
Hoos ka Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan, Tabiye Sadam Hilal.

Iran ayaa xilli dambe oo Sabtidii ah, waxay weerar aargudasho ah ku qaaday gudaha Israa’iil, hase ahaatee ciidamada milateriga ee Israa’iil ayaa sheegay inay soo rideen qaybo badan oo ka mida gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Iran u adeegsatay weerarkan, ka hor intii aanay soo gaadhin hawada Israa’iil, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in Iran ay ku soo weerartay in ka badan 100 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn oo xambaarsanaa bambooyin kala duwan. Saacado ka dib, haddana waxaa Iran ay markale ku dhawaaqday inay dhinaca Israa’iil ku ridday gantaallo waaweyn oo khasaare badan geysan kara.
Qaar ka mida gantaallada Iran ayaa ku dhacay gudaha Israa’iil, illaa haddana xog badan lagama hayo khasaaraha uu geystay weerarkani.
Iran ayaa hore u sheegtay inay qaadi doonto weerar aargudasho ah, ka dib weerarkii bishan April 1-deedii lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay Dimishiq, halkaas oo lagu dilay 12 qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo sarsare oo ka tirsan ciidamada Iran.
Hawlgalka diblomaasiyadeed ee Iran u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa bartooda X ku sheegay, iyaga oo adeegsanaya qodobka 51aad ee axdiga Qaramada Midoobay, inay Iran qaadday tallaabo jawaab u ah, falkii gardarrada ahaa ee ay Israa’iil ka geysatay dhismahooda diblomaasiyadeed ee ku yaalla Dimishiq.
Iran ayaa intaas ku dartay “Israa’iil ma ka baaqsan doontaa inay khalad kale samayso, jawaabta Iraan waxay noqon doontaa mid aad uga daran tan iminka. Haatan waxaa xiisaddu u dhexeysa Iran iyo maamulka Israa’iil, oo ay tahay in Maraykanku uu ka fogaado.”
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa soo gaabiyey fasax uu ku joogay gobolka uu ka soo jeedo ee Delaware, isaga oo dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, lana kulmay saraakiisha amniga u qaabilsan.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la xakameeyo colaadda ka taagan bariga dhexe. Wuxuu cambaareeyey xaaladda ka sii daraysa ee bariga dhexe gaar ahaan weerarka ugu dambeeyey.

Ergayga joogtada ee Dowladda Malta u joogta Xarunta Dhexe ee QM ee magaaladda New York, Vanessa Frazier ayaa ku dhawaaqday inay xubnaha Golahaasi ay Kulan Khaas ah isugu imaan doonaan 8-da Fiidnimo ee Caawa oo Axad ah.
Vanessa Frazier oo haysa Xilka Wareega ee Madaxa bishan ee Guddoonka Golaha Ammaanka ee QM ayaa sheegtay inay Ergada Israel u joogta Xarunta Dhexe ee QM dalbadeen Kulankaasi, kadib, Weerarkii Darooniska iyo Gantaalada Iran ee ay xalay ku qaadeen gudaha Israel.
Kulanka xalay ee xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Ergada Dibloomaasiyiinta Iran u jooga Xarunta QM ee magaalladda New York xalay shaaciyeen in Weerarkaasi uu ahaa Xaqa Is-Difaaca, sida ku cad Qoddobka 51-aad ee Cahdiga Guud ee QM.
Dhinaca kale Telefishinka Israel ee Channel 12 iyo Barta Telefishinka News Arabic ee X ayaa lagu sheegay inay Diyaaradaha Dagaalka ee Maraykanka iyo UK ay dhowr Diyaaradaha Darooniska Iran ku soo rideen Deegaanada Xuduudka ee dalalka Syria iyo Iraq.
Telefishinka CNN ayaa baahiyey in Nidaamyada Difaaca Cirka Maraykanka u yaalla Mandiqada Bariga Dhexe ay soo rideen qaar ka mid ah Diyaaradaha Darooniska Iran ee ku wajahnaa gudaha Israel.

