Dagaal ayaa markale xalay waxaa uu ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada ka amar qaata Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kuwa taabacsan Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay Saddex Aag oo Magaalada Boosaaso ah, sida Aaga geedka Qabriga ee Xaafada Suweyto, Xaafada Ridwaan oo u dhow Taliska Ciidamada PSF iyo dhinaca Haamaha Shidaalka, waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka cul culus iyo midka fudud intaba, waxaana dhaqan geli waayay xabad joojin shalay Gelinkii dambe labada dhinac ay ku dhawaaqeen.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray dad Shacab ah oo guryahooda ay rasaasta ugu tagtay, balse aan sirasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.
Qaar kamid ah badi dadkii ku sugnaa Aaga goobaha lagu dagaalamay ayaa ka barakacay, waxaana weli Magaalada Boosaaso laga dareemayaa saan saan dagaal markastana laga cabsi qabo inay dagaalamaan maadaama dhinacyada ay ishor-fadhiyaan.
Waxaa jiray dadaalo ay wadeen isimada Puntland oo ay ku doonayeen in xal looga gaaro colaada labada dhinac, balse ay aad ugu cuslaatay maadaama dagaalka uu xalay dib u qarxay.