
Weer loo adeegsaday gantaalo ayaa lagu qaaday xarumaha Gaaska ee Israaโiil ee ku yaalla xeebta Mediterranean-ka, halkaa oo ay maamusho shirkadda Mareykanka ah ee Chevron, kaddib iskudayo weerar oo lala beegsaday ceelasha gaas ee ku yaalla Mediterranean-ka, waxaa la joojiyay dhammaan shaqadii halkaa ka socotay illaa laga gaarayo April,2025, sababo la xiriira weerarrada ay ceelashan la kulmayaan iyo xiisadda dagaal, sida laga soo xigtay wargeyska Israaโiil ee Walla.
Weerarkan ayaa saameyn ku yeelanaya dhaqaalaha Israaโiil, sidoo kale tani waxay daah qaadaysaa inay dhacaan weerarro lagu curyaaminayo dhaqaalaha Israaโiil oo maamulka Tel Aviv uu qarinayo.