Haweeneey hal meel ku dishay 6 Carruur ah oo ay dhashay written by Warsan Radio 01/06/2022 Haweeney 30 jir ah ayaa tuulo ku taalla gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya ku dishay lix carruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo ay ku tuurtay ceel biyo ku jiraan.Markii ay falkaas samaysay kaddib ayay iyada qudheeda isku dayday inay is disho, balse Dadka tuulada ayay u suurtagashay in ay badbaadiyaan haweeneyda ku lugta lahayd dhacdadaas naxdinta leh.Haseyeeshee dhammaan carruurtii ayaa ku dhintay biyaha ceelka oo ay ku hafteen. Booliska degmada Raigad ayaa xabsiga u taxaabay hooyada oo lagu soo oogay dambi dil ah.Sidoo kale, ninkeeda ayay boolisku u xireen si ay su’aalo u waydiiyaan.Taliyaha booliska Raigad, Ashok Dudhe ayaa wareysi uu BBC-da siiyay ku yiri: “Carruurta dhimatay waxau isugu jiraan shan gabdhood iyo hal wiil. Wiilka ugu yar wuxuu ahaa hal sano jir, gabadha ugu waynna waxay ahayd 10 jir.”Dhacdadan argagaxa gelisay dadka deegaanka ayaa galinkii dmabe ee maalintii Isniinta ka dhacday tuulo lagu magacaabo Dhaklathi.Aaabaha qoyskan, Chikhru Sahani, oo 33 jir ah ayaa halkaas soo dagay muddo hal bil ah ka hor, xilligaas oo uu kasoo guuray gobolka magaalada Gorakhpur ee gobolka Uttar Pradesh.Waxa uu tuuladan u yimid si uu uga helo shaqo uu nolol maalmeedka ugu raadiyo xaaskiisa Runa, oo 30 jir ah iyo lix carruur ah oo ay dhaleen, sida uu sheegay taliyaha booliska degmada.Xigasho Bbc Somali Haweeneey hal meel ku dishay 6 Carruur ah oo ay dhashay was last modified: June 1st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Howlgal lagu qabtay Maandooriye & Ciyaal Weero oo laga sameeyay Muqdisho next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Dhageyso;- Warka Subaxnimo Ee Radio Warsan 03/03/2020 Dagaal ka qarxay xaafado ka mid ah magaalada Beledweyne 04/07/2021 Wasiir Jamaal iyo Wafdi uu horkacayey oo gaaray degmada Cabudwaaq 24/07/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 29/05/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 15/07/2021 Akhriso:-Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) 31/12/2017 Video Sawir: Kulan Looga Hadlaayay Dhismaha Burburka Waddooyinka Baydhabo Oo Yesheen Wasiirada Iyo Ganacsatada Baydhabo 07/12/2019 DHAGEYSO: WASIIRKA WARFAAFINTA KGS OO KA HADLEY SHIRKII BADQABKA SAXAFIGA EE LAGU KALA DAREEREY 23/04/2018 Dhageyso:-Barnaamijka Dooda Wadaag Waxaa Looga Hadlayey Sanad Guuradii 57 Ka soo Wareegatay 05/07/2017 UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA (UNSOM) 08/03/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.