Dhibaatooyin caafimaad daro ayaa ka jira degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo iyo deegaannada hoos taga,dhibaatada ugu daran dadku ay cabanayaan ayaa ah,Shubanka,Malaariyada,nafaqo darida iyo oofwareenka.iyadoo xanuunadaasina llabadii maalmood ay u geeriyoodeen ilaa seddex caruur ah oo da,doodu ay kayar tahay iaal shan sanno,kuwaasi oo ka soo jeeday qoysaska degan xeryahay Barakacayasha buurdhuubo.
Dr xuseen Cali Cabdi oo ah Dhakhtar guud ee Isbitaalka degmada Buurdhhubo ayaa radio warsan u sheegay xaalada caafimaad ee dadka deegaanka in ay taagan tahay meel halis ah ,isagoo sheegayna labadii tiodobaad ee ugu dambeeyey cudurada shubanka,malaariyada iyo oof wareenka in uu soo ritey Boqolaal ruux oo u badan qoysaska Barakacayaasha iyo kuwa kale oo ka kala imaanaya dhulka miyiga.