Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xiddiga William Saliba u sheegay in uu xilli ciyaareedka dambe ku tartami doono boos kooxda Arsenal ah kadib markii uu amaah ku qaatay kooxda Marseille xilli ciyaareedkan.
Xiddiga 21 jirka ah ayaan wali wax kulan ah u ciyaarin kooxda 1-aad ee Arsenal tan ilaa markii uu 27 milyan ugu biiray kooxda sanadkii 2019.
Saliba ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Marseille isaga oo kooxda ka caawiyay in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe.
Xiddiga reer France ayaa sheegay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda Marseille si uu uga ciyaaro tartanka champions League oo ay Arsenal ku fashilantay in ay u soo baxdo.
Laakiin Arteta ayaa sheegay in uu Saliba ku soo laaban doono waliba uu ka ciyaari doono Arsenal xilli ciyaareedka dambe.
“Waa inuu soo noqdaa” Arteta ayaa u sheegay RMC Sport.
“Waxa uu helay khibrad ku filan oo uu ugu tartami karo booska 1-aad ee Arsenal”ayuu sii raaciyay.