“Xilibaan Mohamed Macalimu” Dadku way bixinayaan canshuurta haddii ay dawladdu muujiso caddaalad iyo kalsooni ay ku maareynayso canshuuraha.
WARARKA MAANTA

Qeybta 2aad :- Dooddan kaga boggo wayddiimaha la xidhiidha canshuurta cusub ee boqolkiiba shanta ah (5%) ee ay dhawaan ku dhawaaqday dawladda Soomaaliya Bilan Media & Dalsan TV & Warsan Tv
Safiirka Soomaaliya ee Masar oo kulan la yeeshay Safiirrada Turkiga iyo Sucuudiga u fadhiya dalkaas

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare, ayaa booqasho ugu tagay Safiirka Dalka Turkiga u fadhiya Dalka Jamhuuriyadda Carabta Masar Danjire Salih Mutllu SEN.
Labada Danjire ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Dal,sidoo kale Danjire Salih Mutlu ayaa hambalyeeyey Danjire Awaare.
Dhinaca kale danjire Awaare, ayaa ku soo dhaweeyay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Masar Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Jaamacadda Carabta Danjire Cabdulcasiis Almadar oo booqasho sharafeed ugu yimid Safiirka.
Labada Danjire ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Dal ee soojireenka ah .Sidoo kale labada Danjire waxay isla soo qaadeen arrimaha kor u qaadista wada shaqaynta Carbeed .
Wasiirka Cayaaraha XFS oo ka qeygalay Shirka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada ee Jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Bare Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyay meertada 47aad ee wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Ururka Jaamacadda Carabta.
Shirkaan oo ah mid ay isugu yimaadeen Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha, dhallinyarada iyo hey’adaha caalamiga ah ee dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta, ayaa lagu daah-furaayay Istaraatiijiyadda Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga ee UNSCR2250.
Wasiirka, ayaa hadaljeedintiisa kaga warbixiyay sida ay dowladda Soomaaliya mas’uuliyad isaga saartay sidii ay dhallinyarada Soomaaliyeed door muhiim ugu yeelan lahaayeen howlaha nabad-dhiska dalka, isagoo tusaalo usoo qaatay sida ay Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed muhiimad buuxda u siineyso barnaamijkaan.
Wasiirka ayaa ugu dambeyntii ka waramay sida ay Soomaaliya u fulineyso qaraarkaan caalamiga ah maadaama ay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya ay bilaawday hannaanka dhaqangelinta qaraarkaan caalamiga ah.
Wasiirka Gashaandhigga “Cadowgeena gudaha iyo dibadaba waa inaan u diyaar garownaa”.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac),ayaa tagay Xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo tababaro uga socday Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka oo khudbad dhiirrigelin ah u jeediyay ciidamada, ayaa xasuusiyay waajibaadka ka saaran inay dalka ka difaacaan khataraha wax u dhimaya amniga, wuxuuna yiri “Cadowgeena gudaha ah iyo kan dibadda intaba waa inaan u diyaar garownaa.”
Wasiir Jaamac waxa uu sidoo kale taabtay damaca Itoobiya ee badda, isagoo sheegay in uu ku yimid dareen ah in aysan jirin ciidan Soomaaliyeed oo ka hortagi kara, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan aqbali doonin ku xadgudubka madaxbanaanida dalka.
Wasiirka, ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka kaalinta weyn ay ka qaadatay dhismaha ciidanka oo muhiimad gaar ah u leh dalka iyo kaalmada kale ee ay siiso dowladda.
Golaha Wasiirrada oo Meelmariyeen Heshiis Iskaashi Dhaqaala ah oo dhaxmara Dowladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee magacaabista Maareeye ku-xigeenka Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, kaas oo uu noqonayo Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed.
Shirka oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu meelmariyey Heshiis ku saabsan iskaashiga Dhaqaalaha iyo horumarinta oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.
Shirka Golaha Wasiirrada, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, habka bixinta ruqsadda gaari wadista iyo dhaqan gelinta canshuurta gadista, taas oo uu dhawaan goluhu ka soo saaray qaraar lagu dhaqan gelinayo.

