaallada si loo hubiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeeg Caafimaad oo tayo leh.
𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛-𝐮-𝐞𝐞𝐠𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐃𝐚𝐦𝐚𝐥 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐠𝐞𝐛𝐚𝐠𝐚𝐛𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨. was last modified: October 9th, 2024 by Warsan Radio
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO TABABAR U SOO XIRAY SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDANKA XOOGGA DALKA.
written by Warsan Radio

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xerada Bali Doogle maanta tababar sare u soo xiray 150 Saraakiil-xigeen iyo 200 Leyli-sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda tabbarrada gudaha dalka, iyadoo saraakiishan la baray xirfadda hoggaamineed, qorsheynta hawlgalka, iyo aqoonta dagaalka, si loo dhammaystiro dib u xoreynta dalka iyo sugidda amniga.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyay ciidamada dadaalkooda iyo geesinimadooda, waxa uuna adkeeyay in guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu ku yimid isku-duubnida iyo naf-hurnimada ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo dhammaantood ku dhiirrigeliyay ciidamada in ay sii wadaan hawlahooda qaranimo iyo difaaca dalka.
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO TABABAR U SOO XIRAY SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDANKA XOOGGA DALKA. was last modified: October 9th, 2024 by Warsan Radio

Weer loo adeegsaday gantaalo ayaa lagu qaaday xarumaha Gaaska ee Israa’iil ee ku yaalla xeebta Mediterranean-ka, halkaa oo ay maamusho shirkadda Mareykanka ah ee Chevron, kaddib iskudayo weerar oo lala beegsaday ceelasha gaas ee ku yaalla Mediterranean-ka, waxaa la joojiyay dhammaan shaqadii halkaa ka socotay illaa laga gaarayo April,2025, sababo la xiriira weerarrada ay ceelashan la kulmayaan iyo xiisadda dagaal, sida laga soo xigtay wargeyska Israa’iil ee Walla.
Weerarkan ayaa saameyn ku yeelanaya dhaqaalaha Israa’iil, sidoo kale tani waxay daah qaadaysaa inay dhacaan weerarro lagu curyaaminayo dhaqaalaha Israa’iil oo maamulka Tel Aviv uu qarinayo.
Ceelasha shidaalka Israa’iil ee ku yaalla Mediterraneanka oo la wareeray was last modified: October 9th, 2024 by Warsan Radio

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Marwo Marina Walter, oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Goboleedka ee Dalalka Carabta ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), iyo wafdi ay hoggaaminaysay.
Kulankan, labada dhinac waxay diiradda saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isuduwidda wadajirka ah ee u dhexeeya UNDP iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa uga mahad celiyay Marwo Walter doorka muhiimka ah ee UNDP ay ka qaadato horumarinta Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada shaqeynta dhinacyada kala duwan.
Intii lagu jiray kulanka, waxaa si gaar ah loogu falanqeeyay arrimo badan oo dan guud ah, iyadoo lagu nuuxnuuxsaday muhiimadda isuduwidda dadaallada horumarineed si looga faa’iidaysto khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, sida beeraha iyo kalluumeysiga. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay caqabadaha jira iyo hababka ugu habboon ee looga gudbi karo si loo gaaro yoolalka horumarineed ee dalka.
Kulankan wuxuu qayb ka yahay dadaalka sii socda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah si kor loogu qaado horumar waara oo Soomaaliya ay ka gaarto dhinacyada horumarka iyo iskaashiga caalamiga ah.
Wasiir Fiqi oo la kulmay Wafdi ka socda UNDP was last modified: October 9th, 2024 by Warsan Radio

Safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland ahna wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Geneva Ambassador Khadra Ducaale ayaa halkaas kulan kula qaadatay dhiggeeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Ambassador Abdulmohsen M.Binkhothaila.
Ambassador Khadra Ducaale iyo dhiggeeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka hadlay adkeynta xiriirka qotoda dheer ee walaalnimo ee labada dal, iyagoo sidoo kale soo hadal qaaday xaaladda gobolka iyo hanaanka ugu wanaagsan adkeynta xiriirka iyo in si dhow uwada shaqeeyaan labada xafiis.
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Switzerland ahna wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Geneva Ambassador Khadra Ducaale ayaa sidoo kale kulan la qaatay Safiirka Kuwait ee halkaasi Ambassador Nasser A. Al-Hayan kuwaas ka hadlay iskaashiga iyo horumarinta xiriirka labada dal.
Maxay ka wada hadleen Dawladaha Soomaaliya iyo Switzerland ? was last modified: October 9th, 2024 by Warsan Radio

