Baydhabo Somaliya-{WMN}-Doodda ayaa ku saabsanayd doorka dhalinyarada ay ku leeyihiin siyaasadda dalka. Waxaana ka qayb galay dhalinyaro u dhaqdhaqaaqda dhalinyarada kuwaasoo kala ah.
- Aadan Mayoow Cali
- Sahro Ibraahim Maxamed
- Yaasiin Aadan Ibraahim
Intii ay dooda socotay ayaa ka qeybgalayaasha doodad oo la weydiiyey dhowr su’aalood ayaa mid walba waxaa uu cabiriyey aragtidiisa su’aal walba oo la dhex dhigo iyadoo mararka qaar ay dooda kulaanaysay su’aalaha qaar oo qeybgalayaasha isku qabanayeen aragtidooda ayaa afkaarta mid walba uu muuluuca ka dhiibanayey iyagoo kooban waxaa ay ahaayeen sidatan.
Dr. Aadan Mayoow Cali, oo dooda bilaawgeedii lagu furay su’aalaha ayaa bilaawgii iyo ilaa iyo dhammaadkii waxaa uu ka yiri doodad. “Dhalinyarada waa kheeyraad muhiim u ah nolosha iyo sugnaanta bulsho kasta oo caalamka ku nool, haddana tiradooda iyo doorkooda ayaa ah mid aan isu dhigmin, sidaas oo ay tahay haddanna dhalinyarada awoodooda waa lagama maarmaan mar walba loo baahanyahay in laga faa’idaysto.” Sidaasoo kale waxaa uu Aadan Mayoow ku sii daray doodiisa isagoo ka jawaabayey su’aalo kale oo ay ka mid ahaayeen caqabadaha dhalinyarada ka hortaagan ka qeygalka siyaasadda iyo cidda ay gacan uga baahanyiin in ay ka mid noqdaan siyaasdda dalka.
“dhaqaalaha iyo waayo aragnimada waa laba qodob oo ku hor gudban dhalinyarada iyo ka qeybgalkooda siyaasadda sidaasi darteed waxaa uu Aadan Mayoow soo jeediyey in dhalinyarada isku duubmaan oo ay samaystaan hogaan mid ah oo ka taliya danaha dhalinyarada iyo horimarintooda”.
Yaasii iyo Sahro oo iyaguna dooda qeeyb ka haa waxaa ay sheegeen in ummad waliba dhalinyaradeeda sida ay u dadaalaan ay ku xirantahay horumarkooda iyo ka dhex muuqashada bulshadooda si dhalinyaradu u noqdaan kuwa ay u ahaato doonistooda dhinacyada siyaasadda iyo ka qayb qaadashada wax walba oo kor u qaadaya danaha bulshada ay u yihiin cudud iyo caqli lagu tiirsanyahay oo la’aantooda waxba hirgalaynin.
Doodan yaa ahayd tii shanaad oo looga hadlayo arimaha bulshada oo ka baxda idaacadda tan iyo bishii Octoobar oo qabashada doodahan ay bilaawday idaacadda Warsan, waxaana doodaha noocan oo kale waxtar u leeyihiin bulshada si loo kobciyo wacyiga iyo garaadka bulshada.