Qeybta 1aad :- Dooddan kaga boggo wayddiimaha la xidhiidha canshuurta cusub ee boqolkiiba shanta ah (5%) ee ay dhawaan ku dhawaaqday dawladda Soomaaliya Bilan Media & Dalsan TV & Warsan Tv
Wasaaradda Waxbarashada oo Shaacisay Natiijada Imtixaanka Fasalka 12-aad ee 2024

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha, iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2023-2024. Imtixaanka ayaa sanadkan waxaa u fariistay 36,034 arday oo ka kala yimid gobollada dalka, kuwaas oo si wadajir ah uga qaybgalay tijaabada lagu qiimeynayo heerka aqoontooda dugsiga sare.
Sida ay Wasaaraddu sheegtay, 33,668 ka mid ah ardayda imtixaanka gashay ayaa ku guuleystay inay baasaan, halka 2,366 ardayna ay ku dhaceen imtixaanka. Guud ahaan, natiijada ayaa muujinaysa in ay kor u kacday tayada waxbarashada, maadaama ay tiro badan oo arday ah u suurtagashay inay ka gudbaan imtixaanka iyagoo helay darajooyin wanaagsan.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa sidoo kale hambalyo gaar ah u dirtay Zakariye Xuseen Maxamed Cismaan, oo ka soo baxay Gobolka Banaadir, gaar ahaan Dugsiga Al-Marwazi ee degmada Deyniile, kaasoo galay kaalinta koowaad ee imtixaanka. Zakariye ayaa helay darajada 89%, taas oo ka dhigtay midka ugu sarreeya dhammaan ardaydii imtixaanka u fariisatay sanadkan.
“Hambalyo, kaalinta 1’aad waxaa galay Zakariye Xuseen Maxamed Cismaan oo ka socday Gobolka Banaadir, Dugsiga Al-Marwazi Deyniile, waxa uuna helay darajo ah 89%,” ayaa lagu yiri qoraalka rasmiga ah ee ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada.
Wasaaradda ayaa u rajeysay dhammaan ardayda guuleysatay mustaqbal ifaya iyo guulaha waxbarasho ee heerka xiga, iyagoo ugu baaqay in ay sii wadaan dadaalkooda iyo kartida ay ku gaareen natiijadan sare. Waxaa sidoo kale loo dardaarmay ardayda aan ku guuleysan imtixaanka in aysan niyad jabin, balse ay sii dadaalaan si ay u gaaraan guulaha ay higsanayaan.
Natiijada sanadkan ayaa la filayaa in ay horseedo dhiirigelin dheeraad ah oo ku saabsan horumarinta waxbarashada iyo kor u qaadista tayada ardayda Soomaaliyeed, taasoo ah arrin mudnaan gaar ah leh oo ay dowladda iyo waalidiinta Soomaaliyeedba ka wada shaqeynayaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay si ku meel gaar ah u hakisay howlgalkii gargaar ee ay ka waday marinka Qaza sababo la xiriira amarro ay ciidamada Israa’iil ku amraan dadku in ay isaga baxaan bartamaha dhulka Falastiin.
Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa u sheegay saxafiyiinta in shaqaalahooda bini’aadantinimo aysan awoodin in ay shaqeeyaan isniintii sababo dhinaca amaanka ah.
Awaamiirta ah dadku in ay isaga baxaan dhulka ayaa daboolaya qaybo ka mid ah aagga bini’aadantinimo ee ay Israa’iil u magacawday gudaha iyo hareeraha bartamaha magaalada Deir al-Balah – halkaas oo Qaramada Midoobay ay ku leedahay xarunteeda ugu weyn – taasina waxay qasabtay in shaqaalaha hay’addu aag beddelasho sameeyaan iyaga oo isaga tagay qalabkooda.
Si kastaba ha ahaatee, sarkaalka ayaa ku nuux-nuuxsaday in hay’adaha Qaramada Midoobay aysan ka bixi doonin Gaza oo ay hadda isku dayayaan inay helaan meel ay si ammaan ah uga shaqeeyaan.

Ruushka ayaa Isniintii garaacay inta badan magaalooyinka Ukraine, isaga oo weerarkaasi cirka ahaa u adeegsaday tiro badan oo gantaallo ah iyo diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee bambooyinka tuura.
Weerarkaasi oo uu madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ku tilmaamay mid ‘wuxushnimo ah’ ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof, halka ay dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.
Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay in wax ka badan 100 gantaal iyo tiro badan oo diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee Ruushka ay gantaallo ka soo rideen dhinacyada bari, waqooyiga, koofurta iyo gobollada dhexe.
Waxay kaloo sheegeen in weerarka uu bilowday saqdii dhexe ee xalay isla markaana ay sii socdeen ilaa waaberigii. Waxana weerarkaasi lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee uu Ruushka ku qaado Ukraine muddo todobaadyo ah.









