Baydhabo Somaliya{WMN}- Shaati oo ah gudoomiyaha ururka Dhalinyarada Gobolka Baay iyo Xaawo Sokor Cali oo ah gudoomiyaha haweenka Degmada Baydhabo mar ay ka hadleen kulanka ka hadleen waxaa ay sheegeen in ay masiirka koofur galbeed ahayn mid loo yeerinayo cidda ay dooranayeen, go’aanka wax lagu dooranayo ay iyaga leeyihiin, iyagoo ugu baaqay Dowladda dhexe in ay joojiso gardarada iyo daandaansiga ay guracan ee kala gaynaya shacabka iyo Dowladdooda.
Gudoomiye ku xigeenka Degmada baydhabo ahna sii hayaha xilka gudoomiyha Degmada Baydhabo Cali Aadan Carab iyo Gudoomiyaha Gobolka Baay Cali Wardheere Dooyoow cabdiraxmaan oo iyagana ka hadlay kulanka ayaa si kulul waxaa ay ugu sheegeen madaxda Dowladda dhexe in aysan marnaba udaba fariisanaynin danaha Koofur galbeed iyo go’aan ka gaarista doorashada 17 ka November ka dhici doonto Koofur Galbeed.
Kulankan uu soo abaabulay Maamulka gobolka iyo degmada waxaa uu yimid xili maalintii shalay ahayd ay ciidamada booliska ay fashiliyeen isu soo bax dadwayne oo ka dhacayay magaalda kaasoo looga soo horjeeday gacan bidxaynta Dowladda ee doorashooyinka, waxaana intii laguguda jiray dibadbaxaasi saacida kooban xoriyadoodii laga qaaday wariyayaal ka howlagala magaalada Baydhabo, kuwaasoo xiligaasi ku sugnaa halka lagu abaabulayay iso soo baxa.