Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya dalka Jabuuti written by Warsan Radio 06/06/2022 Xubno ka tirsan Guddiga Madaxa Bannaan ee la-dagaalanka Musuqmaasuqa oo uu hoggaaminayo Khadar Axmed Diiriye kuna wehliyo safarka Cabdullaahi Abuukar ayaa u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti si ay uga qeyb galaan Shirweynaha 8-aad ee Caalamiga ah ee looga hadlayo Dowlad-wanaagga iyo waxqabadka hay’adaha dowliga ah iyo ladagaalanka musuqa.Shirka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Madasha Afrika ee la dagaalanka Musuq-maasuqa, iyo Hay’adaha Isku-dhafka ah (FIGE), Xafiiska ladagaalanka musuqa ee EU iyo Xafiiska Kormeeraha Guud ee Jamhuuriyadda Jabuuti .Shirkan oo ka dhici doona Caasimadda Djibouti inta udhaxeysa 7–9 bisha Juun ayaa waxaa kasoo qeyb gali doona wufuud caalami ah oo ka kala socota Dalalka Ururka Hay’adaha isku-dhafka ah ee (FIGE), Madaxda Guddiyada La-dagaalanka Musuq-Maasuqa ee Bariga Afrika, Galbeedka iyo Bartamaha Afrika iyo Khubaro kale oo Caalami ah, waxaana daah furi doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.Soomaaliya ayaa ah markii ugu horeysay oo ay xubin ka noqotay Ururka FIGE kana qeyb gasho shirweynahan, waxaana wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda ka qeyb galeysa shirkaas. Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya dalka Jabuuti was last modified: June 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo Xukun ku riday askar dil geysatay next post Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Radio Warsan You may also like Dhageyso:-Warka SUbax ee Idaacada Warsan 08/11/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 22/01/2021 Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa amniga labada dal 31/07/2023 Weerar ka dhacay caasimadda Sudan ee Khartuum oo dad ku dhinteen 11/12/2023 Akhriso:-Dowlad goboleedyada oo warqad jawaab ah u diray Aqalka Sare 31/10/2018 Midowga Afrika oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay Muqdisho 21/08/2022 Hoggaamiyaha Shiinaha oo booqanaya Sacuudiga 07/12/2022 Guddi ka shaqeyn doona qaban-qaabada Cayaaraha Maamul Goboleedyada oo la magacaabay 31/10/2023 Golaha Wasiiraada oo Ansixiyey heshiisyo iyo is-afgarad ah oo Soomaaliya ay la gashay Ethopia iyo Turkiga 07/09/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 18/06/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.