Wararka aan ka heleyno degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa ku soo warramaya in gaari yar oo nuuciisu yahay SUZUKI ay Al Shabaab ku soo weerareen degmadaasi Baladxaawo.
Al Shabaab ayaa marka hore Tacshiirad huwiyay Kontaroolka laga soo galo degmada Baladxaawo Ciidamo ku sugnaa, kadib ay rasaas kala duwan huwiyeen meelo ay ka mid yihiin Maqaaxi, Saldhiga Booliska Baladxaawo iyo Isbitaalka Magaaladaasi.
Sida ilo Goob Joogayaal ah ay xaqiijiyeen khasaaraha guud ahaan ee ka dhashay weerarkaas ayaa gaareysa dhimashada 6 ruux iyo dhaawaca 12 qof.
Dadka dhintay 3 ka mid ah ayaa ahaa Askarta dowladda Federaalka Soomaaliya halka kuwa kale ay yihiin dad shacab ahaa oo ku sugnaa meelaha la rasaaseeyay.
Gaariga loo adeegsaday weerarka ee Rasaasta ay ka soo ridayeen Al Shabaab ayaa la sheegay in uu ahaa gaari dhawaan ay ka afduubteen Gobolka Gedo oo qaad siday.
Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga markii uu falkaas fuliyay kadib isagoo baxsad ah uu ku rogmaday duleedka degmada Baladxaawo walow aan la soo warin hadii khasaaro uu ka dhashay.