wafdigaan gaarey degmada xudur ee gobolka bakool waxaa hogaaminaayey wasiirka wasaarada cadaalada iyo garsoorka maamulka kgs sheekh xasan ibraahim lugbuur waxaana soo dhaweeyey maamulka gobolka bakool iyo kan degmada xudur ujeedka safarkooda ayuu ku sheegey wasiir lugbuur inuu yahay sidii xudur ay uga hirgalin lahaayeen xarun wasaarada cadaalada iyo garsoorka loogu tala galey iney ka shaqeyso gobolka bakool gaar ahaana magaala madaxda xudur .
dhawaan ayaan xaruntaasi meesha ka hirgaliney balse waqtigaan waxaan u tagney sidii loo qalabeyn lahaa xarunta cusub ee wasaarada cadaalada iyo garsoorka iyo imtixaano aan ka qaadeyno shaqaalaha ka shaqeyn doono xaruntaan ayuu yiri wasiirka cadaalada iyo garsoorka maamulka kgs sheekh xasan ibraahim lugbuur .