Ruushka ayaa waxa uu codka diidmada qayaxan ee Veto ku diiday qaraarka Qaramada Midoobeey ee lagu dalbanayo in la joojiyo duqeynta magaalada Go’doonsan ee Xalab.
Go’aanka Ruushka ayaa daba socda qabyo qoraal uu Faransiiska u gudbiyay Golaha amniga.
Qabya qoraalka ayaa waxa uu dhigayaa in si degdeg ah loo joojiyo duqeynta, sidoo kale Xalab laga dhigo meel aysan diyaaradaha Militariga ku duuli karin.
Xubnaha joogtada ee Golaha Amniga, 11 kamid ah waxay taageereen go’aanka. Shiinaha iyo dalkale ayaa ka aamusay.
Waa markii shanaad oo Ruushka uu diido qaraar Golaha Amniga uu ku doonayo in lagu xalliyo colaadda shanta sano qaadatay ee Suuriya.