Afartii Sano oo uu waziir ka ahaa dowlad goboleedka kgs Cabdullaahi Cabdi Cumar Fanax ayaa sheegey in wazaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlad goboleedkaKGS ay xil weyn iska saartey ku taba barista dhalinyarada xirfadaha kala duwan si ay u maareyaan noloshooda taasina waxey keentey in dhalinyaro badan ay noqdaan xirfadlayaal wax tara naftooda iyo tan ehelkooda.
Waxaa uu wasiirka hadalkiisa intaas ku daray in tababaradan ay qaateen dhalinyarada aysan suuroobi lahayn haddii aysan gacan ka siiniin hayโadda SOS oo uu wasiir Fanax ku tilmaamay hayโadda mid waqti, maskax iyo dadaal ku bixisay dhalinyaradan sidii ay u noqon lahaayeen kuwa ka baxa shaqa laโaanta iyo darbi fadhiga waqtiga ka dhuminaya, taas badalkeedana ay hayโadda ku taageertay ku tababarista xirfado ay ku shaqaystaan
Dufcaddan 3aad ee dhamaystay tababarkan ayaa qayb ka ah dufcado isdaba jog ah oo sanadkii tegay 2018 kii ay hayโadda SOS oo kaashanaysa wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha KGS iyo hayโad Jarmal ah oo ay maalgaliso dowlada Jarmalka. Kuwaasoo qaatay tababaro kala duwan oo u badnaa xirfadda gacanta.
Mudadii ay ku jireen ardadan tababarka waxaaย barteeen xirfado kala duwan, sidaDawaarka, Cilaan saarka, Darawalnada. Korontada,Computerka iyo xirfadda Xog-haynta xafiisyada iyo wajibaadka laga rabo.
Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Gaduudow) ย waa madaxa hayโadda S O S ee u fududeysey dhalinyaradan iney noqdaan kuwo isku filan iyagoo ajiibaya codsigii wazaarada dhalinyarada ee ahaa in ay hayโada ka shaqeysokor u qaadida xirfada si loo helo dhalinyaro leh xirfado ay ku shaqeystaan isla markaana loo yareeyo shaqa laโaanta baahsan
Dufcooyinkii kuwan ka horeeyey ee la barey xirfadahan way shaqeystaan waxey noqden kuwa ka baxay busaaradii way isku filnaadeen qaar koodna waxey ka sameeyeen hormar fhanka nolosha ah xirfadihii la barey iyadoo kuwa manta dhameystey tababarka lagula dar daarmey ineysan dayacin xirfadihii labarey oo aysan ka dhigin hal bacaad lagu lisey.