Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha ayaa iska waraystay xaaladaha guud ee dalka iyo dardargalinta dhameystirka arrimaha doorashooyinka.
Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Hir-Shabeelle doorkiisa ku aadan dardar gelinta Arrimaha doorashooyinka..