Dowladda Soomaaliya ayaa ah mid garabtagan dhamaan umada ay masuulka ka tahay ma ahan markii ugu horeysay ay ka jawaabtay dhibatooyinka ay kamid yihiin Abaaraha duufaanada
Waxaa jiray duufaano dhawaan ku dhufatay qeybo ka mid ah Somaaliand oo galaaftay nolol iyo hantiba sidaas darteed ayaa dowladda soomaaliya waxaa ay ugu deeqday $1 malyan dollar oo qeyb ka ah gurmadka loo fidinayo dadka ay duufaantu saameysay.
Gudiga Qaran ee gurmadka oo uu shir gudoominayay raiisal wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in dowladda ay dadaal badan ku bixisay sidii loo caawin lahaa muwaadiniinta ay saameeyeen fatahaadaha iyo roobabka dabaylaha watay ee ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dalka.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay lacag hal milyan oo dollor ah u qoondaysay gobollada Awdal iyo Woqooyi galbeed oo ka mid ah meelaha roobabka dabaylaha wata ay ku dhufteen.
Roobabkan iyo dableylaha is wata ayaa saameyn ku yeeshay dad iyo duunyo marka la eego qeybo badan oo ka mid ah deegaannada Soomaliland iyo Puntland.