Wasiirka Maaliyada Dowlad Goboleedka KGS Axmed Maxamed Xuseen oo Maalmahan Safar Shaqo ugu Maqnaa Caasimada Adis Ababa Ayaa Maanta Dib ugu Soo Laabtey Magaalada Baydhabo .
Wasiirka Ayaa inta uu Ku Sugnaa Dalka itoobiya Wuxuu Kulan Lasoo Qaatey Hay’adaha Deeq Bixiyaasha ee Daneeya Arimaha Soomaliya isagoo Kala Soo Hadley Suura Galinimada Sidii Xirfada Shaqaalaha Wasaarada Kor Loogu Qaadi Lahaa .
Sidoo Kale Wasiir Axmed Wasiirka Maaliyada KGS ayaa Ka Hadley Miisaaniyada KGS ee Sanadkan 2019 oo maanta Golaha Wasiirada Ay Ansixiyeen .
Wasaarada Maaliyada KGS Ayaa Noqoneysa Wasaaradii ugu Horeysey ee Miisaaniyad Horgeyso isla markaana Ay Ansixiyaan Golaha Wasiirada KGS iyadoo La filayo Maalmaha Soo Aadan in La Horgeyn Doono Xildhibaanada KGS Si Ay u Meel Mariyaan .