Xafiiska Dacwad-Oogaha Guud ee dalkaasi Suudaan ayaa waxa uu shalay oo Arbaco ahayd soo saaray Amar lagu soo xirayo Ra’isul-wasaare hore Cabdalla Xamduuk Al-Kinani iyo Tobaneeyo qof oo ka tirsan Isbahaysiga Takhadum ee Xoogaga Dimuqraadiyada Rayidka ee uu RW Xamduuk hoggaamiyo.
Bayaan xalay laga baahiyey Telefishinka Qaranka ee Sudan ayaa lagu shaaciyey in Cabdalla Xamduuk iyo 17 kale oo ay ku jiraan Siyaasiyiin iyo Suxufiyiin dibedda ku nool, kuwaasi oo lagu eedeynayo Carqaladeynta Dastuurka Sudan (Violating the Constitution) iyo Hurinta Dagaal ka dhan ah Dowladda Sudan (inciting war against the state).
Eedeymaha lagu soo oogay waxay ku muteysan karaan ilaa Xukun Dil ah, sida uu baahiyey Telefishinka Qaranka Sudan.
RW hore ee dalkaasi, Cabdalla Xamduuk oo 68 jir ah waxa uu soo noqday Ra’isul-wasaarihii 15-aad ee Sudan muddadii u dhexeysay sanadkii 2019-kii ilaa October ee sanadkii 2021-kii.
Waxaana mar kale Xilkaasi loo soo doortay bishii November ee sanadkii 2022-kii ilaa bishii January 2-dii ee sanadkii 2022-kii, waxa iska casilay xilkaasi isla bishii January ee 2022-kii, wuxuuna u baxsaday Caasimada dalka Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah ku dhawaaqday inay dalka ka ceyrisay Safiirkii dowladda Itoobiya u fadhiyay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Go’aamo kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada ee Maanta ee uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa dalka looga ceyriyay safiirkii dowladda Itoobiya ee Mukhtaar Maxamed Waare.
Qaraarka ceyrinta safiirkii Itoobiya Mukhtaar Waare ee golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in la amray xiritaanka qunsuliyadaha Itoobiya ay ku leedahay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa.
Arrintan ayaa imaneysa iyadoo uu hore u taagnaa khilaafka heshiiskii ay dowladda Itoobiya la gashay Somaliland, isla markaana ay shalay Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya shaacisay heshiis ay la gashay maamulka Puntland.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan ,Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad.
Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.
Mahad Salaad ayaa xilkan iska casilay, wuxuuna u hanqal taagayaa hoggaanka sare ee Galmudug, isaga oo ka qayb-geli doono doorashada soo socodta ee Galmudug.
Mahad Salaad ayaa xilkan loo magacaabay 26-kii May ee 2022-kii, kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna kahor ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Tartan aqoneedka ramadan oo galay wareegi 3aad habeenkiisa 4 ahna habeenkii 24aad tartanka waxaa loo qabanayaa 10ka xaafadood ee magaalada Baydhabo waxaana taaba gelinaysa Amal Bank .
Tartanka waxaa la bilaabay 1dii bishan ramadaan,wuxuuna soo gaaray wareegii 3aad wareegan waa wareeg knock out ah oo xaafadii laga badiyo way iskaga haraysaa guud ahaan tartanka .Xalay waxay ahayd wareegii 3aad habeenkiisa 4 aad ee tartanka waxaana la ciyaarey 2 kulan ooo kal ah xaafadaha H.wadaag B iyo Waabari B oo kulanka 1aad ah iyo sidoo kale bardaal B iyo horseed A oo kulanka 2aad ah
tartankii 1aad ee u dhaxeeyey xafadaha kala ah waabari B iyo holwadaag B oo la su’aaley min 7 su’aal.
Waabare waxey heshey 6 dhibcood halka ay holwadaag ay hesshey 10 dhibcood.
waxaana ay guusha raacdey Holwadaag B oo u soo gudubtey Afar dhamaadka tartanka.
sido kale waxa tartanka xaley ku tartamey bardaale B iyo horseed A .labada xaafadood waxey soo bandhigeen tartan xamaasad iyo xiiso lahaa oo ay isla gareen ilaa baro baro .su’aalo dheere ah ayaa lagu soo daray.
Gabagabadii Xaafada Bardaale B ayaa soo gudubtey waxaana ay heshay 19 dhibcood halka ay Horseed heshey 16 dhibcood .
Wareegii 3 aad kulankisa 4 aad ee tartan aqoonedka bisha ramadaan ee warbaahinta warsan waxaa ku soo guulayatay una soo gudbay labada xaafadood ee kala ah Bardaali B iyo H.wadaag B
Sidoo kale xaafadaha kala ah horseed A iyo waabari B waxay iskaga harten guud ahaan tartan aqoonedka ka socda warbaahinta warsan.
Caawa haduu aalle idmo waxaa tartanka ku balansan sadex xaafdaood oo kala ah Daarusalaam A vs Holwadaag A vs Towfiiq A.

Dhulgariir xooggan ayaa ku dhuftay xeebta koofureed ee Taiwan, iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof.
Dhulgariirkan oo cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa sababay in dhismooyin badan ay ku burburaan Hualien, oo ah magaalada ugu dhow ee xuddunta u ah, halkaasoo dadaallada samatabixintu ay ka socdaan
Dhulgariirkan oo ah kii ugu xoogganaa ee jasiiraddan ku dhuftay muddo 25 sano ah ayaa laga dareemay dhulka buuralleyda ah.
Magaalada caasimadda ah ee Taipei, ayaa sawirrada iyo muuqaallada waxay muujinayaan dhismooyin ruxmaya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo Sida ay faafisay warbaahinta dowladda Soomaaliya.
Sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Dowladda Madaxweynaha oo casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Dalka Sucuudiga Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jidda.
Ajandaha booqashada Xasan Sheekh ku tagay Sacuudiga waxaa ka mid ah wadaxaajood muhiim ah oo mas’uuliyiinta Sacuudiga kala yeelan doono arrimo ku qotoma danaha labada dal, gaar ahaan amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.
Soomaaliya iyo Sucuudiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda Boqortooyada, xilliyaddii adkaa.
Sacuudiga iyo xulufadiisa Carbeed oo ay ku jiraan Imaaraatka iyo Masar ayaa il gaara ku haya xiriirka sii koraya ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Ankara, iyaga oo u arka in Turkigu lugaha ku soo fidsatay sabad Carbeed.