SAWIRO: Taliyaha cusub ee loo magacaabay qeybta 60-aad oo xilka la wareegay written by Warsan Radio 21/05/2022 Gaashanle Sare Ibraahim Cusmaan Maxamed (Tifow) oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha Cusub ee Qeybta 60aad ayaa Maanta si rasmi ah Xilka Taliyaha ugula wareegey Taliyihii hore Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeyo guuto Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow.Taliye Ciiro oo ahaa sanadyadii lasoo dhaafay taliyaha qeybta ayaa dhawaan kamid noqday Xildhibaanada 11aad ee BJFS ee laga doortay magaalada Baydhabo.Waxaana Munaasabadda Xil wareejinta ka soo qeyb galey Saraakiisha Ciidanka Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.Gaashanle Sare Ibraahim Cusmaan Maxamed (Tifow) taliyaha cusub ee qeybta ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalk ay bilaabi doonaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka degaanada maamulka Koonfur Galbeed.Waxaa uu sidoo kale xusay in ay dejin doonaan qorshe ku aadan sidii loo furi lahaa wadooyinka ay go’doomiyeen ururka Al-Shabaab. SAWIRO: Taliyaha cusub ee loo magacaabay qeybta 60-aad oo xilka la wareegay was last modified: May 21st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan next post Wararkii ugu dambeeyay weerar askar lagu laayay oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe You may also like Joe Biden oo la filayo inuu taariikh cusub ka sameeyo Pentagon-ka 16/11/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 25/02/2021 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 23/03/2022 Israel oo duqayn ka gaysatay Marinka Gaza 16/06/2021 Doorashada Kuraastii Ugu Dambeysay Ee Taalla Dhuusamareeb Oo Lasoo Gaba-Gabeeyay 25/02/2022 Askar Ethiopian ah oo magan-galyo weydiistay Sudan 10/05/2021 DEG DEG: Dagaal ka socda Magaalada Beledweyne 08/03/2022 Dowladda Jabuuti oo walaac ka muujisay Colaada Itoobiya 18/11/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 02/01/2021 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 04/06/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.