Waxaa saakay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaaradihii qaadka ka keeni jiray dalka Kenya ka dib muddo ay hakad ku jireen.
Wararka naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegaya in saakay garoonka ay soo caga dhigteen dhowr diyaaradood oo qaad kasoo qaaday dalka Kenya.
Dowladaha Kenya iyo sidoo kale Soomaaliya ayaa shalay kala saxiixday heshiisyo ay ka mid yihiin in qaadkii ka imaan jiray Kenya ay fasaxdo dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa 10 maalmood ka hor joojisay qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya ka dib muran soo gala dhex galay dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya.