Natiijada Tartanaqoonedka bisha Ramadaan ee idaacada Warsan
Caawa waxaa inoo bilowdey wareegii u dambeyey ee 3 aad kaaso ah knockout ama kala bax
Wareegan waxaa isku soo Harey 8 kooxood halka 8 kalena ay ka hareen tartanka gabi ahaanba
Caawa waxaa bilaabey tartanka Xaafadaha kala ah Howlwadaag B iyo Wadajir B
Labada xaafadood waxey muujiyeen dadaal xoogan sida caadada aheydna waxaa la weydiiyey min todobo su’aal
Tartankooda waxaa uu ku soo idlaadey.
Wadajir B 6 dhibcood Howlwadaag B 16 dhibcood
Sidaasna waxaa tartanka kaga harey xaafada wadajir B
Halka howlwadaag ay gudubtey.Habeen dambe waxaa balansan
Howlwadaag A iyo Salaamey A Insha’allah