Wararka ayaa sheegaya in qodobka ugu weyn ee khilaafka keenay uu ahaa qaabka doorashada. Axmed Madoobe ayaa kasoo horjeestay in la qabto doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka dhacda, taas beddelkeedana wuxuu ku dooday inuu dalka u baahan yahay doorasho dadban, maadaama uusan waqtigan diyaar u ahayn in laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah. Xogaha ayaa tilmaamaya in Axmed Madoobe uu ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta isku dayga in la qabto doorasho aan waafaqsaneyn xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee dalka.
Dhanka kale, Villa Soomaaliya ayaa la sheegay inay miiska keentay qorshe ah in la qabto doorasho qof iyo cod ah, taasoo ay wehliso muddo kororsi oo dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada loogu daro xilli dheer ah si ay u maareeyaan hannaanka doorashooyinka. Si kastaba ha ahaatee, Axmed Madoobe ayaa gabi ahaanba ka hor yimid qorshahaasi, isaga oo ku tilmaamay mid aan sharciyad lahayn oo dhaawici kara wadajirka dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka.
Shirkii Wadatashiga Qaran ayaa horay waxaa uga maqnaa maamulka Puntland, iyadoo madaxweyne Deni uu ka gaabsaday inuu ka qeybgalo shirkan sababo la xiriira khilaafaad hore oo dhexyaallay isaga iyo Villa Soomaaliya. Hadda, Axmed Madoobe ayaa isna ka baxay shirka, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo in iskaashiga siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada uu sii xumaado.
Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhankooda si cad uga horyimid muddo kororsi la sheegay inay qorsheyneyso Villa Soomaaliya, iyagoo taageeray mowqifka Axmed Madoobe. Madaxdan mucaaradka ah ayaa ku tilmaamay muddo kororsiga mid dhaawacaya nidaamka dimuqraadiyadda iyo wadajirka qaranka, waxayna ku baaqeen in dowlad-goboleedyada kale ay la safaan Axmed Madoobe oo ay kasoo horjeestaan qorshayaal kasta oo sharci-darro ah.
Isku dayada siyaasadeed ee ku hareereysan arrinta doorashooyinka ayaa hadda u muuqda kuwo mar kale keeni kara jahwareer siyaasadeed, iyadoo aan la shaacin goorta ay madaxdu dib isugu soo laaban doonaan si ay uga hadlaan qodobada harsan. Wada-hadallada mustaqbalka ayaa ku xirnaan doona sida xal waara looga gaari karo khilaafaadka hadda jira iyo sidii looga fogaado in dalka uu dib ugu noqdo xaalad fowdo ah oo saameyn ku leh geeddi-socodka doorashooyinka.
Axmed Madoobe oo kismaayo dib ugu laabtay kadib fashilka Shirkii Muqdisho was last modified: October 7th, 2024 by Warsan Radio
MW Shariif Sh. Axmed, Xasan Cali Khayre iyo CC w oo taageeray go’aanka Axmed Madoobe
written by Warsan Radio

Xubnahan mucaaradka ah ayaa sidoo kale si weyn u bogaadiyey tallaabada uu qaaday madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kaas oo diiday muddo kororsi ay Villa Soomaaliya miiska soo saartay, isla markaana si cad uga soo horjeestay qorshayaashaas. Axmed Madoobe ayaa go’aansaday inuu isaga baxo shirkii Wadatashiga Qaran ee ka socday Muqdisho, wuxuuna dib ugu laabtay Kismaayo, isagoo muujinaya mowqif adag oo ka dhan ah muddo kororsiga.
Sidoo kale, madaxda mucaaradka ayaa ugu baaqay madaxda kale ee dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland, inay la safan yihiin Axmed Madoobe oo ay si isku mid ah uga hortagaan muddo kororsi kasta oo lagu dadaalayo in la meelmariyo. Madaxweyne Deni oo ka maqnaa shirkii Wadatashiga Qaran ayaa horay u diiday inuu ka qeyb galo, isaga oo aan kalsooni ku qabin qaabka wadahadallada loo wajahayo.
Khilaafkaan ayaa sii xoogeystay kadib markii shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uu fashil kusoo dhammaaday, waxaana warar soo baxaya ay muujinayaan in sababta ugu weyn ee fashilka uu ahaa diidmada Axmed Madoobe oo si cad uga hor yimid ajandayaasha Villa Soomaaliya. Fashilka shirkan ayaa cirka ku sii shareeray kala qeybsanaanta siyaasadeed ee dalka, iyada oo la filayo in xaaladdan ay saamayn ku yeelato hanaanka doorashooyinka soo socda.
Mucaaradka ayaa ugu dambeyn sheegay in aysan marnaba oggolaan doonin in la sameeyo muddo kororsi aan sharci ahayn, iyagoo ku adkeysanaya in xalinta khilaafaadka dalka ay ku xirnaan doonto in laga fogaado talaabooyin dhaawacaya nidaamka dimuqraadiyadda iyo sharciyadda doorashooyinka. Wada shaqeynta dhexmarta dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa hadda u muuqata mid sii xumaaneysa, taas oo abuuri karta jahwareer siyaasadeed oo weyn oo saameyn ku yeelan kara xasiloonida dalka.
MW Shariif Sh. Axmed, Xasan Cali Khayre iyo CC w oo taageeray go’aanka Axmed Madoobe was last modified: October 7th, 2024 by Warsan Radio
Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa galabta ka qeyb galay daawashada kulan aad u xiiso badan oo Garoonka Kubadda Cagta ee Eng.
written by Warsan Radio

Kulankaan oo ahaa mid aad u xiiso badan isla markaana qeyb ka ahaa Wareega sideed dhamaadka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waqtigii loogu tala galay waxa uu kusoo idlaaday 0-0, balse Gool ku laad (Rigoore) labada dhinac loo dhigay ayaa cayaarta ka dhigtay mid ay guusha ku raacday Xulka Kubadda Cagta Degmada Kaaraan.
Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa galabta ka qeyb galay daawashada kulan aad u xiiso badan oo Garoonka Kubadda Cagta ee Eng. was last modified: October 5th, 2024 by Warsan Radio










