Kulankani ayaa ahaa mid ay isku arakayeen Odayaasha dhaqanka Xildhibaanada labada aqal ee federaalka Soomaaliya ku matalaya KGS, Odayaasha Golaha Malaayada Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha dhowaan la doortay KG Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.
Malaaq Deeroow Yacquub oo ah af-hayeenka Golaha Malaaqyada KGS oo kulanka ka hadlay ayaa ka sheekeeyay Odayaasha dhaqanka kaalintii ay ka soo qaateen dhismaha maamulka Koonfur Galbeed iyo dhibaatooyinkii ka gaaray, waxaana soo hadal qaaday odayaal badan oo naftooda ku waayay maamulka uu manta madaxweynaha labaad ka noqday Mudane Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.
Waxaa sidoo kale malaaqa u jeediyay in uu ku dadaalo dib u heshiisiinta iyo booga dhayidda bulshada Koonfur Galbeed ee hogaamiyaha uu u noqday, isagoo ku hogo tusaaleeyay madaxweynaha fadqalaladii ka dhacday Baydhabo doorashadiisa ka hor.
Xildhibaanda aqal sare iyo kan hoose Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu jira KGS oo iyagana mid mid uga hadlay kulanka ayaa intooda badan waxaa ay amaaneen Odayaasha iyo kaalinta ay kaga jiraan Dowladnimada iyo arimaha bulshada, waxaana ay odayaasha ka codsadeen in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee la doortay Cabdicasiis Lafta gareen oo ay ku sheegeen in uu yahay qof ay hubaan in uu ka talo qaadan doono odayaasha kaalintoodana ku tixgelin doono.
Madaxweynaha oo isna hadlay Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa dhankiisa u mahad celiyay Odayaasha iyo xildhibaanda madasha fadhiyay ee la qadeeyay, waxaana uu aad ugu dheeraaday Odayaasha Dhaqanka KGS doorkooda la qarim Karin ay ka cayaareen guud ahaan dhismihii Maamulka Koonfur Galbeed aasaaskiisii ilaa maanta. Waxaa uu ku soo celceliyay madaxweynaha soo dhaweeyntii iyo balanqaadkii Odayaasha ay u sameeyeen markii isa soo sharaxayay iyo doorashadiisa kadib.
Waxaa uu madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen u balan qaaday Odayaasha iyo Xildhibaanada in uu ku shaqayb doono si siman oo reer Koonfur Galbeed muwaadiniinteeda kala soocayn isla markaana uu sida uga dhaqsiyaha badan wax uga qaban doono boqol maalmood ee soo socda dhibaatooyinka ugu horeeya oo ay qabaan dadaka KGS oo ay ugu horayso amniga iyo caddaaladda.