Dalal raadinaya inay ku biiraan NATO written by Warsan Radio 11/05/2022 Dalalka Finland iyo Sweden ayaa la filayaa in ay codsadaan inay ku biiraan gaashaabuurta NATO dabayaaqada bishan. Arrintan ayaa jawaab u ah duullaankii Ruushka ee dalka Ukraine. Labada waddan ayaa sheegay in falalka Moscow ay beddeleen hanaankii amniga ee Yurub, iyada oo hanjabaadda Ruushka ee adeegsiga hubka nukliyeerka ay uu baahan tahay is difaacid si wadajir ah loo sameeyo, taas oo NATO ay dammaanad qaadi karto.Sharci-dejiyeyaasha Finland ayaa ka doodaya ku biiridda gaashaanbuurta, ka dib dhowr qoraal oo dhinaca amniga ah oo horaantii bishan soo baxay. Go’aan ayaa la filayaa maalmaha soo socda.Wasiirka Arrimaha Yurub ee dalka Finland Tytti Tuppurainen ayaa VOAda u sheegay in ay iska caddahaay in wax walbaa isbeddeleen illaa markii Ruushku uu bilaabay dadagaalka Ukraine.Tuppurainen ayaa sheegay in doodaha baarlamaanka ee gudbinta codsi rasmi ah horumar weyn laga sameeyey.Xisbiga Social Democrat ee dalka Sweden ayaa la filayaa inuu go’aan codsi ku biiridda NATO ah uu ku dhawaaqo 15ka bishan May. Labada waddan ayaa ka fikiraya in hal marka ay codsiga wada gudbistaan. Dalal raadinaya inay ku biiraan NATO was last modified: May 11th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Akhriso:- Magacyada Musharrixiinta Maanta khudbadaha jeedinaya next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 20/04/2021 Doorashada kuraas aan lagu tartamin oo ka dhacday Muqdisho 10/02/2022 Bangiga Adduunka oo Keith Hansen u soo magacaabay Agaasime cusub ee bariga Afrika 08/09/2020 DHAGEYSO:-WAREYSI XASAASI AH IBDOW AAASE WAA MUDANE KA TIRSAN BKGS EEDEYMAHA LOO SOO JEEDIYEY 17/04/2017 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 27/01/2022 War-murtiyeed laga soo saaray shirkii madaxda Soomaaliya iyo dalalka safka hore 01/02/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 11/07/2021 Madaxda maamuladda Puntland iyo Jubbaland oo ku baaqay shir deg deg ah 28/01/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 31/05/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 27/12/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.