Baydhabo Soomaaliya-{WMN}-Salaadii casarkii markii la tukaday ayaa Culimo ka hadashay Masaajid Jaamaca Wey nee magaalada Baydhabo, waxaa ay ka digeen muuqal faafay oo maalamihii u danbeeyey dhex wareegayey bulshada oo ay sheegeen culimada in uu yahay fiirsahadiisa mid danbi ah isla markaana looga baahanyahay qofkasta oo muslim ah in uusan danbi ka soo gaarin daawashada muuqaalkaas.
Muuqaalka ayaa ahaa mid ay iska duubeen lamaane isu dhaxay xili ay isku galmoonayeen, waxaana culimada arinkaasi kuwii sameeyey sheegeen in ay ka danbi badan yihiin u dhacay iyo kuwa daawanaya, qeeybinaya, sidaasi darteed ayeey Bulshda ku dhaqan Baydhabo intiiba muuqaalkaas uu gaaray ka codsadeen culimada in ay tirtiraan inta ka horaysa Salaadda Casar ee beri. Waxayna culimada ay ka digeen qofkii hadalkooda uu gaaray ee haddana tirtiri waayo beri Salaadda Casar ka hor in ay habaari doonaan.
Culimada ka hadashay Masaajid Jaaamaca ayaa luuqadda ay ku hadleen waxaa ay ahay mid adag oo bulshada ay doonayaan in ay u hogaansamaan si loo horjoogsado muuqaalka baahaya ee mushtamaca Islaamka dhexdiisa ku haboonayn kaasoo mudan in si wada jir ah looga hortago, iyadoo la ajiibayo wanaaga ay Culimada dad farayaan si looga hortagayo fadeexada iyo ceebta sii bahaysa ee ka dhalatay Muuqal lagu duubay moobeel kadibna si fudud ugu gacan galay kuwa fadeexada iyo ceebata ka jilaabta ee bulshada Islaamka fasahaadinaya ee ah ceeb faafiyaal laga roonyahay.
Ma qaldame waa Illaaheey, mar haddaan nahay bani’aadam mar walba waxaa naga dhici kara gef iyo qalad, hayeeshee waxaa layaab leh sida qof Islaam ah ugu dhiiran karo in uu faafiyo ceebta walaalkiis halkii ku asturi lahaa ceebtiisa, ogoow qof walba waxaa saran mas’uuliyad xumaha uu kaga hortagayo wanaaggana uu ku faafinayo iyadoo ay haboon tahay in qof waliba uu hoosta ka xariiqo, in aan kuligeen nahay dhibinayaal tanoo kale nagu dhici karto maadaama Smarphonka uu yahay mid aan wada haysano kuwa ay ku dhacdayna la mid yihiin kuwa na dhalay, noo dhaxay, nala dhashay amaba waalid aan u nahay, marnaba aynaan ogolayn in ay faafto xumaantooda.
Waxaa mudan in aan dhoowrno dhaqankeena suuban ee Islaamka, kaasoo ah midka noo tilmaamamaya waxa fiican iyo waxa xun, sidaasi darteed waa in aan isa saarnaa xil maanta oo aan kuligeen bilaawnaa olole laga hortagayo khataraha nagu soo aadan ee ka soo socota isticmaalka Moobeelada loo yaqaano Smart Phone eel eh aaladaha wax duuba iyo aaladaha xiriirka bulshada ee loo yaqaano (Social media) ha, sida Whatsupka, Facebooga, Instagaraamka, Youtubka, Messengerka, Imooga iyo Veberka, kuwaasoo dhammaantood ah aalado si sahlan wax uga dusi karaan, hadhoowna dib loo soo bandhigi karo iyadoo lagugu ceebaynayo.
Digniin, Baaqa culimada ee ah in qof walba oo haya muuqaalkii baahay in la tirtiro, ee qofkii tirtiri waayo ilaa beri hadduu Allaha awooda leh Idmo Salaada Casir kadib Culimada ay habaari doonaan, ma’ahan war sahlan oo uu yiri qof caadi ah, waa hadal Culimadeena ka soo baxay oo ay kaga hortagayaan carro Alle oo nagu dhacdo, Haddaba walaalkeeyga Muslimka ahoow haddaad tahay qof Ahlu Toowxiid ah oo ayidsan Culimadeena Islaamka, Tir Muuqaalkaas hadda , ehel iyo qaraabo , asxaab iyo inta aad taqaano gaarsii warkan adigana masax iyagana hamasaxeene.