Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Baay iyo kan Degmada Baydhaba ayaa waxaa ay Maanta Xilka kala wareegeen Gudoomiye-yaashii hore.
Munaasabada xil Wareejinta ah ayaa ka dhacday Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay,waxaana ka qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Seddaxda Gobol iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Gudoomiyahii hore ee Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa waxaa uu Gudoomiyaha Cusub ee maanta Xilka la wareegay kulla Dardaarmay in uu meesha uu hadda taagan yahay kasii wado.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhawaan Xilka ka qaaday Gudoomiye-yaasha Gobolka Baay iyo kan Degmada Baydhaba, Asigoo magacaabay Gudoomiye-yaal cusub oo uu Jaabkiisa kala soo baxay.