Baydhabo Somaliya {WMN}-Kolfadhigan 7aad ayaa waxaa ka soo qayb galay xildhibaanada KGS, Odayaasha dhaqanka, saraakill ka socotay AMISOM, UNSOM iyo siyaasiyiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda furitaanka kolfadhiga.
Odayaasha dhaqanka KGS oo munaasabadda ka hadlay ayaa ka codsaday mudanayaasha BKGS in ay siiyaan codka kalsoonida wasiirada uu dhowaan soo dhisay madaxweynaha, maadaama ay shalay codkooda kalsoonida siiyay si uu u hogaamiyo, iyagoo odayaasha dhaqanka dhankooda ay sheegeen in ay ka raali yihiin golaha xukuumadda uu madaxweynaha soo magacaabay,
Madaxweynaha iyo gudoonka Baarlamaanka oo iyagana hadlay ayaa ka sheegay madasha xafladda furitaanka fadhiga 7aad ee golaha wakiilada KGS, in ay mudanayaasha muujiyaan kalsooni iyo muwaadhinnimo ay ku samata bixin karaan bulshada KGS oo xiligan ku jiro marxalad adag oo isugu jira jiilaal iyo amni xumo, sidaasi darteed waxaa ay kula dardaarmeen xildhibaanada in ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyaan golaha xukuumadda arbacada la horkeeni doono.