Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Nin Mooto Bajaaj qarax ku keenay Muqdisho written by Warsan Radio 19/06/2022 Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun ayaa loo soo xiray Qarax uu ku dhaawacmay March 20222-kii kadib Bilooyin ay Nabad-Sugidda ka daawaysay dhaawac ka soo Gaaray Qaraxaasi.29-kii May, ayay Ciidamada Amniga ku wareejiyeen Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, xilligaasi oo ay Garsoor Ogolaadeen in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.Maxamed Cusmaan Dhagaxow ayaa Al-Shabaab ay u isticmaali jireen Qaadista Agabyada Gawaarida “spare parts” iyo Qaraxyada, waxa uuna ku dhaawacmay Qarax uu ka soo Qaaday Tabeelaha Sheikh Ibraahim oo uu soo Waday magaalada Muqdisho.Beledwayne ayuu Alshabaab kaga biiray, waxaana ku qalqaaliyay nin ay Qaraaba yihiin, waxa uu qaadan jiray 30-40 dollar markii uu kala daabulayo Agabyada ay isticmaali jireen iyo qaraxyada sida ay sheegtay Xeer ilaalinta Maxkamadda.5-tii June ayaa loo ballamay Fadhigii ugu horeeyay ee Maxkamadda, waxaana lala keenay cadaymo ay kamid yihiin Dhaawiciisa sawirro laga qaaday iyo bur-burka Bajaajtiisa gaartay.Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in loo Naxariisto maadaama uusan fuliya ka ahayn howlaha Al-Shabaab uu wakiilka kaga ahaa.Maanta ayay Maxkamadda ku xukuntay fadhiya kala duwan kadib 15-sano oo xabsi ciidan ah Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada. Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Nin Mooto Bajaaj qarax ku keenay Muqdisho was last modified: June 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Duqa Muqdisho oo Hay’adda IOM kala hadlay wax u qabashada dadka kasoo barakacay Abaarta next post Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Gedo You may also like Booliska Soomaaliya oo sheegay in dad badan laga soo badbaadiyay Hotel Afrik 31/01/2021 RW Xamse oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee qeybta baarista danbiyada CID-da 07/03/2024 DFS oo Dowladda Canada kala hadashay u gurmashada dadka ay saameysay Abaarta 17/06/2022 DF oo ciidamadii ugu badnaa geysay xaduuda Soomaaliya iyo Kenya 11/10/2020 Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo horleh geysay Gobolka Mudug & Howlgallo ka billaabanaya 12/12/2023 Guri ku yaala Degmada Xamar Weyne oo Xalay dumay (SAWIRRO) 21/07/2020 Dhageyso: Sicirka Ganacsiga Degaanka Goofgaduud Buuray Oo Sare U Kac Kuyimid. 01/11/2019 Taliyaha ciidanka Booliska oo Amar siiyay Ciidamada Haramcad 10/02/2024 Sawiro;-Wafdi isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro oo Maanta Gaaray Degmada Buulo-Barde. 02/10/2022 Video:-Wariye Faysal oo Booqdey mid Ka mid ah Kaamka Magalada Baydhabo oo Lagu MagaCabo ,Loo Goroor waxa degan Qoos Gaareya 70 qoos 12/02/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.