Baydhowy(Radio Warsan)Dagaal ayaa ka billowday Bartamaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug halkaas oo ay qaybo kamid ah xaafadaha magaalada galeen dagaalamayaal ka tirsan kooxda la baxday Ahlusunna ee ku sugnaa degaanka Bohol.
Ciidamada xoogagga Ahlusunna ayaa sigaar ah loogu arkayaa Xaafadaha Waaberi iyo waxara-cadde halka Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ay inta badan xarumaha muhiimka ah iyo dabaqyada Magaalada saaran, yihiin, waxaana dagaalka siweyn loiga dareemay inta badan Xaafadaha Magaalada.
Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa kal hore bilaabay inay barakacaan halka qaarkood ay weli sii barakacayaan, si ay uga badbaadaan rasaasta ay is dhaafsanayaan labada dhinac.
Sidoo kale meelo kamid ah Magaalada Dhuusamareeb waxaa kusugan Ciidamo katirsan kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo maalmo ka hor sheegay in hadii la soo weeraro Magaalada Dhuusamareeb ay difaaci doonaan.
Xaaladda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa aad u kacsan halka dhamaan Madaxdii ugu sareeysay Maamulka Galmudug ay Magaalada Muqdisho u joogaan arrimo la xiriira doorashooyinka Soomaaliya.